Reer Maka ma Waxay Caabudi Jireen Ilaaha ah Yahweh?

Dib ujalleecista arrinta ku saabsan ilma Ismaaciil iyo caabudista Ilaaha runta ah

Maqaalkan af Ingriisiga ah

Sam Shamoun

Mulisumku waxa ay sheegaan in Carabtii reer Maka ay ahaayeen farcankii Ismaaciil. Sidoo kale waxa ay sheegaan in Ismaaciil uu ku noolaa Maka halkaasoo, isaga iyo aabbihiis Ibraahim, ay ku dhiseen Kacbada oo sidoo kalena farcankooda ay uuga tageen diinta saxda ah ee Ilaaha runta ah. Waxa la rumaysanyahay in muddo dheer dabadeed ilma Ismaaciil ay beddeleen sidii loo caabudayay Ilaaha runta ah, iyagoon markaas si buuxda uuga tegin iimaankooda ay ku qabaan Ilaah, balse waxa ay caabudaaddooda kusoo dareen sanamyo, sidaas darteedna waxa ay beddeleen diintii Ilaah ee aabbohood Ismaaciil uuga tegey.

Waxa la inoo sheegay, in Muxammad loo soo diray inuu dib usoo celiyo diintii iyo caabudaaddii runta ahayd ee Ilaah. Mid ka mida ujeeddada Muxammad loo soo diray waxay ahayd inuu reer Maka dib uugu soo dabbaalo diintii dhabta ahayd ee ay keeneen Ibraahim iyo Ismaaciil.

Waxaan hore u sheegnay sababta aan ku diidayno in reer Maka ay ahaayeen farcankii Ismaaciil. Ciddii danaynaysa inay akhrido sababta aan sidan u nidhi, fadlan booqo halkan:

http://www.answering-islam.org/Shamoun/ishmael.htm (af Ingriis)
http://www.answering-islam.org/Shamoun/ishmael2.htm (af Ingriis)

Maqaalkan waxa aan jecelnahay inaan ku soo bandhigno iyadoo Kitaabka Quduuska ahi uu beeninayo sheegashada Islaamka ee ah in reer Maka ay caabudi jireen Ilaaha runta ah ee Yahweh. Sabuurka 83 waxaan ka arki karnaa iyadoo ilma Ismaaciil aanay caabudin Ilaaha ah Yahweh:

"Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aammusin, afkana ha haysan, Ilaahow. Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen. Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay. Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan. Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan, Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim, Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa, Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luut. (Selaah) Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon, Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo. Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnaac, Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah deg mooyinkiisa. Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya, Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya, Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii. Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan. Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan”. Sabuurka 83:1-18

Sabuurkani wuxuu ka mid yahay Sabuurrada loo tiriyo Aasaaf. Wuxuu Aasaaf noolaa ku dhowaad 1000 CH, waxaanu ahaa hoggaamiyaha heesayaashii Daa’uud ee ka mid ahaa reer Laawi, sidoo kalena farcankiisii waxa ay qarniyo badan dabadood sii ahaayeen heesaaga qaada qasiidooyinka Ilaah ammaanka ah. Dadka qaarkood waxay u malaynayaan in Sabuurka 83 la curiyay markay taariikhdu ahayd 1040 CH., kuwo kalena waxay sheegaan 800 CH., qaar kalena 600 CH, sidoo kale iyana kuwo kale waxay sheegaan inuu ahaa 400 CH.

Waxa uu Sabuurkani ka sheegayo waxyaalaha ay Muslimku sheegtaani waa arrin dhaawac geysanaysa. Sida Sabuurkani tilmaamayo reer Ismaaciil, ugu yaraan intii u dhaxaysay 1000-400 CH., waxay ka qayb ahaayeen dadyowgii necbaa Ilaah iyo dadkiisa uu axdiga la dhigtay. Qoraaga Sabuurkani wuxuu Ilaah weydiisanayaa inuu dadyowgan baabi’iyo si ay u gartaan in Yahweh uu yahay Ilaaha keliya ee ah Kan ka Sarreeya dunida oo dhan. Tani waxa ay ka dhigantahay haddii sheegashada Mulimka ee ah Carabtii Maka oo ahaa ilmo Ismaaciili ay saxsatahay, markaas Allaahii ay reer Maka caabudi jireen Islaamka hortiis waxa uu noqonayaa ilaah been ah. Muu ahayn isla Ilaahii ay caabudayeen Yuhuudda iyo Masiixiyiintu.

Dhab ahaantii, waxa jirta caddayn tusinaysa in Bacal uu ahaa ilaaha uugu sarreeya ee ay reer Maka caabudi jireen!

Tusaale ahaan, waxay u muuqataa in si xooggan la isugu waafaqsanyahay iyadoo ilaahii ugu sarreeyay ee Maka uu ahaa Hubal:

"... ilaahii weynaa ee Maka wuxuu ahaa Hubal, oo ahaa sanam ah dhagax cawlan." (Maxime Rodinson, Muhammad [New Press, NY, May 2000 ISBN: 1565847520], p. 16)

"... Kacbada oo laga yaabo inay ugu horreynta ahayd meel muqaddas u ah Hubal oo keli ah, waxa dhexyaallay sanamyo farabadan..." (Rodinson, p. 40; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

“…Inkastoo asal ahaan uu hoos tegeyay sanamkii jaahiliga ee Hubal, xaramka Maka ee ku yaalla ceelka Samsam, waxa laga yaabaa in Ibraahim iyo Ismaaciil lala xidhiidhiyay iyagoo ahaa awowyaasha ganacsatada Carabta, iyadoo ujeedadu tahay in asalkooda lagu xidhiidhiyo asalka ballaadhan ee Yuhuudda iyo Masiixiyiinta.” (Ibid., p. 17)

“..ilaahii reer Maka, Hubal, oo lahaa muuqaalka dhagax cawllan, waxa loo malaynayaa in asal ahaan ay qadarin jireen reer Khusaaca oo ka talin jiray Maka ka hor intii aanay iyaga meesha ka saarin Qurayshi..” (Ibid. p. 28; hoos ka xarriiqista annaagaa leh).

“…Xilligii Muxammad, Kacbadu waxay ahayd MEEL KHAAS U AH OO LOO GAARYEELAY sanamka Hubal, oo ahaa ilaah Carabta looga keenay xagga Nabaatiyaanka oo ah hadda waddanka Urdun. Laakiin muhiimaddii hore ee meeshan muqaddaska ahi lahayd iyo waxa ay reer Maka guud ahaan aaminsanaayeeniba waxay u muuqataa iyadoo tusinaysa in asal ahaan meeshani khaas u ahayd al-Llaah, Ilaaha uugu Sarreeya ee Carabta..” (Karen Armstrong, Muhammad: A Biography of the Prophet [Harper San Francisco; ISBN: 0062508865; Reprint edition, October 1993], pp. 61-62; madoobaynta iyo farta waaweyneenteeda annagaa leh)

“…Sida la sheegayo Qusaya ayaa u socdaalay Suuriya isagoo markaasna Xijaaz keenay saddexda ilaahadood ee al-Laat, al-Cuzza iyo Manaat, waxaanu Kacbada ku caleema saaray oo dhigay ilaahi Nabaatiyaanka ee Hubal..” (Armstrong, p. 66; madoobaynta farta annaagaa leh)

Xilligii Islaamka hortiis sidoo kale Carabtu waxay lahaayeen ilaahyadooda sanamyada ah. Waxay ahaayeen dhagaxaan aan qaabaysneyn oo isugu jira dhagxaanta fulkaanaha iyo kuwo kale ee saxaraha Carabta iyagoo markaasna rumaysnaa inay ahaayeen kuwo ay soo direen ilaahyada samadu. Sanamyada uugu caasan waxaa ka mid ahaa Hubal, oo ahaa ilaaha ninka ah ee Kacbada, iyo ilaahadaha walaalaha ah ee, al-Laat, al-Manaat, iyo al-Cuza; Qabiilka Muxammed ee Quraysh ayaa kuwan lahaa, inkastoo saddexda ilaahadood ay ahaayeen hablaha Allaah. Hubal wuxuu ahaa sanamka uugu sarreeya 360 ka sanam ee Kacbada yaallay. Wuxuu u qaabaysnaa sida nin oo kale iyadoo markaasna uu ka samaysnaa dhagax qaali ah halka gacmihiisuna ay ka ahaayeen dahab adag. (George W. Braswell, Jr., Islam Its Prophets, Peoples, Politics and Power [Broadman & Holman Publishers, Nashville, TN; July, 1996], p. 44; madoobaynta farta annagaa leh).

Hubal. Wuxuu ahaa sanam, ilaah dayax. Waxaa la dhigay Kacbada isagoo markaasna noqda ilaaha uugu sarreeya ee jaahiliintii Maka caabudi jireen. (Cyril Glassé, The Concise Encyclopedia of Islam [Harper & Row: San Francisco, 1989], p. 160; hoos ka xarriiqista farta annagaa leh).

…ilaahyada sanamyada ah ee Maka uugu sarreeyaayi waxay ahaayeen Hubal (ilaaha dayaxa) iyo ilaahyada dumarka ah. (Ibid., p. 179).

Ibn Al-Kalbi wuxuu ku tilmaamayaa kitaabkiisa Book of Idols (Kitaabka Sanamyada) in:

Qurayshi waxay caadaysteen inay iyada ka sarreysiiyaan sanamyada kaloo dhan. Sababtaas awgeed Zayd ibnu Caamir ibnu-Nufayl, oo xilligii jaahiliyada dib uugu laabtay inuu caabudo Ilaah, wuxuu diiday inuu caabudo al-Cuzza iyo sanamyada kaleba, waxaanu yidhi:

Waan diiday Allaat iyo al-Cuzza labadaba,

Sidaas ayaanay geesiga iyo kan caafimaadka qabaaba yeeli.

Mardanbe ma caabudi doono al-Cuzza iyo labadeeda walaalood,

Ama ma booqan doono labada sanam ee reer banu-Ghanm;
Mana u socdaali doono Hubal xaggiisa oo ma jeclaan doono,
INKASTOO MARKAAN YARAA UU AHAA ILAAHAYAGA
."

…Qurayshi sidoo kale waxay Kacbada iyo hareereheedaba ku lahaayeen sanamyo badan. Waxaa sanamyadan uugu weynaa Hubal. Wuxuu ahaa, sida la sheegay, mid ka samaysan dhagax cas, oo leh qaab nin isagoo markaasna gacanta midig ay jabnayd. Sidan ayaa loogu keenay Quraysh, sidaas darteedna, waxay u sameeyeen gacan dahab ah. Qofkii u horreeyay ee keenay in sanamkan la caabudaayi wuxuu ahaa Khuzaymah ibn-Mudrikah ibn-al-Ya's' ibn-Mudar. Sidaas darteed waxa loogu yeedhi jiray Hubalkii Khuzaymah.

Wuxuu dhexyaallay Kacbada. Waxa horyaallay toddoba fallaadhood oo tilmaan bixinaya (keli. qidh, jamac. qidah ama aqduh). Mid kamida fallaadhahan waxaa ku qornaa “nadiif” (sariix), ku kalena waxa ku qornaa “lagu lammaanyahay” (mulsaq). Markastoo laga shakiyo dhaxal helitaanka ilmaha dhasha, waxay qurbaan u bixin jireen Hubal iyagoo markaasna isku dhex qasi jiray fallaadhaha oo dabeetana tuuri jiray. Haddii markaas fallaadhuhu ay ku hagaagaan ereyga “nadiif,” ilmahaas yar waa la ansixin jiray oo qabiilkuna sidaas ayuu ku qaadan jiray. Haddii fallaadhuhu ay tilmaamaan ereyga ah “lagu lammaanyahay,” ilmahaas waxa la xisaabin jiray garac oo qabiilkuna wuu diidi jiray. Fallaadha saddexaadi waxay ahayd mid tilmaamaysa dhimashada wax ku saabsan, halka midda afraadna ay ka tilmaamaysay waxyaalaha khuseeya guurka. Saddexda fallaadhood ee soo hadhay ujeeddadoodu waxay ahayd mid aan sharraxaad laga bixinin. Marka ay isku khilaafaan ama ku murmaan arrin, ama ay doonaan inay safraan, ama ay mashruuc kale gudo galaan, waxay u tegi jireen Hubal iyagoo markaasna hortiisa ku qori tuuranaya. Waxa dabeetana ay raaci jireen natiijada u soo baxda waxa ay doontaba ha haatee.

Cabdul Mudalib wuxuu ku hor qori tuurtay Hubal (isagoo raba inuu helo kii carruurtiisa tobanka ah ka mida ee uu qurbaan ahaanta u bixin lahaa si uu u fuliyo nidarkii uu hore u galay), oo fallaadhiina waxa ay tilmaantay wiilkiisii Cabdullaahi, Nebiga aabbihiis. Hubal sidoo kale wuxuu ahaa isla sanamkii uu abu-Sufyan ibnu-Xarbi la hadlay kaddiib markuu guusha kalasoo hoyday dagaalkii Uxud, isagoo leh:

"Hubalow, adigu sarree oo kor ahaw " (i.e. diintaadu ha guulaysato);

Nebiguna wuxuu hadalkiisaas kaga jawaab celiyay:

" Allaah ayaa sarreeya oo cid kasta ka weyn."

(Source: http://www.answering-islam.org/Books/Al-Kalbi/uzza.htm (af Ingriis))

Qaamuuska Oxford ee Islaamku[The Oxford Dictionary of Islam (Oxford University Press, 2003)] wuxuu leeyahay Hubal wuxuu ahaa sanamka ay caabudi jireen qabiilka Muxammad:

Hubal wuxuu ahaa ilaah sanam ah Islaamka hortiis, waxaanu dhex oolli jiray kacbada isagoo markaasna uu Muxammad burburiyay markuu qabsaday Maka sanadkii 630. Waxa caabudi jiray Quraysh, oo ahaa qabiilkii Maka ka talin jiray (p. 117; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Wax dheeraada oo arrintani ku saabsani waa:

F.E. Peters, inkastoo aanu rumaysnayn in Hubal uu yahay Allaah, wuxuu qorayaa:

"Sanamyadii Qurayshi caabudi jirtay, waxa ka mid ahaa ka uugu weyn oo ahaa Hubal…

Faahfaahin dheeraada oo ku saabsan sanamkan, oo ahaa kii uugu awoodda badnaa sanamyada jaahiliinta ee Maka, waxa bixinaya taariikhyahanka reer Maka ee Azraqi…

Camr ibnu Luxayi ayaa Maka keenay sanam la yidhaahdo Hubal isagoo ka keenay dhulka Hit ee Mesobataamiya. Hubal wuxuu ka mid ahaa samayda uugu waaweyn ee Quraysh sidaas darteedna wuxuu dhigay Kacbada dhexdeeda isagoo dadkana ku amray inay caabudaan. Sidaas darteed ninka kasoo laabta socdaalku wuu booqan jiray isaga ka hor intaanu xitaa reerkiisa aadin, isagoo markaasna hortiisa timaha iskaga xiiri jiray…(Peters, Hajj: The Muslim Pilgrimage to Mecca and the Holy Places [Princeton University Press, NJ, 1994], pp. 24-25)

Sharrax hoosaadkiisa Peters 59 wuxuu leeyahay:

"Ilo kale waxay sheegayaan inuu (sanamka Hubal) ka yimid woqooyiga Urdun." (Ibid., p. 365)

Warbixinuhu sidoo kale waxay tilmaamayaan in magaca Hubal lagasoo kexeeyay asalka Cibraaniga ah ee Ha Baal, “Bacalka.” Tusaale ahaan, F. E. Peters hadalkiisa kor ku xusan ee khuseeya Camr ibn Luxayi oo Hubal ka keenay Mesobataamiya waxay cadaynaysaa in sanamkani uu metelaayay Bacal.

Martin Ling oo u janjeedha xagga Islaamku, marka uu faallada ka bixinayo asalka jaahilnimadii Maka dhextaallay, wuxuu taageerayaa arrintan isagoo qoraya:

“Khusaacah wuxuu ka qayb qaatay gafkii Jurhum. Sidoo kale isaga waxa lagu canaananay inuu yahay caaqilkooda, markuu kasoo laabtay socdaalkiisii SUURIYA, wuxuu REER MOO’AAB WEYDIISTAY INAY SIIYAAN MID KA MIDA SANAMYADOODA. Waxaanay siiyeen HUBAL, isagoo markaasna keenay Kacbada dhexdeeda; waxaanu noqday SANAMKA UUGU SARREEYA MAKA.” (Muhammad: His Life Based on the Earliest Sources [Inner Traditions International, LTD. One Park Street, Rochestor Vermont 05767, 1983], p. 5; madoobaynta iyo waaweynaynta farta annagaa leh)

Lings isagoo faallo ka bixinaya Cabdul Mudalib oo dib u helay ceelka Zamzamka iyo muhiimadda uu leeyahay, wuxuu qorayaa:

“…Haddaba Cabdul Mudalib wuxuu sii waday inuu qodo ceelka iyadoo aanu jiray wax caqabad ku noqdaayi; intii aanu si kedis ah u garaacin dhagaxa ceelka ku gadaaman ka horna dadku waxa ay iska tegayeen meeshan, markuu dhagaxa ceelka arkayna wuu ooyay isagoo Ilaah u mahad celinaya. Dadkiibaa isu soo ururay oo tiradoodiina badatay; oo markuu bilaabay inuu qodo kaydkii ay Jurhum meeshaas ku aaseen, cid waliba waxa ay sheegatay inay xaq u leedahay. Cabdul Mudalib wuxuu waafaqay in shay kasta loo qori tuuro, haddii ay tahay in loo dhex daayo meesha barakaysan iyo haddii ay tahay in qabiillada dhexdooda loo qaybiyo. Sidan ayaa loo aqoonsaday in go’aanka laga gaadhi lahaa arrintan, waxaana loogu qori tuuray kacbada dhexdeeda, SANAMKA REER MOO’AAB EE HUBAL hortiisa...” (Lings, p. 11; madoobaynta iyo waaweynaynta farta annagaa leh).

Ibn Kathir wuxuu leeyahay:

Ibnu Hishaam ayaa xusaya in nin aqoon lihi u sheegay in Camr bin Luxayi uu mar ka tegay Maka isagoo u safraya Suuriiya waxaanu gaadhay Ma’ab (waxa suurto gala inay yihiin reer Moo’aab) oo ku taalla gobolka Balqac. Wakhtigaas waxa meeshaa ku noolaa Camaaliq (waxa suuro gala inay yihiin reer Camaalaq), ilma Cimlaaq ama, sida qaar kale yidhaahdaan, Cimlaaq b. Lawadh b. Sam b. Nuh. Camr wuxuu arkay dabeeto iyagoo caabudaya sanamyo, waxaanu weydiiyay sababta ay u caabudayaan sanamyadaas. Waxay uugu jawaabeen in hadday sanamyada weydiistaan roob inuu roobku da’o, haddii ay guul weydiistaanna uu ay guulaystaan.

Camr wuxuu markaas iyaga ka dalbaday inay siiyaan sanam uu u qaado dhulka Carabta si loogu caabudo, waxaanay siiyeen mid la yidhaahdo Hubal. Kan ayuu keenay Maka isagoo meel qotomiyay isla markaasna dadka weydiistay inay caabudaan oo qadariyaan. (The Life of the Prophet Muhammad (Al-Sira al-Nabawiyya), Volume I, translated by professor Trevor Le Gassick, reviewed by Dr. Ahmed Fareed [Garnet Publishing Limited, 8 Southern Court, south Street Reading RG1 4QS, UK; The Center for Muslim Contribution to Civilization, 1998], p. 42; madoobaynta farta annagaa leh)

Waxa xiiso leh, iyadoo Ibnu Kathiir uu muujinayo qoyska Muxammad oo caabudi jiray Hubal, iyadoo xitaa awowgiis uu baryi jiray Allaah intuu u jeesto xagga sanamka Hubal!

Ibnu Ishaaq wuxuu leeyahay, “Waxa la sheegaa in markii Cabdul Mudalib ay Qurayshi kagasoo horjeesatay qoditaanka ceelka zamzam, wuxuu ku nadray in hadday u dhashaan toban wiil oo ay koraan isla markaasna ilaaliyaan isaga, inuu mid ka mida wiilashaas Kacbada uugu gawric doono Ilaah dartiis.

“Waxa markaas u dhashay toban wiil oo koray isagoo markaana ogaaday inay ilaalin doonaan isaga. Magacyadoodu waxay ahaayeen al-Xaarith, al-Zubayr, Hajl, Dirar, al-Muqawwim, Abu Lahab, al-Cabbas, Xamza, Abu Daalib, iyo ‘Abd Allah. Wuu isugu yeedhay iyaga isagoo ka dalbaday inay tixgeliyaan nidarkuu Ilaah la galay, Cisso iyo Awood ba lahaayee. Way addeeceen, waxaanay weydiiyeen waxa uu rabo inuu sameeyo. Wuxuu weydiistay midkastoo iyaga ka mid ahiba inuu qaato fallaadh, oo magaciisa ku dul qoro dabeetana usoo celiyo isaga.”

“Sidaas ayay yeeleen oo isna wuxuu iyaga u kexeeyay Kacbada gudeheeda xaggii ilaahooda Hubal, xagga dhinaca ceelka lagu aruurin jiray waxyaalaha loogu deeqo Kacbada. Halkaas, Hubal agtiisa, waxa yaallay toddoba fallaadhood kuwaasoo ay u adeegsan jireen in lagu xukumo amuurohooda, sida magta, maamulka, ama waxyaalaha la midka ah. Waxay u iman dooneen Hubal inay ballanqaadaan waxkastoo lagu amro inay sameeyaan ama ay diidaan.” (Ibid., pp. 125-126; annagaa madoobaynay farta).

Xadiisku wuxuu leeyahay in marar badan qori tuurkii uu ku dhacay Cabdullaahi, oo ahaan doonay Muxammad aabbihiis, taasoo ka dhigan in isaga la gawraco. Qurayshi waxay markaas Cabdul Mudalib ku qanciyeen inuu raadiyo xal uu ku badbaadiyo wiilkiisa, waxaanay ku qanciyeen inuu la tashado naag faaliso ah. Nasku isagoo sii socda wuxuu leeyahay:

Markaas waxay tegeen Madiina, halkaasna waxay ka heleen faaliso magaceedu la odhan jiray Sajah, sida Yunus b. Bukayr uu kasoo wariyay Ibnu Ishaaq, waxay joogtay Khaybar. Markale ayay socdaaleen iyagoo taladeeda raadinaya. Cabdul Mudalib markuu u sheegay dhibaatada jirta ee khusaysa wiilkiisa oo dhan, waxay isaga ku tidhi: “Maanta iga tag, ilaa inta ay rooxaanaydu iiga imanayso si aan wax u weydiiyo.”

Wey ka tegeen iyadii oo Cabdul Mudalibna wuxuu baryay Ilaah. Maalintii xigtay ayay naagtii ku soo noqdeen waxaanay u sheegtay inay farriin heshay. Waxay iyagii weydiisay, “Imisa weeyi magta aad bixisaani?” Waxay ku jawaabeen, “Toban geel ah.” Waxay tidhi markaas, “Ku noqo dhulkaagii oo waxaad qurbaan ahaan u keentaa ninka iyo toban geel ah. Markaas u qori tuur geela iyo isaga. Haddii qori tuurku uu ku dhaco isaga waxaad markaas geela tiradiisa ku dartaa toban kale oo sidan ku ceceli ilaa ilaahaagu uu ku qancayo; haddii qori tuurku uu ku dhaco geela, geelaas qal isaga beddelkiisa. Sidaad ayaad ku raalli gelinaysaa ilaahaaga ood wiilkaagana ku badbaadinaysaa.

Dabeeto waxay ku laabteen Maka, oo markii ay isku afgarteen inay sameeyaan sidii ay naagtu u sheegtay, Cabdul Mudalib Ilaahbuu baryay. Dabeetana waxay keeneen Cabdullaahi iyo tobankii geel ahaa waanay u qori tuureen. Markii halkaas la joogay raggii reer Quraysh waxay Cabdul Mudalib, oo Hubal agtiisa taagan isla markaasna Ilaah baryaya, ku yidhaahdeen “Waa dhammaatay! Cabdul Mudalibow, Ilaahaagu raalli buu yahay”… (Ibid., p. 126-127; farta annagaa madoobaynay).

Waxyaalahaas hore oo dhammi waxay caddaynayaan in Ilaaha Muxammad awowgiis uu nidarka u galay isla markaasna caabudayay uu ahaa Hubal. Si fudud arrintan iyada ah loogama baxsan karo.

Xaqiiqo ahaantii, qoraa ayaa wuxuu ku xeel dhaaranayaa inuu yidhaahdo waxa laga yaabaa Hubal inuu ahaa magac tilmaamaya Allaah:

Dhinac ka mida Allaah waxa laga yaabaa in lagu tilmaamay sanamka Hubal, kaasoo meel sare ka lahaa sanamyada Kacbada yaalla dhexdeeda. Waxa la sheegay in magacan lagasoo kexeeyay ereyga Semetiga ah ee Hu, kaasoo macnihiisu yahay ‘Isaga’ ama ‘Isagu waa’ (eeg 3.1), oo uu la socdo daba-galaha El, ‘Ilaah.’ Waxa laga yaabaa inuu ahaa magac hore oo Allaah loo yaqaanay, waxaana laga yaabaa inay reer Maka ka adeegsadeen magac loo qayshado. Hubal waxa qadarin jiray reer Nabaati iyo qabiilooyin gaara oo xagga woqooyiga ah, laakiinse laguma dhex magacaabin Qur’aanka. Dhallinyaranimadiisii, Muxammad wuxuu gacan ka geystay munaasabaddii Hubal lagu dhex keenayay Kacbada. (Benjamin Walker, Foundations of Islam: The Making of a World Faith [Peter Owen Publishers, London & Chester Springs, 1998], p. 42)

Xigashooyinkan ka ahaaday Philip K. Hitti ayaa waxyaalahan oo dhan si wanaagsan isugu keenaysa:

Hubal (ka ahaaday Aramaati. Loo adeegsado ruux), oo ahaa sanamka uugu sarreeya Kacbada, waxa uu u samaysnaa sida qof bani aadam ah. Waxa dhinaciisa yaallay fallaadho ay adeegsadaan faaliyayaashu (kahin, asalkiisu Aramaati yahay) oo waxyaalbo badan loogu qori tuuro. Taariikhda siirada ibnu Hishaam, oo Camr bin Luxayi ku tilmaamaysa inuu sanamka ka keenay Moo’aab ama Mosabataamiya, waxa laga yaabaa inay dhab tahay iyadoo sidoo kalena diidaysa in Aramaayigu ay ku lug leeyihiin asalka sanamkan. . (History of the Arabs from the Earliest Times to the Present, revised tenth edition, new preface by Walid Khalidi [Palgrave Macmillan, 2002; ISBN: 0-333-63142-0 paperback], p. 100; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Iyo:

Allah (allah, al-ilah, ilaaha) wuxuu ahaa ka uugu sarreeya, inkastoo aanu ahayn ilaaha keliya ee Maka. Magacani waa qadiimi. Waxa uu ka muuqanayaa labo ka mida qoraalka xardhitaanka ah ee Koonfurta Carabta, midi waa Mine’iyaan oo waa al-‘Ula ka kalena waa Saba’iyaan, laakiinse wuxuu u qoranyahay qaabka ah HLH isagoo ku sugan qoraalyada qolyihii Lihyanite-ka oo u noqonaya qarnigii shanaad C.H. Lihyan, oo sanamkan ka helay xagga Suuriya, waxay ahayd meeshii ugu horreysay ee xarunta u ahayd sanamyadan Carabta. Shan qarni Islaamka hortiis magacani isagoo ah Hallah wuxuu kusoo dhex arooray qoraallada Safa sidoo kalena Carabtii Islaamka hortiis ee Masiixiyiinta ahayd qoraalkooda waxa laga helay ummu-al-Jamal, Suuriya, waxaana lagu taariikhiyee qarnigii lixaad. Muxammad aabbihiis magaciisa waxa la odhan jiray Abdullaahi (Cabdullaahi, addoonka Alle). Qiimaha ay Allaah u hayeen reer Maka Islaamka hortiis wuxuu ahaa iyagoo ka dhiga abuuraha iyo kan awoodda leh iyo kan isaga loo qayshado marka khatari jirto, cadaynta arrimahan waxa loogu noqon karaa aayadaha Qur’aanka ah 31:24, 31; 6:137, 109; 10:23. Waxa cad oo muuqata markaas inuu ahaa ilaah qabiileedka Quraysh. (Ibid., pp. 100-101; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Ibnu Kathir wuxuu sheegayaa in qoyska Muxammed ay caabudi jireen Hubal, sidoo kalena Qaamuuska Oxford ee Islaamku wuxuu isna Hubal ku tilmaamayaa inuu ahaa ilaaha ay caabudaan Qurayshi. Haddii Hitti uu ku saxsanyahay Allaah oo ahaa ilaah qabiileedka Quraysh markaas tani waxay tahay caddayn dheeraada oo tusinaysa in Allaah uu ahaa magac uu leeyahay Hubal. U fiirso doodda sidan ah:

  1. Hubal wuxuu ahaa sanam uugu sarreeya ee Qurayshi caabuddo.

  2. Allaah wuxuu ahaa ilaaha uugu sarreeya ee Quraysh.

  3. Sidaas daraaddeed, Hubal wuxuu ahaa Allaah Islaamka hortiis.

Waxa jirta caddayn kale oon toos ahayn isla markaasna Allaah la xidhiidhinaysa Bacal. Franz Rosenthal, isagoo faallo ka bixinaya wareerka weyn ee Islaamka ka haysta arrinta ku saabsan macnaha as-samad (Cf. 112:2), wuxuu sheegayaa suurtagalnimada asalka ereygan: wuxuu leeyahay:

... Waxa jira shaki laga qabi karo oo inoo oggolaanaya inaan eegno caddaymo xagga dibadda ka ahaaday.

Halkaas, waxaynu ku arkaynaa arrin cajiiba oo loo fiirsan karo: waa asalka ereyga smd oo sida uu diinta uula xidhiidho badanaa ay yartahay.

Ugartic-ga, ereyga smd wuxuu ka dhiganyahay ul ama budh uu adeegsado Bacal. Qoraallada Kilammu, laynka 15, waxaynu ku arkaynaa bacal smd, waxaana weeyi, bacal oo iska leh ushiisa ama budhkiisa ilaahiga ah. Kitaabka Quduuska ah dhexdiisa, Israa’iiliyiinta oo raacay Bacal Fecoor waxa loo adeegsaday nip’al oo ah asalka smd. Xagga tarjumaadda Giriigga ee Septujantiga waxa ficilkan lagu tarjumay heteleuse (Tirintii 25:3, 5; Sabuurka. 106:28). Adeegsiga ficilkani wuxuu shaki la’aan tusinayaa ereyada diiniga ah ee ay lahaayeen Kancaaniyiintii Woqooyi.

Xagga ilaha Carabiga ah, waxaan arkaynaa iyadoo sanamkii reer Caad la odhan jiray samud, isagoo markaasna inagusoo dhoweynaya bii’adii Muxammad…

Marka waxyaalahan loo fiirsado, waxa la odhan karaa in as-samad Qur’aanka dhexdiisa uu yahay erey kasoo hadhay ereyadii diimiga ahaa ee Semetiga Woqooyigalbeed, iyadoo markaasna laga yaabo in xitaa Muxammad, iyo xitaa gabayaagii hore aanay fahmaynin waxa macnihiisu ka dhignaa (haddii sawahid ku uu dhabyahay). Tan waxa muujin karaya iyadoo Qur’aanku uu ereygan xusayo isagoo wata shaqal, waxaana in la tilmaamo mudan iyadoo ay mufasiriintu ka labolabeeyaan ereygan. Ka labolabayntaasi waa waxa aynu filayno marka aan la tacaalayno erayo jaahili ah oo ka ahaaday wakhtiyadii uugu horreeyay ee muujinta. (What the Koran Really Says: Language, Text, & Commentary, "Some Minor Problems in the Qur'an", edited with translation by Ibn Warraq [Prometheus Books, October, 2002, Hardcover; ISBN: 157392945X], part 5.2, pp. 336-337)

Hadduu Rosenthal saxsanyahay, tani waxay caddayn dheeraada u tahay in Allaah uu ahaa magac uu Hubal leeyahay, iyo in Hubal uu ahaa Bacal oo Carabi ah.

Ereyga Allaah xilliyadii Islaamka hortiis waxa loo adeegsan jiray ilaah kastoo jiray xilligii jaahiliga, waxaanay taasi ka dhigantahay iyadoo suurto gal ah in Allaah loo adeegsan jiray Hubal, waxaana sidaas qaba culumo iyo qorayaal badan:

“… Magaca loo adeegsan jiray Ilaah wuxuu ahaa ‘Allaah’, waxaanu ahaa mid loo adeegsan jiray mid ka mida ilaahyo hoosaadka (imika Yuhuudda iyo Masiixiyiinta ku hadla afka Carabigu waxay magacan u adeegsadaan Ilaah) ..." (Albert Hourani, A History of Arab Peoples [Warner Books Edition, paperback 1992], p. 16; madoobaynta farta annagaa leh).

“Allaah, oo ahaa ilaaha uugu sarreeya ee Carabtii jaahilka ahayd, wuxuu ahaa mid siyaabo kala duwan looga caabudo xagga koofurta Carabta iyo xagga Bariga Dhexe. Xagga Baabiloon waxa looga yaqaanay “Il” (ilaah); xagga Kancaan, iyo mardanbe Israa’iiliyiinta, waxa loo yaqaannay “El”; Carabta Koonfurtuna waxay u caabudi jireen isagoo ah “Ilaah,” xagga Badwiyiintana waxa uu ahaa “al-llaah”(ilaaha). Wakhtigii Muxammadna WUXUU NOQONAYAA Allaah, Ilaaha Caalamka, rumaystayaasha, waana kan aan oggolayn in isaga cibaadada cidna loogu shariik yeelo. Fikirka ay Yuhuudda iyo Masiixiyiintu ka haystaa Ilaah ayaa wuxuu taageerayaa in Allaah laga bedelo QAABKII SANAMKA JAAHILNIMADA oo laga dhigo qudha oo waaxid ah. Haddaba, ma jirto sabab loo aqbalo fikirka ah in “Allaah” ay Muslimiintu ka dhaxleen Masiixiyiinta iyo Yuhuudda.” (Caesar E. Farah, Ph.D., Islam [Barron's Educational Series, 2000, sixth edition paperback] p. 28; waaweynaynta iyo madoobaynta farta annagaa leh).

Ibnu Warraaq oo hore Muslim u ahaan jiray balse noqday Mulxid ayaa wuxuu qorayaa:

Waxaan caddayn u haynaa in dhagxaanta madmadow lagu caabudi jiray meelo kala duwan oo ka mida dhulka Carabta; tusaale ahaan, Clement- gii reer Aleksandariya, qoraalkiisa ku dhowaad ahaa 190, wuxuu ku sheegayaa in “Carabtu ay caabudi jireen dhagax,” isagoo tilmaamaya dhagaxa madaw ee Dusaares-tii Petra. Maximus Tyrius oo qarnigii labaad wax qorayaana wuxuu leeyahay, “Carabtu waxay qadariyaan waxaan aqaano inaanu ilaah ahayn, kaasoo ay ku metelaan dhagax”: wuxuu tilmaamayaa Kacbada oo uu dhex yaallo Dhagaxa Madoobi. Wakhtiyadeedii hore sidoo kale waxa la xaqiijiyaa in iyadoo Faarisiiyiin hore ay sheegaan in Mahabad iyo kuwii ka danbeeyay ay Dhagaxa Madaw kaga tegeen Kacbada, sidoo kalena waxay kaga tegeen waxyaabo qadiimi ah iyo sawirro, oo dhagaxunu wuxuu calaamad u ahaa Saatuun…

Dhagaxa Madaw laftiisu waxa aan shaki ku jirin iyadoo lagu tilmaamo inuu yahay mid ka yimid xagga “samooyinka.” Waxa arrin lala yaabo ah iyadoo Muslimiintu ay qadariyaan dhagaxan iyadoo lagu tilmaamo inuu yahay mid uu Jibriil siiyay Ismaaciil si uu Kacbada uugu dhiso. Margoliouth waxa lagasoo xiganayaa, “waxa laga shakiyi karaa inay runtahay, maadaama oo Dhagaxa Madaw … qarnigii afraad ee tirsiga Islaamka ay qaadeen Qarmatians-ku, oo dabeetana ay sanado badan dabadood soo celiyeen; waxa shaki ku jiraa haddii dhagaxani uu yahay kii markii hore ay meesha ka qaaadeen iyo in kale.”

Hubal waxa lagu caabudi jiray Maka, isagoo ka samaysan dhagax casna waxa la dhex dhigay Kacbada gudeheeda, waxaanu ka sarreeyay ceelka engagan ee lagu ridi jiray waxyaalaha isaga loo bixiyo. Waxa markaas hubaal noqon karta in Hubal uu u samaysnaa qaab aadane. Hubal oo yaallay meel u dhow dhagaxa madoobi waxa ay tilmaamaysaa inuu jiray xidhiidh labadooda ka dhexeeyaayi. Wellhausen ayaa wuxuu u malaynayaa in Hubal asal ahaantii ahaan jiray Dhagaxa Madaw, oo sidaan hore usoo tilmaanay, wuxuu aad uuga qadiimi sanyahay sanamka.Wellhausen sidoo kale wuxuu sheegayaa in Qur’aanka dhexdiisa Ilaah loogu yeedhay Sayidka Kacbada iyo inta ku hareeraysan Maka. Nebigu wuxuu dadka isugu keenay inay kasoo horjeestaan qadarinta iyo caabudista sanamyada al-Laat, Manaat, iyo al-Cuza, kuwaas oo Carabta jaahilka ahi uugu yeedhi jireen hablaha Ilaah, laakiin Muxammad wuxuu ka gaabsaday inuu weeraro Hubal. Arrintan aawadeed, Wellhausen wuxuu kusoo gebogebaynayaa in Hubal aanu wax kale ahaynee uu yahay Allaah, “ilaahii” reer Maka. Markii reer Maka ay nebiga ku jebiyeen Madiina agteeda, waxa la sheegay in hoggaamiyohoodu uu ku qayliyay, “Guusha waxa leh Hubal.”

Meesha barakaysan oo lagu dawaafaayi waxay ahayd caado laga isticmaalo meelo badan. Xaajigu marka uu dawaafayo wuxuu marar badan dhunkan jiray ama taaban jiray sanamka. Sir William Muir wuxuu u malaynayaa toddaba jeer ee lagu wareego ama lagu dawaafo Kacbadu “ay calaamad u ahaayeen kacdoonka meerayaasha.” Zwemer ayaa isna intaas kasii badinaya isagoo soo jeedinaya in toddoabada dawaaf ee Kacbadu, saddex jeer oo dhakhso ah iyo afar jeer oo aayar ahi ay ahaayeen “ku dayashada meerayaasha gudaha iyo kuwa dibadda.”

Waxaan laga shakiyi karin in Carabtu “marka la eego wakhtiyo danbe ay caabudi jireen cadceedda iyo waxyaalaha kale ee samaawiga ah.” Xiddigaha Laxaha, oo loo haystay inay roobka keenaan, waxa laga soo qaadi jiray ilaah. Waxa jiray dhaqan ah in meeraha Venus lagu tiring jiray inuu yahay ilaahad weyn oo hoos tagta magaca al-Cuzza.

Waxaan magacyo badan oo lala xidhiidhiyaa ilaah ku garanaynaa in cadceeda la caabudi jiray. Shams ama cadceedu waxay ahayd ilaahad ay caabudaan qabiilooyin badan iyagoo lahaa sanam iyo meel lagu caabudo. Snouck Hurgronje wuxuu cibaado cadceedda loo fidiyo u arkaa “wukut”…

Ilaahadda al-Laat waxa mararka qaar lala xidhiidhin jiray cadceedda. Dharrih wuxuu ahaa cadceedda soo baxaysa oo ilaah lagu tilmaamo. Caadooyinka Muslimka ee ah in Carafo iyo Musdalifa la dhex socdo, iyo Musdalifa iyo Madiina waxa weeyi in la dhammaystiro cadceeddu inta aanay dhicin iyo in aanay soo bixin ka hor. Is beddelkan waxa si kas ah u sameeyay Muxammad si uu meesha uuga saaro cibaadadii jaahiliga ee la xidhiidhay cadceedda, muhiimaddeedana xagga danbe ayaan ku arki doonnaa. Sidoo kale iyana caabudaadda dayaxa waxa lala xisaabin magacyada dadka sida Hilaal, oo ah bil, Qamar, oo ah dayax, iyo waxyaalaha la midka ah.

Houtsma wuxuu soo jeediyay in dhagaxaynta Mina lagu sameeyo asalkeedu uu ahaa mid lagu tuuro jinniga cadceeda. Aragtidani waxay tusinaysaa xaqiiqada ah in jaahiliintu ay xashi jireen asal ahaan marka xilliga dayrta habeenka iyo maalintu sinmaan. Jinniga cadceeda waa la eryay, oo xukunkiisii adkaana wuxuu kusoo gebogeboobayaa dhammaadka xagaaga, waxaana ka danbaynayay caabudaadda xagga Muzdalifa ee ilaaha onkodka oo keena barwaaqada.

Islaamku ereyga “Allaah” wuxuu kasoo qaadanayaa Carabta oo qadaf ku hayay magacan. Waxaan ahaynaa caddaymo badan oo tusinaya inuu dhex galay magacyo shakhsi ahaaneed oo badan xagga Woqooyiga Carabta iyo Nabaatiyaanka dhedoodaba. Wuxuu kusoo dhex aroorayaa Carabtii wakhtiyadii danbe, isagoo iskii u taagan iyo iyadoo lala xidhiidhinayo kuwo kale. Wellhausen wuxuu sidoo kale qoraallo Islaamka hortiis ah kasoo xiganayaa iyadoo Allaah lagu tilmaamay ilaah weyn. Waxaynu sidoo kale haynaa Qur’aanka laftiisa oo ka markhaati kacaya iyadoo isaga loo aqoonsaday inuu yahay kan roobka bixiya, abuuraha, iyo waxyaalaha la hal maala; denbiga reer Maka wuxuu ahaa markaas iyagoo isaga ka daba caabuday ilaahyo kale. UGU DANBAYNTII Allah waxa lagu dabaqay inuu yahay Ilaaha uugu Sarreeya. “Si kastaba ha ahaatee waxa aad muhiim u ah iyadoo Muxammad aanu u arkin in loo baahanyahay ilaahyo kale, laakiinse wuxuu ku raalli noqday inuu meesha ka saaro Allaaha ay dadkiisu ku GAFAYAAN oo uu isaga ka dhigo midaan cidna lagala mid dhigi karin…Miyaanu yaraantiisii caadaysanin fikirka ah Allaah oo ah Ilaaha uugu Sarreeya, gaar ahaan Maka, waxa si fiican looga shakiyi doonay inuu sii wado wacdintiisa ku saabsan Waxdaaniyada.” (Ibn Warraq, Why I Am Not A Muslim [Prometheus Books, Amherst NY, 1995], pp. 39-40, 42; madoobaynta iyo waaweynaynta farta annagaa leh).

Gerhard Nehls wuxuu qorayaa:

Yuu Hubal ahaa?

Cutubka 2 waxaan kusoo tilmaanay Hubal oo ahaa ilaaha Kacbada xilligii Muxammad ka hor. Waa maxay magacan macanihiisu? Luqadda Carabiga laguma sharraxi karo (ENCYCLOPEDIA OF ISLAM by Gibb iyo Kramers). Buuggiisa "Specimen Historicae Arabum" qoraagu (Pocock) wuxuu ku soo jeedinayaa iyadoo laga yaabo in magacan lagasoo kexeeyay ha-Bacal. Fartii Cibraaniga iyo Carabiga ee qadiimiga ahaa may lahayn shaqallo, sidaas darteed tani waxay noqon kartaa mid ka mida beddelitaanno guud (e.g. waxa loo akhriyi karaa Moxamed, Muxamad, Muxammed, Maxomed iwm.).

Waxa xusid mudan magaca HUBAL (qoraallada Carabiga iyo Cibraaniga shaqallada laguma dari jirin). Tani waxay tusinaysaa in aad looga shakiyi karo in lala xidhiidhiyo magaca Cibraaniga ah ee HABAAL (= Bacalka). Sida macruufka ah kani waxa weeyi magac sanam oo lagu sheegay Kitaabka Quduska ah dhexdiisa (Tirintii. 25:3, Yashuuca 9:10, Sharciga Kunoqoshadiisa. 4:3, Yashuuca. 22:17 iyo Sabuurka. 106:28-29). Bacal halkee lagu caabudi jiray? Waxa lagu caabudi jiray Moo’aab! Wuxuu ahaa “ilaaha bacrimiska”. Camr ibnu Luxayi ayaa Hubal Carabta uuga keenay xagga Moo’aab.

Magaca ‘Allaah’ (ka ahaaday ‘al-Ilaah’ – ilaah ama al-liah = kan la caabudo) wuxuu ahaa mid aad loo adeegsado Islaamka hortiis. Wuxuu ahaa magac naanays oo kale ah, waxaana loo adeegsan jiray ilaahyo kala gedisan. Sidaan gadaal ka arki doonno, sanam loo yaqaanno Hubal ayaa waxa loogu yeedhi jiray Allaah. Waxa la sheegaa in Muxammad awowgiis uu baryi jiray Hubal isla markaasna uugu yeedhi jira Allaah. Ilaahadaha al-Laat, al-Cuzza iyo Manaat waxa loogu yeedhi jiray “hablaha Allaah” (Suuradda 53:19). “Muxammad hortiis,Allaah waxa loo arki jiray Rabbiga Kacbada, halka, inkastoonay hubaal ahayn, laakiin sida ay aadka uugu dhowdahay, meeshan barakaysan waxa lagu caabudi jiray Hubal oo dhex yaallay Kacbada gudeheeda” (RESTE ARABISCHEN HEIDENTHUMS, p. 221 by J. Wellhausen). “Iyadoo cibaadada loo fidin jiray sanamyada la qadarinayo, Allaah hadana waxa loo arkayay abuuraha, aabbaha iyo Rabbiga awoodda sare leh. Laakiinse waxa loo arkaayay si guud ahaaneed, inuu dhex yahay iyo isagoo lagu tilmaamo Rabbi” (ibid p. 219). "Allaah wuxuu noqday magaca ay Islaamku ku bedesheen sanam kasta " (ibid p. 85).

“Muxammad wuxuu Allaah kasoo qaaday inuu yahay Rabbiga Kacbada oo kusii isaga kasoo horjeedayna way ku waafaqeen arrintaas. Ma tahay suurto gal in Allaaha Maki uu yahay Hubal? Si kale marka loo yidhaahdo, Maka dhexdeeda Hubal ma waxa loogu yeedhi jiray Allaah sidii Israa’iil dhexdeedaba Yahweh loogu yeedhi jiray Elohim oo kale?”. Waxa sidan su’aalaya J. Wellhausen (ibid p. 75). Tani waxay sidan aad uugu ekaanaysaa marka aan xaqiiqsano iyadoo mushrikiintii Carabtu ay Allaah u aqoonsanaayeen inuu yahay khaaliqa ama abuuraha (Suuradaha 23:84-89; 29:61), iyagoo isagana ku dhaaran jiray (Surah 6:109). Haddaba magaca Allaah ugu horreyntii wuxuu ahaabaa laga yaabaa naanays. “Ugu horraynta Allaah wuxuu ahaa magac guud oo uu qabiil kastaaba u adeegsan jiray ilaahooda halkii ay uuga adeegsan lahaayeen magaciisa gaar ahaaneed. Dhammaantood waxay wada odhan jireen Allaah, laakiin qabiil kastaaba wuxuu lahaa ilaahooda u gaarka ah ee maanka ay ku haystaan. Magaca ah ‘ilaaha’ (al-ilaah), oo noqday adeegsiga keli ahi, wuxuu noqday mid isku xidha arrinta la xidhiidha ilaah isku mid ah oo qabiilooyinka oo dhammi guud ahaan haystaan (J. Wellhausen, p. 218)". (Source: http://www.answering-islam.org/Nehls/tt1/tt5.html (af Ingriis); madoobaynta farta annagaa leh).

Xigashooyinka soo socdaayi waxay taageerayaan Nehl sheegashadiisa ah in magaca Allaah la adeegsaday isagoo ka dhigan mid lagu magacaabi karo ilaah kasta oo qabiilkastaa caabudo:

Laakiin aragtida mugdigu ku jiro ee Sarraynta (AAN AHAYN KELI) ilaahnimada taasoo u muuqata in Allaah lala xidhiidhinayo diintii Maka waxay NOQONAYSAY mid caalami ah iyo inay xadka dhaafsiisantahay; waxay ahayd in Qur’aanku ka hadlo, isagoo markaas ku xoojinaya oo tilmaamaya Ilaaha Xayiga ah, Kan Korreeya. (Encyclopedia of Islam, 1960, p. 406; waaweynaynta farta annagaa leh).

Labada fikir ee khuseeya Ilaaha uugu Sarreeya iyo Allaaha Carabtu adeegsan jireeni waxa muuqata iyadoo Carabtu ay yaqaanneen wakhtigii Muxammad. Muxammad waxa uu samayeeyna waxay ahayd isagoo fikirkan cusboonaysiiyay oo siiyay macno buuxa, SI LOOGA SAARO WAXYAALAHA LOOLA SHARIIK YEELAYO EE KU KU GADAAMAN. (H.A.R. Gibb, Mohammedanism: An Historical Survey [Oxford University Press, London 1961], p. 54; waaweynaynta farta annagaa leh).

(Fiiro u yeelo: xigashooyinkan aan kor kusoo aragnay waxa lagasoo qaatay Dr. Jamal Badawi dooddiisii uu la yeeshay Dr. Robert Morey markay taariikhdu ahayd November 9, 1996 iyadoo hal ku dhigga dooddaasina ahaa “Allaaha Qur’aanku ma waxa weeyi Ilaaha caalamaka ee runta ah?” Dr. Badawi wuxuu isku dayayaa inuu xigashooyinkan u adeegsado eedaynta Morey ee ah in Allaah uu ahaa ilaah jaahili ah, marka laga tago xaqiiqada ay xigashooyinkani soo jeedinayaan!)

Qoraa ayaa intaas kasii xeel dheeraanaya isagoo magaca Bacal ku dabaqaya Hubal. Barnaby Rogerson, isagoo ka hadlaya waxyaalaha ku saabsan Kacbada wuxuu qorayaa:

Iyo:

Muuqaalka Hubal oo ahaa ilaaha dagaalka ee Suuriyaanka loo kaashan jiray oo kale, ayaa Qurayshina ay sanamkan hortiisa uugu hor qorituuran jireen. (Ibid., p. 190; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Difaacaha Masiixiyadda ee John Gilchrist wuxuu sheegayaa:

Marka xigta waxaan ku laabanaynaa Kitaabka Quduuska ah si aan u tusino in quruumaha lagu xusay Sabuurka 83, iyo sidoo kale ilaha Muslimka, sida reer Edoom, Suuriyaanka, reer Camaalaq, reer Moo’aab iyo reer Midyan, dhammaantood inay caabudi jireen Bacal:

“Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab, waayo, dadkii bay ugu yeedheen allabaryadii ilaahyadooda, markaasay dadkii wax cuneen, oo waxay u sujuudeen ilaahyadoodii. Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil. Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Dadka madaxdiisa oo dhan soo wado oo maalin cad ku deldel Rabbiga hortiisa in cadhadii kululayd oo Rabbigu ay ka soo noqoto reer binu Israa'iil. Kolkaasaa Muuse wuxuu xaakinnadii reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinka mid waluba ha dilo nimankiisii Bacal Fecoor isku daray.” Tirintii 25:1-5.

“Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah. Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood. Oo markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil u kiciyey badbaadiye, kaasoo badbaadiyey, oo wuxuu ahaa Cotnii'eel ina Qenas oo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa. Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaalna buu u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.” (Xaakinnadii 3:7-10).

“Markaasaa reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliim, iyo Cashtarot, iyo ilaahyadii Suuriya, iyo ilaahyadii Siidoon, iyo ilaahyadii Moo'aab, iyo ilaahyadii reer Cammoon, iyo ilaahyadii reer Falastiin, oo Rabbiga way ka tageen, umana ay adeegin.” Xaakinnadii 10:6.

“Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba… Suuriya, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq, iyo dhicii uu boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser ina Rexob ka helay.” 2 Samuu’eel 8:6, 12

“Oo waagaas Rabbigu wuxuu bilaabay inuu dalka Yahuudah ku soo diro Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah…sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah. Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman. Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. Oo isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba. Markaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen. Oo waagaas Resiin oo ahaa boqorkii reer Suuriya wuxuu Suuriya u soo celiyey Eelat, oo Yuhuuddiina wuu ka eryay Eelat, markaasay reer Suuriya Eelat yimaadeen, oo ilaa maantana way deggan yihiin. Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglat Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay. Oo Aaxaas wuxuu qaaday lacagtii iyo dahabkii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorkaba, oo wuxuu hadiyad ahaan ugu diray boqorkii Ashuur. Oo boqorkii Ashuurna wuu maqlay; markaasaa boqorkii Ashuur Dimishaq ku kacay oo qabsaday, oo dadkiina maxaabiis ahaan buu Qiir ugu kaxaystay, oo Resiinna wuu dilay.” 2 Boqorradii 15:37, 16:1-9

" Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah. oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen. Oo waxaa reer Daa'uud loo soo sheegay war leh, Suuriya waxay xidhiidh la yeelatay reer Efrayim. Markaasaa qalbigiisii iyo qalbigii dadkiisuba waxay u ruxmadeen sida geedaha duurka dabayshu u ruxdo oo kale. Markaasaa Rabbigu wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Adiga iyo wiilkaaga She'aar Yaashuubba taga oo waxaad Aaxaas uga hor tagtaan meeshuu biyomareenka balliga sare ku dhammaado kaasoo ku dhex yaal waddada berrinka dharmaydhaha, Oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Digtoonow oo xasilloonow, ha cabsan, hana qalbi jabin labadan qori ee dabka ah ee qiiqaya aawadood, ha ka welwelin cadhada kulul oo Resiin iyo Suuriya, iyo tan ina Remalyaah toona. Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena aynu dalka Yahuudah ku kacnee oo dhibnee, aynuna jabsanno, oo dhexdiisa boqor fadhiisiinno, kaasoo ah ina Taabeel, taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto. Waayo, Suuriya madaxeedu waa Dimishaq, oo Dimishaq madaxeeduna waa Resiin, oo reer Efrayimna waxay ku kala jajabi doonaan muddo ah shan iyo lixdan sannadood si aanay innaba dad u sii ahaan, Oo reer Efrayim madaxoodu waa Samaariya, oo Samaariya madaxeeduna waa ina Remalyaah." Ishacyaah 7:1-9

Aayadahani iyana sidoo kale waxay tusinayaan in farcankii Ceesaw, reer Edoom, ay degeen Suuriya. Reer Camaalaq sidoo kale iyana waxay ahaayeen farcanka Ceesaw:

“Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd…Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas, ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah…Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii. Kuwanuna waa wiilashii Seciir, kii reer Xor, oo ahaa kuwii dhulka degganaa, Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. Kuwanu waa ugaasyadii reer Xor, oo ahaa ilma Seciir oo degganaa dhulkii Edom.” Bilowgii 36:12, 15-16, 19-21.

" Oo kuwan magacyadooda la qoray waxay dalka soo galeen waagii boqorkii reer Yahuudah, oo Xisqiyaah ahaa, oo waxay dumiyeen teendhooyinkoodii oo laayeen reer Mecuuniimkii halkaas laga helay, dhammaantoodna way wada baabi'iyeen, ilaa maantadan la joogo, oo meeshoodii bay degeen, maxaa yeelay, meeshaasu waxay lahayd daaq ay idahoodu daaqaan. Oo iyaga qaarkood oo ahaa reer Simecoon oo tiradoodu ahayd shan boqol oo nin waxay tageen Buur Seciir, oo waxaa saraakiil u ahaa Felatyaah, iyo Necaryaah, iyo Refaayaah, iyo Cusii'eel oo wada ahaa wiilashii Yishcii. Oo waxay soo laayeen kuwii reer Camaaleq ka hadhay oo baxsaday, oo halkaasay deggan yihiin ilaa maantadan la joogo.." 1 Taariikhdii 4:41-43

Middani waxay ka dhigantahay iyadoo dhammaan quruumahani ay caabudi jireen ilaahii beenta ahaa ee Bacal.

Imikana aynu soo koobno xogta:

  1. Sida Kitaabka Quduuska ahi sheegayo, ilma Ismaaciil may caabudi jirin Ilaaha ah Yahweh.

  2. Quruumaha ay is bahaysiga la lahaayeen ee caabudi jiray Bacal waxay tusinaysaa inay iyana caabudi jireen ilaaha beenta ah ee Bacal.

  3. Tixraacyada Muslimka iyo kuwa aan Muslimka ahayniba waxay sheegayaan in Hubal loo aqaansanaa ilaaha uugu sarreeya ee Kacbada.

  4. Muxammad awowgiis wuxuu caabudi jiray Hubal, sidoo kalena wuxuu Allaah baryay isagoo u jeedsanaya xagga sanamka Hubal.

  5. Ilaha Muslimku waxay tilmaamayaan in Hubal Maka looga keenay xagga Suuriya iyadoo sababtuna ahayd saamaynta reer Moo’aab iyo reer Camaalaq.

  6. Quruumahani waxay caabudi jireen Bacal taasoo ka tarjumaysa in Hubal uu yahay Ha Baal ama Bacal oo Cibraani ah isla markaasna la Carabiyeeyay.

Waxyaalaha aan kor kusoo xusnay waxay dhaawacaysaa waxyaalaha ay Muslimku sheeganayaan ee ah in Allaahii Islaamka hortiis uu ahaa Ilaahii Ibraahim. Sheegashada ah iyadoo Islaamka hortiis reer Ismaaciil ay caabudi jireen isla Ilaahaas maaha mid waafiqi karta waxa uu Sabuurka sida cad u sheegayo oo ah, in iyaga iyo quruumaha kalee jaahilka ahiba, ay ahaayeen kuwo neceb Ilaaha ah Yahweh iyo axdigiisa uu la dhigtay reer bani Israa’iil. Caddaynta Allaah ku xidhiidhinaysa Hubal iyana sidan ayay ka markhaati kacaysaa. Haddaba, haddii waxyaalaha Islaamkku sheeganayaan ee ah in Carabtii Maka ay yihiin ilma Ismaaciil aanay sax ahayn, markaas ilaaha Maka, oo ah Allaahii Carabta ee Islaamka hortiis, waxa weeyi hubaashii uu yahay ilaaha beenta ah ee Bacal.

Waxa arrintan xiiso usii yeelayaayi waa iyadoo mid ka mida culimada danbe ee Islaamku uu barayo in Hubal uu ahaa magaca ilaaha dayaxa:

Sanamyada badan ee Carabtu ay ku caabudi jireen Kacbada iyo hareereheeda waxa ka mid ahaa Hubal iyo saddexda ilaahadood Al-laat, al-Cuzza, iyo Manaat. Hubal asal ahaan wuxuu ahaa ilaah dayax, waxa kaloo laga yaabaa inuu ahaa ilaah roobaad, sida hubal oo ka dhigan “uumi.” Al-lat isna waxa laga yaabaa inuu ahaa Allaah oo dheddig ah, taasoo macneheedu yahay ilaahadda…

Iyagoo Carabtu qiri jiray Allaah, oo afka Carabiga ku ah “Ilaaha,” inuu yahay ilaah sarreeya, haddana isaga may caabudi jirin, sidoo kalena noloshooda door wax ku oola kumuu lahayn… (Mahmoud M. Ayoub, Islam: Faith and History [Oneworld Publications, Oxford England, 2004], p. 15)

Faallada Ayoub ee ah in Carabtu aanay caabudi jirin Allaah waxay tusinaysaa iyadoo ay u arkayeen in Allaah uu yahay mid iyaga ka fog oo markaasna aanu nolol maalmeedkooda wax xiisaha u haynin iskuna mashquulinaynin. Hase ahaatee, sidoo kale iyana waxa la fahmi karaa in Carabtuna xaggooda aanay wax xiiso ah u haynin Allaah, marka la barbar dhigo sida ay u caabudaan Hubal, taasoo ka dhigan inuu Allaah ka muhiimad yaraa Hubal. Tani waxay ka dhigantahay in Allaah aan loo qadarin jirin ilaaha uugu sarreeya, waxay liddi ku tahay waxyaalaha Ayoub sheeganayo. Waxa kaloo iyana muhiim ah, haddii Allaah uu ahaa magac uu Hubal leeyahay markaas tani waxay la macno tahay in Allaah uu dabcan ahaa magac uu lahaa ilaaha dayaxu Islaamka hortiis.

Xaalku sidoo doonaba ha ahaadee, xogtu waxay ina tusinaysaa gunaanad aan laga baxsan karin oo ah in reer Ismaaciil iyo Carabtii Makiba aanay caabudi jirin Yahweh, taasina waxay beeninaysaa Qur’aanku waxyaalaha uu sheegayo oo ah in farcankii Ismaaciil ay caabudi jireen Ilaaha runta ah, inkastoo ay ahaayeen kuwo caabuda ilaahyo kaloo sanamyo ah. Waxa laga yaabaa inay dhici kartay iyagoo wakhtiyadii hore ee taariikhda ay ilma Ismaaciil caabudi jireen Yahweh, laakiin wakhti danbe ay Ilaahii runta ahaa uuga tegeen ilaah beena awgiis.

Falaqaynta Caddaynta Tusinaysa in Hubal uu ahaa ilaah ka duwan Allaah

Aayadahan ka midka ah Qur’aanku waxay u muuqataa inay su’aalayaan haddii Hubal uu yahyay Allaah.

Ma waxaad baryeysaan Bacli (sanam) ood ka tegaysaan Eebbaha abuurka wanaajiya. Ee ah Eebihiinna iyo Eebaha aabbayaalkiinii hore. Suuradda 37-125-126.

Sida halkan ka muuqata, Qur’aanku wuxuu Allaah ka gaar yeelayaa Bacal iyadoo u muuqata inaanay ahayn kuwo isku mid ah. Labo jawaabood ayaa kala danbeeya. Ugu horreyn, inkastoo nasku uu Bacal ka soocayo Allaah, waxba kama odhanayo Hubal. Run ahaantiina, ereyga Hubal marnaba Qur’aanka kama dhex muuqanayo. Waxay markaas u muuqataa iyadoo cidda Qur’aanka lihi aanay ku baraarugsanayn in Hubal iyo Bacal ay ahaayeen kuwo isku mid ah. Macnaha ku hareeraysan ayaad mooddaa inuu arrintan taageerayo:

Ilyaasna wuxuu ka mid ahaa rasuullada. Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhowrsaneyn (Eebbe ka yaabayn). Ma waxaad baryeysaan Bacli (sanam) ood ka tegaysaan Eebbaha abuurka wanaajiya. Ee ah Eebihiinna iyo Eebaha aabbayaalkiinii hore. Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (cadaab). Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay la kulmi khayr). Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah). Nabad gelyo ha ahaato Ilyaas korkiisa. Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala. Wuxuu ka midyahay adoomadanada mu’miniinta ah. Suuradda 37: 123-132. Tarjumaadda Qur’aanka ee afka Soomaaliga.

Maadaama oo ay arrintani ku saabsan tahay wakhtigii Eliyaas, waxay u muuqataa inay ahayd markuu nebiyadii Bacal kula dul murmaayay buurta guudkeeda (1 Boqorrada 18), waxa laga yaabaa in Qur’aanka cidda lihi aanay ku baraarugsanayn in Bacalka wakhtigii Eliyaas aanu ahayn mid ka gedisan Hubalka lagu caabudi jiray Maka. Marka labaad, waxaan diiradda saaraynaa cidda uu ahaa Allaahii Islaamka hortiis, kan ay jaahiliintu caabudi jireen Islaamka hortiis. Haddaba, waxa xoogaa suurto gal ah in saamayntii Muxammad awgeed Allaah laga bedelay ilaaha jaahilka ee ugu sarreeya isla markaasna laga dhigay Ilaah caalamka ee runta ah oo ay caabudayeen Yuhuudda iyo Masiixiyiintu. Si kale haddaan u nidhaahno, Muxammad wuxuu isku dayay inuu Allaah ku kobo mid ka duwan sanamyada ay ka midka yihiin Hubal/Bacal, iyadoo markaasna Allaaha Islaamka hortiisa laga nadiifinayo dhammaanba waxyaalaha ku tacaluqa jaahiliga. Eeg xigashooyinka kor aan kusoo dhaafnay ee lagasoo qaatay Dr. Jamaal Badawi oo isla sidan oo kale odhanaysa.

Muxammad isla sidan oo kale wuxuu ku sameeyay ereyga Raxmaan. Reer Maka waxa dib looga celiyay adeegsiga magacan waxaanay u maleeyeen in Muxammad uu ka hadlaayay ilaah ka gooni ah Allaah:

Saasaan kuugu dirray ummad ay tageen ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu waxyoonay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebaha Raxmaana, waxaad dhahdaa Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, isagaana tala saartay xaggiisana u noqon. Suuradda 13:30. Tarjumaadda Qur’aanka ee afka Soomaaliga.

Markay ku arkaan kuwii gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi ilaahyihiinna iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebbaha Raxmaana… waxaad dhahdaa yaa idinka ilaalin habeen iyo dharaarba Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan xusidda Eebehood. Suuradda 21:36, 42. Tarjumaadda Qur’aanka ee afka Soomaaliga.

Waana Eebaha ku abuuray samooyinka iyo dhulka wax u dhexeeya lix maalmood, kuna istawooday carshiga (si u cuntanta), ee warso cid wax og. Marka la dhaho u sujuuda (Eebaha) Raxmaan ah waxay dhahaan muxuu yahay Raxmaan, ma waxaan u sujuudeynaa waxaad na farayso, wuxuuna u kordhiyay carar. Suuradda 25:59-60. Tarjumaadda Qur’aanka ee afka Soomaaliga.

Ibn Kathir wuxuu leeyahay:

Intaas dabadeed Allaah wuxuu canaananayaa mushrikiinta u sujuuda sanamyada halkii ay Allaah uuga sujuudi lahaayeen…

(Markii iyaga lagu yidhi: “U sujuuda Eebaha Raxmaana!” waxay dhahaan: “muxuu yahay Raxmaan?”).

Macneheedu waa: ma garanayno Raxmaanka. May rabin inay Allaah uugu yeedhaan magaciisa ar-Raxmaan (Kan Naxariista), sidii ay u diideen maalintii Xudaybiya oo kale, markii Nebigu u sheegay karraanigii…

((Qor: "Bismillaahi (magaca Eebe), Ar-Raxmaani (Kan si guud u naxariista), Ar-Raxiim (Kan sida gaara u naxariista)."))

Waxay dhaheen, "Garan mayno Ar-Raxmaan iyo Ar-Raxiim toona. Qor waxaad qori jirtay: ‘Bismika Allahumma (magacaaga, Eebbow).’" Sidaas darteed Allaah wuxuu soo dejiyay…

<Waxaad dhahdaa: "ku barya llaah ama ku barya Raxmaan, wax kasta ood ku baridaan (waa isku mid), wuxuu leeyahay magacyo fiican"> (suuradda 17:110).

Macneheedu waxa weeyi, isagu waa Allaah waana Raxmaanka naxariista guud leh. Aayaddan dhexdeedana Allaah wuxuu ku yidhi….

<Marka la dhaho: "u sujuuda Eebaha Raxmaana!" waxay dhahaan: "Muxuu yahay Raxmaan?">

Macneheedu wuxuu yahay: ma garanayno ama ma qirsanin magacan. (Tafsir Ibn Kathir (Abridged) Volume 7 (Surat An-Nur to Surat Al-Ahzab, Verse 50), waxa soo koobay koox culimo ah oo uu kormeere u yahay Shaykh Safiur-Rahman Al-Mubarakpuri [Darussalam Publishers & Distributors, Riyadh, Houston, New York, London, Lahore; First Edition: August 2000], p. 192)

Isagoo fasiraya aayadda 17:110, Ibnu Kathir wuxuu qorayaa:

Allaah wuxuu leeyahay...

<Say> O Muhammad, to these idolators who deny that Allah possesses the attribute of mercy and refuse to call Him Ar-Rahman ...

ku dheh Muxammadow, mushrikiintan diidaya inuu Ilaah ku sifoobay raxmadda ama diidaya inay uugu yeedhaan isaga Ar-raxmaan.

<Waxaad dhahdaa: "ku barya llaah ama ku barya Raxmaan, wax kasta ood ku baridaan (waa isku mid), wuxuu leeyahay magacyo fiican">

Macneheedu waxa weeyi, ma jiro farqi u dhexeeya in isaga loogu yeedho Allaah ama ar-Raxmaan, maxaa yeelay isagu wuxuu leeyahay magacyada uugu fiican…

Makhul wuxuu warinayaa in mid ka mida mushrikiintu uu maqlay Nebigoo isagoo sujuudsan leh: “Ilaaha Raxmaanka ahow, Ilaaha Raxiimka ahow.” Mushriggii markaas wuxuu yidhi, wuxuu sheegtaa inuu Ilaah qudha baryo, laakiin wuxuu baryayaa labo! Dabeetana Ilaah wuxuu soo dejiyay aayaddan. Waxa iyana sidan warinaya Ibnu Cabbaas, oo kasoo warinaya Ibnu Jariir. (Tafsir Ibn Kathir (Abridged) Volume 6 (Surat Al-Isra’, aayadda 39 ilaa iyo dhammaadka Surat Al-Mu’minun), First edition, July 2000, pp. 104-105; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Arrinta ku saabsan heshiiskii Xudaybiyah, Ibnu Kathiir wuxuu leeyahay:

<Qor: Bismillaahi, Ar-Raxmaan, Ar-Raxiim.> Suhayl binu Camr ayaa yidhi, ‘Ar-Raxmaan, Ilaahbaan ku dhaartee, GARAN MAAYO WAXA AY UTAAGANTAHAY. Markaa qor: Magacaaga Eebbow, sidaad horeba uugu qori jirtay.’ Muslimiintii waxay yidhaahdeen, ‘Ilaahbaan ku dhaaranee, qori mayno waxaan ka ahayn: Bimillaahi, , Ar-Raxmaan, Ar-Raxiim.’ Nebiguna wuxuu yidhi, <Qor: "Magacaaga Eebbow.''’ (Tafsir Ibn Kathir (Abridged) Volume 9 (Surat Al-Jathiyah ilaa dhammaadka Surat Al-Munafiqun), First edition, September, 2000, p. 163; online edition (defunct); madoobaynta farta annagaa leh).

Sida ilaha qaar ay sheegayaan Raxmaan waxa loo adeegsaday magac ah ilaah jaahili ah:

Nöldeke wuxuu u malaynayaa in Muxammad uu ka shaki qabay magaca uu u dooran lahaa kan uugu sarreeya isagoo markaasna ku fikiray in Ar-Raxmaan, Ilaaha naxariista badan, uu yahay magaca ku habboon Ilaah ee bedeli kara Allaah, waayo magacani wuxuu noqday mid lagu gafo. Raxmaana waxa uu ahaa magaca ay Cibraaniyuuntu door bidi jireen inay uugu yeedhaan Ilaah xilligii Talmuudka, waxaana adeegsan jiray Yuhuuddii ku dhex noolayd Carabta. Allaah waxa sidoo kale lagu sheega dhismayaasha taariikhiga ah ee Masiixiyiinta isla markaasna uu Dr. Edward Glaser ka helay waddanka Yemen. Qorniinka Sirwaah (C.D. 542) wuxuu ku bilaabmayaa ereyada ah: “Awoodda Kan naxariista badan iyo Masiixiisa iyo Ruuxa Quduuska ah,” taasoo tusinaysa, in ugu yaraan Yemen dhexdeeda, Carabtii Masiixiyiinta ahaa wax qalad ahi kamuu gali jirin shakhsiyaadka Saddexmidnimada. Erey kale oo badanaa loo adeegsaday Allaah dib ayaan ku diraasayn doonnaa. Waxa weeyi ereyga As-Samad (Daa’imka), waxaanu u muuqda mid asalkiisu uu la mid yahay Samuud, oo ahaa magaca sanam ay lahaayeen qabiilka Caad sida lagu sheegay gabayga Yaziid bin Sacad. Hubal, oo ahaa sanamka uuga sarreeya Kacbada (kan uu Dozy ku tilmaamayo Bacal), waxa lala yaabi karaa, isaga oon Qur’aanka lagu dhex xusin. Waxa laga yaabaa wakhtigaas isaga ah in reer Maka ay ku magacaabi jireen Allaah. Waxay tani noqonaysaa sharraxaadda mawduucan uu Muxammad ka aamusay. (Samuel Zwemer, The Moslem Doctrine of God, pp. 27-28; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Sanamyada kale ee laga helayay jasiirad-lamoodda Carabta waxa ka mid ahaa al-Raxmaan iyo al-Xajar al-Aswad. Al-Raxmaan wuxuu ahaa magaca sanam qadiimi ah laga helayay koonfurta Carabta. Muxammad wuxuu Qur’aanka dhexdiisa ku dhex deegsaday magaca ilaahan, oo macnihiisu yahay “naxariistaha,” tiro dhan 169 jeer. Marka laga reebo ereyga Allaah, waxa uu magacani Qur’aanka dhexdiisa kaga badanyahay magacyada kalee lagu sifeeyo Allaah oo dhan. (George Braswell, Islam, p. 44; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Al-Raxmaan
Wuxuu ahaa magaca sanam qadiimi ah oo laga helayay koonfurta Carabta. Waxa la sheegaa in Muxammad uu magacan u doortay inuu u adeegsado “Allaah.” Wuxuu Qur’aanka dhexdiisa ku adeegsanayaa 169 jeer. Marka laga reebo magaca “Allaah”, wuxuu magaca “Al-Raxmaan” si ka badan magacyada kale uuga muuqanayaa Qur’aanka maxaa yeelay Yuhuudda iyo Masiixiyiintuba waxay magacan u aqbaleen magaca loogu yeedhi karo ee ku habboon Allaah. Raxmaana wuxuu ahaa magaca ay Cibraaniyiintu Talmuudka dhexdiisa uugu yeedhaan Ilaah isla markaasna waxa adeegsan jiray Yuhuuddii Carabta. Sidoo kale Masiixiyiintii ku sugnaa dhulka Carabtu waxay magaca “Raxmaan” u adeegsadeen tilmaamitaanka Ilaaha Kitaabka Quduuska ah. Qoraal qadiimi ah oo ahaa Islaamka hortiis isla markaasna laga helay Yeman C.D. 542 wuxuu ku bilaabmayaa ereyada ah: “Awoodda Kan naxariista badan iyo Masiixiisa iyo Ruuxa Quduuska ah.” Matxafka ama carwada Qibdiga ee ku taalla Masar, waxa iyana laga helayaa qoraallo sidaas oo kale. (Reach Out to the Muslim World, Vol. 6, No. 3&4 [Horizons International, Box 18478, Boulder, Co. 80308-1478; 1993], p. 8)

Sanamyada kale ee laga helayay jasiirad-lamoodda Carabta waxa ka mid ahaa al-Raxmaan iyo al-Xajar al-Aswad. Al-Raxmaan wuxuu ahaa magaca sanam qadiimi ah laga helayay koonfurta Carabta. Muxammad wuxuu Qur’aanka dhexdiisa ku dhex deegsaday magaca ilaahan, oo macnihiisu yahay “naxariistaha,” tiro dhan 169 jeer. (Islam and Christianity - Part 4)

Ereyga Raxman-an muhiimad gaara ayuu leehay sababtuna waa isagoo dhiggiisa woqooyiga, al-Raxmaan, wuxuu noqday sifo lagu tilmaamo Allaah iyo mid kamida magacyadiisa ku dhex xusan Qur’aanka iyo sidoo kale fiqiga Islaamka. Suuradda 19 waxa aad uugu badan adeegsiga magaca Al-Raxmaan. Inkastoo qoraallada loogu adeegsaday magaca Ilaaha Masiixiyiinta, hadana magacan waxa lagasoo ammaanaystay sanamyo wakhtiyadii hore ku sugnaa Koonfurta Carabta. Al-Raxiim (Kan sida gaarka ah u naxariista) sidoo kale isna wuxuu kusoo aroorayaa qoraalladii reer Saba’ ee Islaamka hortiis isagoo ah magac ilaah (RHM). Qorniin kale oo ka ahaaday xagga Koonfurta Carabta ayaa isna adeegsanaya ereyga kufr wuxuuna tusinayaa macnaha u shariik yeelista. Sidoo kale isla qoraalkan oo xagga woqooyiga Carabta ah ayaa isna adeegsanaya macnahan oo kale KFR oo ka dhigan iimaan darro. (Hitti, History of Islam, p. 105)

Xaqiiqadu waxay tahay in magaca uugu badan ee loo adeegsado Allaah, oo ah ar-Raxmaan (kan naxariista), wuxuu ahaa mid Koonfurta Carabta si fiican looga yaqaannay imaatinkii Islaamka hortiis, macnihiisuna wuxuu ka dhignaa ilaah-dayaxeed. Magacani wuxuu ahaa mid uu Muxammad ku wareeray marar badan una adeegsaday beddelka magaca ‘Allaah’. Qur’aanku wuxuu marar badan adeegsanayaa magaca ar-Raxmaan, tusaale ahaan suuradda 43:19, tarjumayaashu waxay dib uugu magacaabeen Ilaah ama Allaah, maxaa yeelay, sidii Muxammad oo kale, waxay u arkeen inaanu jirin farqi u dhexeeya labadan magac ee Koonfurta Carabta ka ahaa ilaah-dayaxeedyo.

Magaca ar-Raxmaan waxa hore u isticmaalay nebiyo dhowra oo Carab ah Muxammad hortiis, waxayna u muuqataa in ilaahan muhiimad is shabahda lahaa, haddii aanay isku mid ahaynba, si la mida Allaah maqaamka uu tagnaa Maka oo kale. Sidaas darteed ma aqbali karno in Allaah laga dhigo isagoo ah Ilaaha Sarreeya ee kitaabiga ah, mana aha wax ka sarreeya ilaaha sare ee Aasiyaanka ee Ahura Mazda ama Norse Odin. (The Nature of Islam: The Beginning (af Ingriis))

Qur’aanku siduu sheegayo, ‘Allaah’ waa mid keliya mana jiro ilaah kale oo isaga lala xidhiidhin karo. Fikirka noocan oo kale ah waxa badanaa laga dhaqan geliyay ilaah-dayaxii Koonfurta Carabta ar-Raxmaan (Kan naxariista), kaasoo mar danbe ay magaciisa adeegsadeen Muslimku isagoo ah ka dhigan magaca loo adeegsanayo ‘Allaah’. C. C. Torrey wuxuu leeyahay:

Waxa laga yaabaa in middani ay sharraxaad u tahay wareerka Muxammad ka haystay arrintan iyada oo magaca Raxmaan lagu dabaqay Allaah. Jaahiliintii reer Maka waxa laga yaabaa inay ogsoonaayeen iyadoo Raxmaan lagu magacaabo ilaah kale maxaa yeelay dhaqan uumay lahayn inay magacan u adeegsadaan Allaah.

Taariikhyahanka Muslimka ah ee Ibnu Sacad wuxuu leeyahay:

… Qurayshi waxay al-Nadar Ibnu al-Xaarith Ibnu Calqamah iyo Cuqbah Ibnu Abi Mucayd iyo kuwo kale u dirtay Yuhuuddii Madiina waxaanay u sheegeen inay weydiiyaan: Waxaan idiinku nimid arrin weyn oo dhexdayada timid. Waxa jira agoon wax weyn sheegtay, waxaanu sheegayaa inuu yahay rasuulka ar-Raxmaanka, annagoon aqoonin Raxmaan aan ka ahayn midka Al-Yamaamah… (Ibn Sa'd, Kitab Al-Tabaqat Al-Kabir, tarjumaadda Ingiriisiga by S. Moinul Haq, M.A., PH.D waxa caawiyay H.K. Ghazanfar M.A. [Kitab Bhavan Exporters & Importers, 1784 Kalan Mahal, Daryaganj, New Delhi- 110 002 India], Volume I, parts I & II, p. 189; madoobaynta farta annagaa leh)

Waxa xiiso leh, iyadoo xigashooyinkani ay cadaynayaan in Muxammad uu isu keenay sifooyin kala duwan oo ilaahyo kala duwan laga aaminsanyahay isagoo markaas keenaya fikirkiisa uu ka qabo Ilaah. Carabtii jaajilka ahayd waxa ay isaga usoo jeediyeen eedayn sidan la mida:

Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah keliya? Arrintaasi waa wax lala yaabo! Wuu kala tegay shirkii (madaxdii) ka midka ahayd, waxayna isu dhahen war socda oo ku samra (ku sugnaada) ilaahyaalkiinna, arrintani waa wax la inala dooni. Suuradda 38:5-6. Tarjumaadda Qur’aanka ee afka Soomaaliga.

Haddaba, haddii xitaa Qur’aanka sheegitaankiisa Bacal uu kusoo laabanayo Hubal, tani waxay tusinaysaa oo keliya in Muxammad uu kala saaray Allaah iyo Hubal isagoo markaana kan hore ka dhigay Ilaah runta ah ee caalamka.

Waxa xiiso leh, iyadoo uu jiro qoraa rumaysan in kuwo ka mida ahaa Muslimka oo weli ku sii xidhnaa ilaahyadooda ay soo qaateen sifooyinkooda isla markaasna ka dhigeen sifooyin loo adeegsado Allaah oo gaar ah:

Kuwo ka mida maamuusyadani waxay xanbaarsanyihiin xagga xidhiidhka luqadaha marka la eego magacyada ilaahyo jaahili ah, tanina waxay sharraxaysaa iyadoo Muslimku ku adkaystaan in jaahilku ay magacyada sanamyadooda ka keeneen magacyadii hore loogu adeegsan jiray Ilaaha runta ah (Sale, 1886, p. 127). Kolkaas Allaat waxa lagasoo kexeeyay Allaah; Manaat waxa lagasoo kexeeyay Mannaan; Jibt waxa lagasoo kexeeyay Jabbaar, ‘Dhowraha’; sidaas oo kale.

Dhinaca kale, waxa la odhan karaa in Muslimiintii ugu horreysay, kuwo badan oo ka mid ahi waxay tix gelin u hayeen ilaayadoodii sanamyada ahaa, iyagoo markaasna raadiyay in ilaahyadooda sifooyinkooda lagu daro magacyada asmaada ee lagu sifeeyo Allaah. Beddelkan layaabka leh awgiis kuwo badan oo ka mid ahaa maamuuskii sanamyadu wuxuu ku dhex badbaaday iftiinkii Islaamka.

Sidaas darteed Wadd, oo ahaa ilaah-dayax, waxa la hoos geliyay al-Waduud, ‘Kan wax jecel’; Munim, oo lagu dhex caabudi jiray Carabta, wuxuu ku dhex badbaaday al-Maanic, ‘Diidaha’ Salm, oo ahaa ilaaha Tayma, wuxuu noqday Salaam, ‘Nabadda ah’; Kaus ama Kayis, oo ahaa lamaanaha Manaat, waxa laga dhigay al-Qawiyu, ‘Kan xoogga badan’; Casiiskii woqooyiga Carabta isna waxa laga dhigay al-Casiis, ‘Qaadirka’. Tilmaamaha Ilaah ee Islaamka hortiis, sida al-Raxmaan, iyo al-Raxiim, waxa ay yihiin kuwo si cad uuga dhex muuqanaya Islaamka. (Walker, Foundations of Islam, p. 43)

Haddaba, ar-Raxmaan muu ahayn magaca keliya ee jaahiliga ah isla markaasna loo adeegsaday Allaah; waxa laga yaabaa in sifooyin kale oo dhowra isla markaasna ahaa kuwo loo adeegsan jiray sanamyada loo soo bedelay Ilaaha Islaamka in loo adeegsado! Fasiraadda Walker ayaa hubaashii aad uuga habboon sharraxaadda Muslimiinta ee dhacday. Tani waxay tusinaysaa suurta galnimada in Muxammad uu qaatay magaca loo adeegsanayay Hubal, gaar ahaan magaca Allaah, isagoo markaasna u bedelay Ilaaha runta ah ee dunida, iyadoo markaasna laga soocayo magaca Hubal.

rrintu siday doontaba ha ahaatee, xaqiiqadu waxa weeyi in suuradda 37:125 aanay waxba inooga sheegaynin Allaah cidda uu ahaa wakhtiyadii Islaamka hortiis.

Xigashadan soo socotaayi sidoo kale waxay u muuqataa inay shaki tirayso Hubal oo ahaa Allaah:

Al-Bara waxa lagasoo weriyay:

Waxaan waajahnay gaalada maalintaas (dagaalkii Uxud) nebiguna wuxuu meel dhigay ciidan qaansoolay ah isagoo markaana Cabdullaahi (binu Jubayr) taliye uuga dhigay, waxaanu yidhi, “Ha ka tegina meeshan; haddii aad aragtaan annagoo ciidanka cadawga jebinay, ha ka dhaqaaqina meeshan, sidoo kale haddaad aragtaan iyagoo na jebiyayna, ha u imanin inaad gacan na siisaan,” hadaba, markii aan waajahnay cadawga, waxay joogeen buurta dusheedii ilaa aan ka arkay dumarkoodii oo u yaacaya xagga buurta, iyagoo marada kor u qaatay ilaa kubkoodii faydmay. Muslimiintii waxay ku dhawaaqeen, “Qaniimada, qaniimada!” Cabdullaahi bin Jubayr ayaa yidhi, “Nebigu wuxuu ballan igula galay inaanan halkan ka tegin.” Laakiinse asxaabtiisii kale way diideen. Haddaba markii ay diideen (inay halkaas joogaan), (Ilaahbaa) wareeriyay si aanay u garanin meesha ay tegayaan, waxaana haleeshay khasaaro toddobaatan qof ah. Abu Sufyaan ayaa fuulay meel taag ah korkeed isagoo leh, “Muxammad dadka ma ku dhex jiraa?” Nebiguna wuxuu yidhi, “Ha u jawaabina isaga.” Abu Sufyaan wuxuu markale yidhi, “Ina Abuu Quxaafa ma ku jiraa dadka?” Nebiguna wuxuu yidhi, “Ha u jawaabina.” Abu Sufyaan wuxuu yidhi, “Ina al-Khadaab ma ku jiraa dadka?” kaddibna wuxuu ku daray, “kuwan oo dhan waa la laayay, oo haday noolyihiin, waa ay jawaabi lahaayeen.” Intaas kadib, Cumar ayaa is xejin kari waayay oo yidhi, “Waxaad tahay beenaala, cadawgii Allow! Ilaah wuxuu dhowray waxa aanad ku farxi doonin.” Abuu Sufyaan baa yidhi, “Hubal ha sarreeyo!” Kolkaas ayuu Nebigu ku yidhi (asxaabtiisii), “U jawaab celiya.” Waxay iyaguna yidhaahdeen, “Maxaanu nidhaahnaa?” Wuxuu yidhi, “Dhaha: Allaah ayaa sarreyn oo dhami u ahaatay!” Abu Sufyaan ayaa yidhi, “Waxaanu haysanaa (sanamka) Al-Cuza, halka aydaan idinku ka haysanin Cuza!” Nebigu wuxuu ku yidhi (asxaabtiisa), “U jawaab celiya!” waxay yidhaaheen, “Maxaanu dhahnaa?” Nebigu wuxuu yidhi, “Dhaha: Allaahbaa Caawiyahayaga ah idinkuna caawiye ma haysataan.” Abuu Sufyaab ayaa yidhi, “Maanta waxay magdhow u tahay khasaarihii nagu dhacay Badar oo goobta dagaalkana go’aan lagama gaadhi karo guushana ninba maalinbuu leeyahay. Waxaad arki doontaa kuwo ka mida ragga la idinka layaayay, laakiinse middan kuma doodayo, sidoo kalena kama xumi.” Jaabir wuxuu wariyay: kuwo ka mida qawmku waxay subaxnimadii Uxud cabeen khamri waxaana la laayay iyagoo shuhado ah. (Sahih Al-Bukhari, Volume 5, Kitaabka 59, Number 375)

Iyadoo Qur’aanku aanu sheegin, tani waxa ay tilmaamaysaa oo magacaabaysaa Hubal oo lagu tilmaamayo mid ka duwan Allaah. Markale, Muxammad wuxuu Allaah ka bedelay sanam isagoo ka dhigay Ilaaha dunida, waxaanu ahaa beddelitaanka aan la mid ahayn sanam la magacaabo, waxa middan sharaxi karta sababta uu Abu Sufyaan Hubal uugu arkay ilaah gaar ah.

Waxa intaas dheer, arrintani waxay dhib ku sababaysaa Muslimiinta maadaama oo jaahiliintaas uu ka midka ahaa Abu Sufyaan aanu Allaah u arkin ilaah sarreeya, balse uu yahay mid ka mida ilaahyo dib usoo cusboonaaday. Abu Sufyaan guusha uu ka gaadhay Muxammd iyo ilaahiisa wuxuu u tirinayaa Hubal iyo Cuza, isagoo ugu yaraan maankiisa ka sheegaya in ilaahyadani ay simanyihiin, waa haddii aanay kaba sarreynin Allaah. Sufyaan wuxuu dareemay in Allaah lala loollami karo oo la jebin karo, taasoo ka dhigan in jaahiliintani aanay Allaah u arkin Ilaaha weyn ee dunida sida ay Qur’aanka iyo dhaqanka Islaamkuba sheegayaan.

Haddii ay sidaas tahay, kolkaas Muslimka sheegashadooda ah in Allaah aanu ka mid ahayn ilaahyadii wakhtigii jaahiliga lagu caabudi jiray Maka waxa ay tahay mid laga shakin karo. Jaahiliinku waxay Allaah u arkayeen ilaah kale.

Guntii iyo gebogobadii, waxaan u baahanay inaan xoojino xaqiiqadan muuqata ee waaraysa. Axdiga Hore wuxuu diidayaa waxyaalaha Muslimku sheeganayaan ee ah in ilma Ismaaciil ay yaqaanneen isla markaasna caabudi jireen Ilaaha runta ah, iyagoo khaladkooda kelida ahina uu ahaa inay isaga uugu shirki yeeleen ilaahyo kale. Xogtu waxay tusinaysaa sida taariikhdu qorayso in ilma Ismaaciil ay Ilaahii awowyaashoodii Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa Yahweh, ay ka door bideen caabudista sanamyo been ah. Sanamka ah ilaaha beenta ah ee ay caabudayeeni waxa suurto gala inuu ahaa Bacal. Sidoo kale xogto waxay muujinaysaa in Hubal oo ahaa ilaahii uugu sarreeyay ee Maka lagu caabudi jiray, waxay u eegtahay inuu ahaa Allaaha la caabudi jiray Islaamka hortiis.

Waxaan ku bilownay xigashada ka ahaatay Sabuurka ee tilmaamaysa in ilma Ismaaciil ay ahaayeen cadaawayaasha Ilaah. Inkastoo qoraalkani uu yahay mid ku salaysan ka malaha reer Maka inay ahaayeen ilmo Ismaaciil, gunaanadku maaha mid ku tiirsan malahan. Xigashooyinka aan usoo qaadanay taageeritaanka dooddeenu maaha mid gebi ahaanba sheegaya ilma Ismaaciil.

Caddaynta taariikhiga iyo Kitaabigaba ahi waxay muujinaysaa in reer Moo’aab ay caabudi jireen Bacal. Ilaha Islaamiga ah iyo kuwii Islaamka hortiisba ahaana waxay tusinayaan (a) in reer Maka ay sanamka Hubal ka keensadeen reer Moo’aab iyo in (b) Allaah iyo Hubal ay isku mid yihiin. Sidaas darteed, reer Maka ha ahaadaan ilma Ismaaciil ama yaanay ahaaninee, waxa jirta caddayn xooggan oo tusinaysa in lagusoo koobo iyadoo Muxammad Allihiisu uu ahaa Hubal, tusaale ahaan wuxuu noqon karaa Bacalkii reer Moo’aab sidaas darteedna ma noqon karo Ilaaha Kitaabka Quduuska ah. Muxammad wuxuu diintiisa tawxiidnimada ku dhisan ee ku saabsna Allaah ku saleeyay magacyada iyo qaababka ilaayo kala duwan, laakiinse wuxuu dhisitaanka Allaah ku qaabeeyay Hubal, oo ahaa ilaahii ugu sarreeyay ee reer Maka.

Qoraallada Koonfurta Carabtu waxay iftiimiyeen arrin middan la mid ah. Meelo badan waxa lagu sheegay Ilaah, oo lagu magacaabay ‘Raxmaanka’ (Naxariista). Xusuusaha taariikhiga ah ee laga helayo Matxafka Ingiriiska…gaar ahaan kuwo cajiib leh. Waxa aan si cad uuga arkaynaa caqiidooyinka ilaahiga ah ee denbi dhaafka, aqbalitaanka qurbaanka, farqiga u dhexeeya dunidan iyo aakhiro, iyo inay shar tahay haddii ilaahyo kalae lala lammaaneeyo Raxmaanka. (What is Islam? Part III. (af Ingriis))

Qarnigii lixaad Masiixa dabadiis, Maka (afka Carabiga waxa loogu dhawaaqaa Makkah) waxay ay ahayd meel ay adagtahay in dunida dibaddu aqoonsato laakiinse waxay Carabta u ahayd xarun diimeed iyo mid gancasiba. Inkastoo Carabtu ay ahaayeen dad kala qaybsan, oo u kala jajaban qabiilooyin hadiyo goor dagaallama, magaaladu waxay kulmin jirtay dad badan oo waxkastaaba ha jiraane dadka waxa farxad gelin jirtay isu imaatinkaas sannadkiiba hal ka mar ah. Waxa diiradda la saari jiray Kacbada, iyadoo ahayd meel muqaddas ah oo magaalada dhexdeeda ah isla markaasna ay yaallaan in ka badan saddex boqol oo sanam, ka uugu sarreeyay sanamyadaasina wuxuu ahaa Hubal (laga yaabaa in lagasoo kexeeyay ilaaha sare ee Bacal, oo Baybalka dhexdiisa badanaa lagu sheego inuu ahaa ilaaha ay caabudi jireen ummadaha ku hareeraysnaa Israa’iil). Qabiilooyinka kala duwani waxay isugu iman jireen Maka si ay u caabudaan ilaahyadooda oo ay isugu yimaaddaan munaasabadahaas siyaarada ah. Carabtu wakhtiyadii hore waxay xiisayn jireen gabayada iyadoo markaasna shucara badan oo Carab ahi ay ku tartami jireen munaasabadahaas. (John Gilchrist, Muhammad and the Religion of Islam, p. 11; online edition (af Ingriis))

Meeshan uugu quduusan gudeheeda waxa ku kaydsanaa dhammaanba muuqaallada la qadariyo ee la caabudo. Waxa la sheegay in waxyaalahan ay ka mid ahaayeen Maryantii Bikrada ahayd iyo Masiixa oo ilmo yar ah iyo sidoo kale sawirka nebi Ibraahim. Laakiinse meesha dhexdeeda waxa ku badnaa waxyaalaha metelaya ilaaha dagaalka ee Bacal Hubal, kaasoo dhowri jiray qadarka siyaasadda magaalada. Marka ay dhibaatooyinku jiraan duqaytida magaaladu waxay la tashan jireen isaga iyagoo sanamka hortiisa ku qori tuuran jiray isla markaasna halkaas ka akhrisan jiray waxa ay jawaabta mustaqbalku noqon doonto. (Rogerson, The Prophet Muhammad - A Biography [HiddenSpring, An Imprint of Pauline Press, Mahwah, NJ 2003], p. 15; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Qabiilooyin gaara oo ka mida Xijaaz ayaa iyaguna magacan baryi jiray, sida ka muuqanaysa dhammaadka suuradda 29. Si kastaba ha ahaatee, isla suuraddaasi waxay tusinaysaa in Allaah, oo ah Ilaaha Qur’aanku, aanay JIRIN CID ISAGA ILAAHNIMADA LA WADAAGTAAYI. (Encyclopedia of Religion, 1987, p. 27; madoobaynta iyo waaweynaynta farta annagaa leh).

Laakiin in kastoo magaca Allaah uu isku mid u ahaa reer Maka iyo Muxammadba, fikirka ay dabiici ahaan ka haysteen magacani aad buu u kala duwanaa. (Shorter Encyclopedia of Islam, 1965, p. 34; madoobaynta farta annagaa leh).

"...ilaaha ugu sarreeyaayi wuxuu ahaa Hubal, waxaanu ahaa dhagax weyn oo macbadka dhex yaalla; 360 sanam oo kalena waxay yaalleen bannaanka..." (Malise Ruthven, Islam in the World [Oxford University Press, Second edition 2000], p. 15; hoos ka xarriiqista annagaaleh).

“…Inkastoo asal ahaan uu hoos tegeyay sanamkii jaahiliga ee Hubal, xaramka Maka ee ku yaalla ceelka Samsam, waxa laga yaabaa in Ibraahim iyo Ismaaciil lala xidhiidhiyay iyagoo ahaa awowyaasha ganacsatada Carabta, iyadoo ujeedadu tahay in asalkooda lagu xidhiidhiyo asalka ballaadhan ee Yuhuudda iyo Masiixiyiinta.” (Ibid., p. 17)

“..ilaahii reer Maka, Hubal, oo lahaa muuqaalka dhagax cawllan, waxa loo malaynayaa in asal ahaan ay qadarin jireen reer Khusaaca oo ka talin jiray Maka ka hor intii aanay iyaga meesha ka saarin Qurayshi..” (Ibid. p. 28; hoos ka xarriiqista annaagaa leh).

“…Xilligii Muxammad, Kacbadu waxay ahayd MEEL KHAAS U AH OO LOO GAARYEELAY sanamka Hubal, oo ahaa ilaah Carabta looga keenay xagga Nabaatiyaanka oo ah hadda waddanka Urdun. Laakiin muhiimaddii hore ee meeshan muqaddaska ahi lahayd iyo waxa ay reer Maka guud ahaan aaminsanaayeeniba waxay u muuqataa iyadoo tusinaysa in asal ahaan meeshani khaas u ahayd al-Llaah, Ilaaha uugu Sarreeya ee Carabta..” (Karen Armstrong, Muhammad: A Biography of the Prophet [Harper San Francisco; ISBN: 0062508865; Reprint edition, October 1993], pp. 61-62; madoobaynta iyo farta waaweyneenteeda annagaa leh)

“…Sida la sheegayo Qusaya ayaa u socdaalay Suuriya isagoo markaasna Xijaaz keenay saddexda ilaahadood ee al-Laat, al-Cuzza iyo Manaat, waxaanu Kacbada ku caleema saaray oo dhigay ilaahi Nabaatiyaanka ee Hubal..” (Armstrong, p. 66; madoobaynta farta annaagaa leh)

Xilligii Islaamka hortiis sidoo kale Carabtu waxay lahaayeen ilaahyadooda sanamyada ah. Waxay ahaayeen dhagaxaan aan qaabaysneyn oo isugu jira dhagxaanta fulkaanaha iyo kuwo kale ee saxaraha Carabta iyagoo markaasna rumaysnaa inay ahaayeen kuwo ay soo direen ilaahyada samadu. Sanamyada uugu caasan waxaa ka mid ahaa Hubal, oo ahaa ilaaha ninka ah ee Kacbada, iyo ilaahadaha walaalaha ah ee, al-Laat, al-Manaat, iyo al-Cuza; Qabiilka Muxammed ee Quraysh ayaa kuwan lahaa, inkastoo saddexda ilaahadood ay ahaayeen hablaha Allaah. Hubal wuxuu ahaa sanamka uugu sarreeya 360 ka sanam ee Kacbada yaallay. Wuxuu u qaabaysnaa sida nin oo kale iyadoo markaasna uu ka samaysnaa dhagax qaali ah halka gacmihiisuna ay ka ahaayeen dahab adag. (George W. Braswell, Jr., Islam Its Prophets, Peoples, Politics and Power [Broadman & Holman Publishers, Nashville, TN; July, 1996], p. 44; madoobaynta farta annagaa leh).

Hubal. Wuxuu ahaa sanam, ilaah dayax. Waxaa la dhigay Kacbada isagoo markaasna noqda ilaaha uugu sarreeya ee jaahiliintii Maka caabudi jireen. (Cyril Glassé, The Concise Encyclopedia of Islam [Harper & Row: San Francisco, 1989], p. 160; hoos ka xarriiqista farta annagaa leh).

…ilaahyada sanamyada ah ee Maka uugu sarreeyaayi waxay ahaayeen Hubal (ilaaha dayaxa) iyo ilaahyada dumarka ah. (Ibid., p. 179).

Ibn Al-Kalbi wuxuu ku tilmaamayaa kitaabkiisa Book of Idols (Kitaabka Sanamyada) in:

Qurayshi waxay caadaysteen inay iyada ka sarreysiiyaan sanamyada kaloo dhan. Sababtaas awgeed Zayd ibnu Caamir ibnu-Nufayl, oo xilligii jaahiliyada dib uugu laabtay inuu caabudo Ilaah, wuxuu diiday inuu caabudo al-Cuzza iyo sanamyada kaleba, waxaanu yidhi:

Waan diiday Allaat iyo al-Cuzza labadaba,

Sidaas ayaanay geesiga iyo kan caafimaadka qabaaba yeeli.

Mardanbe ma caabudi doono al-Cuzza iyo labadeeda walaalood,

Ama ma booqan doono labada sanam ee reer banu-Ghanm;
Mana u socdaali doono Hubal xaggiisa oo ma jeclaan doono,
INKASTOO MARKAAN YARAA UU AHAA ILAAHAYAGA
."

…Qurayshi sidoo kale waxay Kacbada iyo hareereheedaba ku lahaayeen sanamyo badan. Waxaa sanamyadan uugu weynaa Hubal. Wuxuu ahaa, sida la sheegay, mid ka samaysan dhagax cas, oo leh qaab nin isagoo markaasna gacanta midig ay jabnayd. Sidan ayaa loogu keenay Quraysh, sidaas darteedna, waxay u sameeyeen gacan dahab ah. Qofkii u horreeyay ee keenay in sanamkan la caabudaayi wuxuu ahaa Khuzaymah ibn-Mudrikah ibn-al-Ya's' ibn-Mudar. Sidaas darteed waxa loogu yeedhi jiray Hubalkii Khuzaymah.

Wuxuu dhexyaallay Kacbada. Waxa horyaallay toddoba fallaadhood oo tilmaan bixinaya (keli. qidh, jamac. qidah ama aqduh). Mid kamida fallaadhahan waxaa ku qornaa “nadiif” (sariix), ku kalena waxa ku qornaa “lagu lammaanyahay” (mulsaq). Markastoo laga shakiyo dhaxal helitaanka ilmaha dhasha, waxay qurbaan u bixin jireen Hubal iyagoo markaasna isku dhex qasi jiray fallaadhaha oo dabeetana tuuri jiray. Haddii markaas fallaadhuhu ay ku hagaagaan ereyga “nadiif,” ilmahaas yar waa la ansixin jiray oo qabiilkuna sidaas ayuu ku qaadan jiray. Haddii fallaadhuhu ay tilmaamaan ereyga ah “lagu lammaanyahay,” ilmahaas waxa la xisaabin jiray garac oo qabiilkuna wuu diidi jiray. Fallaadha saddexaadi waxay ahayd mid tilmaamaysa dhimashada wax ku saabsan, halka midda afraadna ay ka tilmaamaysay waxyaalaha khuseeya guurka. Saddexda fallaadhood ee soo hadhay ujeeddadoodu waxay ahayd mid aan sharraxaad laga bixinin. Marka ay isku khilaafaan ama ku murmaan arrin, ama ay doonaan inay safraan, ama ay mashruuc kale gudo galaan, waxay u tegi jireen Hubal iyagoo markaasna hortiisa ku qori tuuranaya. Waxa dabeetana ay raaci jireen natiijada u soo baxda waxa ay doontaba ha haatee.

Cabdul Mudalib wuxuu ku hor qori tuurtay Hubal (isagoo raba inuu helo kii carruurtiisa tobanka ah ka mida ee uu qurbaan ahaanta u bixin lahaa si uu u fuliyo nidarkii uu hore u galay), oo fallaadhiina waxa ay tilmaantay wiilkiisii Cabdullaahi, Nebiga aabbihiis. Hubal sidoo kale wuxuu ahaa isla sanamkii uu abu-Sufyan ibnu-Xarbi la hadlay kaddiib markuu guusha kalasoo hoyday dagaalkii Uxud, isagoo leh:

"Hubalow, adigu sarree oo kor ahaw " (i.e. diintaadu ha guulaysato);

Nebiguna wuxuu hadalkiisaas kaga jawaab celiyay:

" Allaah ayaa sarreeya oo cid kasta ka weyn."

(Source: http://answering-islam.org/Books/Al-Kalbi/uzza.htm)

Qaamuuska Oxford ee Islaamku [The Oxford Dictionary of Islam (Oxford University Press, 2003)] wuxuu leeyahay Hubal wuxuu ahaa sanamka ay caabudi jireen qabiilka Muxammad:

Hubal wuxuu ahaa ilaah sanam ah Islaamka hortiis, waxaanu dhex oolli jiray kacbada isagoo markaasna uu Muxammad burburiyay markuu qabsaday Maka sanadkii 630. Waxa caabudi jiray Quraysh, oo ahaa qabiilkii Maka ka talin jiray (p. 117; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Wax dheeraada oo arrintani ku saabsani waa:

F.E. Peters, inkastoo aanu rumaysnayn in Hubal uu yahay Allaah, wuxuu qorayaa:

"Sanamyadii Qurayshi caabudi jirtay, waxa ka mid ahaa ka uugu weyn oo ahaa Hubal…

Faahfaahin dheeraada oo ku saabsan sanamkan, oo ahaa kii uugu awoodda badnaa sanamyada jaahiliinta ee Maka, waxa bixinaya taariikhyahanka reer Maka ee Azraqi…

Camr ibnu Luxayi ayaa Maka keenay sanam la yidhaahdo Hubal isagoo ka keenay dhulka Hit ee Mesobataamiya. Hubal wuxuu ka mid ahaa samayda uugu waaweyn ee Quraysh sidaas darteedna wuxuu dhigay Kacbada dhexdeeda isagoo dadkana ku amray inay caabudaan. Sidaas darteed ninka kasoo laabta socdaalku wuu booqan jiray isaga ka hor intaanu xitaa reerkiisa aadin, isagoo markaasna hortiisa timaha iskaga xiiri jiray…(Peters, Hajj: The Muslim Pilgrimage to Mecca and the Holy Places [Princeton University Press, NJ, 1994], pp. 24-25)

Sharrax hoosaadkiisa Peters 59 wuxuu leeyahay:

"Ilo kale waxay sheegayaan inuu (sanamka Hubal) ka yimid woqooyiga Urdun." (Ibid., p. 365)

Warbixinuhu sidoo kale waxay tilmaamayaan in magaca Hubal lagasoo kexeeyay asalka Cibraaniga ah ee Ha Baal, “Bacalka.” Tusaale ahaan, F. E. Peters hadalkiisa kor ku xusan ee khuseeya Camr ibn Luxayi oo Hubal ka keenay Mesobataamiya waxay cadaynaysaa in sanamkani uu metelaayay Bacal.

Martin Ling oo u janjeedha xagga Islaamku, marka uu faallada ka bixinayo asalka jaahilnimadii Maka dhextaallay, wuxuu taageerayaa arrintan isagoo qoraya:

“Khusaacah wuxuu ka qayb qaatay gafkii Jurhum. Sidoo kale isaga waxa lagu canaananay inuu yahay caaqilkooda, markuu kasoo laabtay socdaalkiisii SUURIYA, wuxuu REER MOO’AAB WEYDIISTAY INAY SIIYAAN MID KA MIDA SANAMYADOODA. Waxaanay siiyeen HUBAL, isagoo markaasna keenay Kacbada dhexdeeda; waxaanu noqday SANAMKA UUGU SARREEYA MAKA.” (Muhammad: His Life Based on the Earliest Sources [Inner Traditions International, LTD. One Park Street, Rochestor Vermont 05767, 1983], p. 5; madoobaynta iyo waaweynaynta farta annagaa leh)

Lings isagoo faallo ka bixinaya Cabdul Mudalib oo dib u helay ceelka Zamzamka iyo muhiimadda uu leeyahay, wuxuu qorayaa:

“…Haddaba Cabdul Mudalib wuxuu sii waday inuu qodo ceelka iyadoo aanu jiray wax caqabad ku noqdaayi; intii aanu si kedis ah u garaacin dhagaxa ceelka ku gadaaman ka horna dadku waxa ay iska tegayeen meeshan, markuu dhagaxa ceelka arkayna wuu ooyay isagoo Ilaah u mahad celinaya. Dadkiibaa isu soo ururay oo tiradoodiina badatay; oo markuu bilaabay inuu qodo kaydkii ay Jurhum meeshaas ku aaseen, cid waliba waxa ay sheegatay inay xaq u leedahay. Cabdul Mudalib wuxuu waafaqay in shay kasta loo qori tuuro, haddii ay tahay in loo dhex daayo meesha barakaysan iyo haddii ay tahay in qabiillada dhexdooda loo qaybiyo. Sidan ayaa loo aqoonsaday in go’aanka laga gaadhi lahaa arrintan, waxaana loogu qori tuuray kacbada dhexdeeda, SANAMKA REER MOO’AAB EE HUBAL hortiisa...” (Lings, p. 11; madoobaynta iyo waaweynaynta farta annagaa leh).

Ibn Kathir wuxuu leeyahay:

Ibnu Hishaam ayaa xusaya in nin aqoon lihi u sheegay in Camr bin Luxayi uu mar ka tegay Maka isagoo u safraya Suuriiya waxaanu gaadhay Ma’ab (waxa suurto gala inay yihiin reer Moo’aab) oo ku taalla gobolka Balqac. Wakhtigaas waxa meeshaa ku noolaa Camaaliq (waxa suuro gala inay yihiin reer Camaalaq), ilma Cimlaaq ama, sida qaar kale yidhaahdaan, Cimlaaq b. Lawadh b. Sam b. Nuh. Camr wuxuu arkay dabeeto iyagoo caabudaya sanamyo, waxaanu weydiiyay sababta ay u caabudayaan sanamyadaas. Waxay uugu jawaabeen in hadday sanamyada weydiistaan roob inuu roobku da’o, haddii ay guul weydiistaanna uu ay guulaystaan.

Camr wuxuu markaas iyaga ka dalbaday inay siiyaan sanam uu u qaado dhulka Carabta si loogu caabudo, waxaanay siiyeen mid la yidhaahdo Hubal. Kan ayuu keenay Maka isagoo meel qotomiyay isla markaasna dadka weydiistay inay caabudaan oo qadariyaan. (The Life of the Prophet Muhammad (Al-Sira al-Nabawiyya), Volume I, translated by professor Trevor Le Gassick, reviewed by Dr. Ahmed Fareed [Garnet Publishing Limited, 8 Southern Court, south Street Reading RG1 4QS, UK; The Center for Muslim Contribution to Civilization, 1998], p. 42; madoobaynta farta annagaa leh)

Waxa xiiso leh, iyadoo Ibnu Kathiir uu muujinayo qoyska Muxammad oo caabudi jiray Hubal, iyadoo xitaa awowgiis uu baryi jiray Allaah intuu u jeesto xagga sanamka Hubal!

Ibnu Ishaaq wuxuu leeyahay, “Waxa la sheegaa in markii Cabdul Mudalib ay Qurayshi kagasoo horjeesatay qoditaanka ceelka zamzam, wuxuu ku nadray in hadday u dhashaan toban wiil oo ay koraan isla markaasna ilaaliyaan isaga, inuu mid ka mida wiilashaas Kacbada uugu gawric doono Ilaah dartiis.

“Waxa markaas u dhashay toban wiil oo koray isagoo markaana ogaaday inay ilaalin doonaan isaga. Magacyadoodu waxay ahaayeen al-Xaarith, al-Zubayr, Hajl, Dirar, al-Muqawwim, Abu Lahab, al-Cabbas, Xamza, Abu Daalib, iyo ‘Abd Allah. Wuu isugu yeedhay iyaga isagoo ka dalbaday inay tixgeliyaan nidarkuu Ilaah la galay, Cisso iyo Awood ba lahaayee. Way addeeceen, waxaanay weydiiyeen waxa uu rabo inuu sameeyo. Wuxuu weydiistay midkastoo iyaga ka mid ahiba inuu qaato fallaadh, oo magaciisa ku dul qoro dabeetana usoo celiyo isaga.”

“Sidaas ayay yeeleen oo isna wuxuu iyaga u kexeeyay Kacbada gudeheeda xaggii ilaahooda Hubal, xagga dhinaca ceelka lagu aruurin jiray waxyaalaha loogu deeqo Kacbada. Halkaas, Hubal agtiisa, waxa yaallay toddoba fallaadhood kuwaasoo ay u adeegsan jireen in lagu xukumo amuurohooda, sida magta, maamulka, ama waxyaalaha la midka ah. Waxay u iman dooneen Hubal inay ballanqaadaan waxkastoo lagu amro inay sameeyaan ama ay diidaan.” (Ibid., pp. 125-126; annagaa madoobaynay farta).

Xadiisku wuxuu leeyahay in marar badan qori tuurkii uu ku dhacay Cabdullaahi, oo ahaan doonay Muxammad aabbihiis, taasoo ka dhigan in isaga la gawraco. Qurayshi waxay markaas Cabdul Mudalib ku qanciyeen inuu raadiyo xal uu ku badbaadiyo wiilkiisa, waxaanay ku qanciyeen inuu la tashado naag faaliso ah. Nasku isagoo sii socda wuxuu leeyahay:

Markaas waxay tegeen Madiina, halkaasna waxay ka heleen faaliso magaceedu la odhan jiray Sajah, sida Yunus b. Bukayr uu kasoo wariyay Ibnu Ishaaq, waxay joogtay Khaybar. Markale ayay socdaaleen iyagoo taladeeda raadinaya. Cabdul Mudalib markuu u sheegay dhibaatada jirta ee khusaysa wiilkiisa oo dhan, waxay isaga ku tidhi: “Maanta iga tag, ilaa inta ay rooxaanaydu iiga imanayso si aan wax u weydiiyo.”

Wey ka tegeen iyadii oo Cabdul Mudalibna wuxuu baryay Ilaah. Maalintii xigtay ayay naagtii ku soo noqdeen waxaanay u sheegtay inay farriin heshay. Waxay iyagii weydiisay, “Imisa weeyi magta aad bixisaani?” Waxay ku jawaabeen, “Toban geel ah.” Waxay tidhi markaas, “Ku noqo dhulkaagii oo waxaad qurbaan ahaan u keentaa ninka iyo toban geel ah. Markaas u qori tuur geela iyo isaga. Haddii qori tuurku uu ku dhaco isaga waxaad markaas geela tiradiisa ku dartaa toban kale oo sidan ku ceceli ilaa ilaahaagu uu ku qancayo; haddii qori tuurku uu ku dhaco geela, geelaas qal isaga beddelkiisa. Sidaad ayaad ku raalli gelinaysaa ilaahaaga ood wiilkaagana ku badbaadinaysaa.

Dabeeto waxay ku laabteen Maka, oo markii ay isku afgarteen inay sameeyaan sidii ay naagtu u sheegtay, Cabdul Mudalib Ilaahbuu baryay. Dabeetana waxay keeneen Cabdullaahi iyo tobankii geel ahaa waanay u qori tuureen. Markii halkaas la joogay raggii reer Quraysh waxay Cabdul Mudalib, oo Hubal agtiisa taagan isla markaasna Ilaah baryaya, ku yidhaahdeen “Waa dhammaatay! Cabdul Mudalibow, Ilaahaagu raalli buu yahay”… (Ibid., p. 126-127; farta annagaa madoobaynay).

Waxyaalahaas hore oo dhammi waxay caddaynayaan in Ilaaha Muxammad awowgiis uu nidarka u galay isla markaasna caabudayay uu ahaa Hubal. Si fudud arrintan iyada ah loogama baxsan karo.

Xaqiiqo ahaantii, qoraa ayaa wuxuu ku xeel dhaaranayaa inuu yidhaahdo waxa laga yaabaa Hubal inuu ahaa magac tilmaamaya Allaah:

Dhinac ka mida Allaah waxa laga yaabaa in lagu tilmaamay sanamka Hubal, kaasoo meel sare ka lahaa sanamyada Kacbada yaalla dhexdeeda. Waxa la sheegay in magacan lagasoo kexeeyay ereyga Semetiga ah ee Hu, kaasoo macnihiisu yahay ‘Isaga’ ama ‘Isagu waa’ (eeg 3.1), oo uu la socdo daba-galaha El, ‘Ilaah.’ Waxa laga yaabaa inuu ahaa magac hore oo Allaah loo yaqaanay, waxaana laga yaabaa inay reer Maka ka adeegsadeen magac loo qayshado. Hubal waxa qadarin jiray reer Nabaati iyo qabiilooyin gaara oo xagga woqooyiga ah, laakiinse laguma dhex magacaabin Qur’aanka. Dhallinyaranimadiisii, Muxammad wuxuu gacan ka geystay munaasabaddii Hubal lagu dhex keenayay Kacbada. (Benjamin Walker, Foundations of Islam: The Making of a World Faith [Peter Owen Publishers, London & Chester Springs, 1998], p. 42)

Xigashooyinkan ka ahaaday Philip K. Hitti ayaa waxyaalahan oo dhan si wanaagsan isugu keenaysa:

Hubal (ka ahaaday Aramaati. Loo adeegsado ruux), oo ahaa sanamka uugu sarreeya Kacbada, waxa uu u samaysnaa sida qof bani aadam ah. Waxa dhinaciisa yaallay fallaadho ay adeegsadaan faaliyayaashu (kahin, asalkiisu Aramaati yahay) oo waxyaalbo badan loogu qori tuuro. Taariikhda siirada ibnu Hishaam, oo Camr bin Luxayi ku tilmaamaysa inuu sanamka ka keenay Moo’aab ama Mosabataamiya, waxa laga yaabaa inay dhab tahay iyadoo sidoo kalena diidaysa in Aramaayigu ay ku lug leeyihiin asalka sanamkan. . (History of the Arabs from the Earliest Times to the Present, revised tenth edition, new preface by Walid Khalidi [Palgrave Macmillan, 2002; ISBN: 0-333-63142-0 paperback], p. 100; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Iyo:

Allah (allah, al-ilah, ilaaha) wuxuu ahaa ka uugu sarreeya, inkastoo aanu ahayn ilaaha keliya ee Maka. Magacani waa qadiimi. Waxa uu ka muuqanayaa labo ka mida qoraalka xardhitaanka ah ee Koonfurta Carabta, midi waa Mine’iyaan oo waa al-‘Ula ka kalena waa Saba’iyaan, laakiinse wuxuu u qoranyahay qaabka ah HLH isagoo ku sugan qoraalyada qolyihii Lihyanite-ka oo u noqonaya qarnigii shanaad C.H. Lihyan, oo sanamkan ka helay xagga Suuriya, waxay ahayd meeshii ugu horreysay ee xarunta u ahayd sanamyadan Carabta. Shan qarni Islaamka hortiis magacani isagoo ah Hallah wuxuu kusoo dhex arooray qoraallada Safa sidoo kalena Carabtii Islaamka hortiis ee Masiixiyiinta ahayd qoraalkooda waxa laga helay ummu-al-Jamal, Suuriya, waxaana lagu taariikhiyee qarnigii lixaad. Muxammad aabbihiis magaciisa waxa la odhan jiray Abdullaahi (Cabdullaahi, addoonka Alle). Qiimaha ay Allaah u hayeen reer Maka Islaamka hortiis wuxuu ahaa iyagoo ka dhiga abuuraha iyo kan awoodda leh iyo kan isaga loo qayshado marka khatari jirto, cadaynta arrimahan waxa loogu noqon karaa aayadaha Qur’aanka ah 31:24, 31; 6:137, 109; 10:23. Waxa cad oo muuqata markaas inuu ahaa ilaah qabiileedka Quraysh. (Ibid., pp. 100-101; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Ibnu Kathir wuxuu sheegayaa in qoyska Muxammed ay caabudi jireen Hubal, sidoo kalena Qaamuuska Oxford ee Islaamku wuxuu isna Hubal ku tilmaamayaa inuu ahaa ilaaha ay caabudaan Qurayshi. Haddii Hitti uu ku saxsanyahay Allaah oo ahaa ilaah qabiileedka Quraysh markaas tani waxay tahay caddayn dheeraada oo tusinaysa in Allaah uu ahaa magac uu leeyahay Hubal. U fiirso doodda sidan ah:

    • Hubal wuxuu ahaa sanam uugu sarreeya ee Qurayshi caabuddo.

    • Allaah wuxuu ahaa ilaaha uugu sarreeya ee Quraysh.

    • Sidaas daraaddeed, Hubal wuxuu ahaa Allaah Islaamka hortiis.

Waxa jirta caddayn kale oon toos ahayn isla markaasna Allaah la xidhiidhinaysa Bacal. Franz Rosenthal, isagoo faallo ka bixinaya wareerka weyn ee Islaamka ka haysta arrinta ku saabsan macnaha as-samad (Cf. 112:2), wuxuu sheegayaa suurtagalnimada asalka ereygan: wuxuu leeyahay:

... Waxa jira shaki laga qabi karo oo inoo oggolaanaya inaan eegno caddaymo xagga dibadda ka ahaaday.

Halkaas, waxaynu ku arkaynaa arrin cajiiba oo loo fiirsan karo: waa asalka ereyga smd oo sida uu diinta uula xidhiidho badanaa ay yartahay.

Ugartic-ga, ereyga smd wuxuu ka dhiganyahay ul ama budh uu adeegsado Bacal. Qoraallada Kilammu, laynka 15, waxaynu ku arkaynaa bacal smd, waxaana weeyi, bacal oo iska leh ushiisa ama budhkiisa ilaahiga ah. Kitaabka Quduuska ah dhexdiisa, Israa’iiliyiinta oo raacay Bacal Fecoor waxa loo adeegsaday nip’al oo ah asalka smd. Xagga tarjumaadda Giriigga ee Septujantiga waxa ficilkan lagu tarjumay heteleuse (Tirintii 25:3, 5; Sabuurka. 106:28). Adeegsiga ficilkani wuxuu shaki la’aan tusinayaa ereyada diiniga ah ee ay lahaayeen Kancaaniyiintii Woqooyi.

Xagga ilaha Carabiga ah, waxaan arkaynaa iyadoo sanamkii reer Caad la odhan jiray samud, isagoo markaasna inagusoo dhoweynaya bii’adii Muxammad…

Marka waxyaalahan loo fiirsado, waxa la odhan karaa in as-samad Qur’aanka dhexdiisa uu yahay erey kasoo hadhay ereyadii diimiga ahaa ee Semetiga Woqooyigalbeed, iyadoo markaasna laga yaabo in xitaa Muxammad, iyo xitaa gabayaagii hore aanay fahmaynin waxa macnihiisu ka dhignaa (haddii sawahid ku uu dhabyahay). Tan waxa muujin karaya iyadoo Qur’aanku uu ereygan xusayo isagoo wata shaqal, waxaana in la tilmaamo mudan iyadoo ay mufasiriintu ka labolabeeyaan ereygan. Ka labolabayntaasi waa waxa aynu filayno marka aan la tacaalayno erayo jaahili ah oo ka ahaaday wakhtiyadii uugu horreeyay ee muujinta. (What the Koran Really Says: Language, Text, & Commentary, "Some Minor Problems in the Qur'an", edited with translation by Ibn Warraq [Prometheus Books, October, 2002, Hardcover; ISBN: 157392945X], part 5.2, pp. 336-337)

Hadduu Rosenthal saxsanyahay, tani waxay caddayn dheeraada u tahay in Allaah uu ahaa magac uu Hubal leeyahay, iyo in Hubal uu ahaa Bacal oo Carabi ah.

Ereyga Allaah xilliyadii Islaamka hortiis waxa loo adeegsan jiray ilaah kastoo jiray xilligii jaahiliga, waxaanay taasi ka dhigantahay iyadoo suurto gal ah in Allaah loo adeegsan jiray Hubal, waxaana sidaas qaba culumo iyo qorayaal badan:

“… Magaca loo adeegsan jiray Ilaah wuxuu ahaa ‘Allaah’, waxaanu ahaa mid loo adeegsan jiray mid ka mida ilaahyo hoosaadka (imika Yuhuudda iyo Masiixiyiinta ku hadla afka Carabigu waxay magacan u adeegsadaan Ilaah) ..." (Albert Hourani, A History of Arab Peoples [Warner Books Edition, paperback 1992], p. 16; madoobaynta farta annagaa leh).

“Allaah, oo ahaa ilaaha uugu sarreeya ee Carabtii jaahilka ahayd, wuxuu ahaa mid siyaabo kala duwan looga caabudo xagga koofurta Carabta iyo xagga Bariga Dhexe. Xagga Baabiloon waxa looga yaqaanay “Il” (ilaah); xagga Kancaan, iyo mardanbe Israa’iiliyiinta, waxa loo yaqaannay “El”; Carabta Koonfurtuna waxay u caabudi jireen isagoo ah “Ilaah,” xagga Badwiyiintana waxa uu ahaa “al-llaah”(ilaaha). Wakhtigii Muxammadna WUXUU NOQONAYAA Allaah, Ilaaha Caalamka, rumaystayaasha, waana kan aan oggolayn in isaga cibaadada cidna loogu shariik yeelo. Fikirka ay Yuhuudda iyo Masiixiyiintu ka haystaa Ilaah ayaa wuxuu taageerayaa in Allaah laga bedelo QAABKII SANAMKA JAAHILNIMADA oo laga dhigo qudha oo waaxid ah. Haddaba, ma jirto sabab loo aqbalo fikirka ah in “Allaah” ay Muslimiintu ka dhaxleen Masiixiyiinta iyo Yuhuudda.” (Caesar E. Farah, Ph.D., Islam [Barron's Educational Series, 2000, sixth edition paperback] p. 28; waaweynaynta iyo madoobaynta farta annagaa leh).

Ibnu Warraaq oo hore Muslim u ahaan jiray balse noqday Mulxid ayaa wuxuu qorayaa:

Waxaan caddayn u haynaa in dhagxaanta madmadow lagu caabudi jiray meelo kala duwan oo ka mida dhulka Carabta; tusaale ahaan, Clement- gii reer Aleksandariya, qoraalkiisa ku dhowaad ahaa 190, wuxuu ku sheegayaa in “Carabtu ay caabudi jireen dhagax,” isagoo tilmaamaya dhagaxa madaw ee Dusaares-tii Petra. Maximus Tyrius oo qarnigii labaad wax qorayaana wuxuu leeyahay, “Carabtu waxay qadariyaan waxaan aqaano inaanu ilaah ahayn, kaasoo ay ku metelaan dhagax”: wuxuu tilmaamayaa Kacbada oo uu dhex yaallo Dhagaxa Madoobi. Wakhtiyadeedii hore sidoo kale waxa la xaqiijiyaa in iyadoo Faarisiiyiin hore ay sheegaan in Mahabad iyo kuwii ka danbeeyay ay Dhagaxa Madaw kaga tegeen Kacbada, sidoo kalena waxay kaga tegeen waxyaabo qadiimi ah iyo sawirro, oo dhagaxunu wuxuu calaamad u ahaa Saatuun…

Dhagaxa Madaw laftiisu waxa aan shaki ku jirin iyadoo lagu tilmaamo inuu yahay mid ka yimid xagga “samooyinka.” Waxa arrin lala yaabo ah iyadoo Muslimiintu ay qadariyaan dhagaxan iyadoo lagu tilmaamo inuu yahay mid uu Jibriil siiyay Ismaaciil si uu Kacbada uugu dhiso. Margoliouth waxa lagasoo xiganayaa, “waxa laga shakiyi karaa inay runtahay, maadaama oo Dhagaxa Madaw … qarnigii afraad ee tirsiga Islaamka ay qaadeen Qarmatians-ku, oo dabeetana ay sanado badan dabadood soo celiyeen; waxa shaki ku jiraa haddii dhagaxani uu yahay kii markii hore ay meesha ka qaaadeen iyo in kale.”

Hubal waxa lagu caabudi jiray Maka, isagoo ka samaysan dhagax casna waxa la dhex dhigay Kacbada gudeheeda, waxaanu ka sarreeyay ceelka engagan ee lagu ridi jiray waxyaalaha isaga loo bixiyo. Waxa markaas hubaal noqon karta in Hubal uu u samaysnaa qaab aadane. Hubal oo yaallay meel u dhow dhagaxa madoobi waxa ay tilmaamaysaa inuu jiray xidhiidh labadooda ka dhexeeyaayi. Wellhausen ayaa wuxuu u malaynayaa in Hubal asal ahaantii ahaan jiray Dhagaxa Madaw, oo sidaan hore usoo tilmaanay, wuxuu aad uuga qadiimi sanyahay sanamka.Wellhausen sidoo kale wuxuu sheegayaa in Qur’aanka dhexdiisa Ilaah loogu yeedhay Sayidka Kacbada iyo inta ku hareeraysan Maka. Nebigu wuxuu dadka isugu keenay inay kasoo horjeestaan qadarinta iyo caabudista sanamyada al-Laat, Manaat, iyo al-Cuza, kuwaas oo Carabta jaahilka ahi uugu yeedhi jireen hablaha Ilaah, laakiin Muxammad wuxuu ka gaabsaday inuu weeraro Hubal. Arrintan aawadeed, Wellhausen wuxuu kusoo gebogebaynayaa in Hubal aanu wax kale ahaynee uu yahay Allaah, “ilaahii” reer Maka. Markii reer Maka ay nebiga ku jebiyeen Madiina agteeda, waxa la sheegay in hoggaamiyohoodu uu ku qayliyay, “Guusha waxa leh Hubal.”

Meesha barakaysan oo lagu dawaafaayi waxay ahayd caado laga isticmaalo meelo badan. Xaajigu marka uu dawaafayo wuxuu marar badan dhunkan jiray ama taaban jiray sanamka. Sir William Muir wuxuu u malaynayaa toddaba jeer ee lagu wareego ama lagu dawaafo Kacbadu “ay calaamad u ahaayeen kacdoonka meerayaasha.” Zwemer ayaa isna intaas kasii badinaya isagoo soo jeedinaya in toddoabada dawaaf ee Kacbadu, saddex jeer oo dhakhso ah iyo afar jeer oo aayar ahi ay ahaayeen “ku dayashada meerayaasha gudaha iyo kuwa dibadda.”

Waxaan laga shakiyi karin in Carabtu “marka la eego wakhtiyo danbe ay caabudi jireen cadceedda iyo waxyaalaha kale ee samaawiga ah.” Xiddigaha Laxaha, oo loo haystay inay roobka keenaan, waxa laga soo qaadi jiray ilaah. Waxa jiray dhaqan ah in meeraha Venus lagu tiring jiray inuu yahay ilaahad weyn oo hoos tagta magaca al-Cuzza.

Waxaan magacyo badan oo lala xidhiidhiyaa ilaah ku garanaynaa in cadceeda la caabudi jiray. Shams ama cadceedu waxay ahayd ilaahad ay caabudaan qabiilooyin badan iyagoo lahaa sanam iyo meel lagu caabudo. Snouck Hurgronje wuxuu cibaado cadceedda loo fidiyo u arkaa “wukut”…

Ilaahadda al-Laat waxa mararka qaar lala xidhiidhin jiray cadceedda. Dharrih wuxuu ahaa cadceedda soo baxaysa oo ilaah lagu tilmaamo. Caadooyinka Muslimka ee ah in Carafo iyo Musdalifa la dhex socdo, iyo Musdalifa iyo Madiina waxa weeyi in la dhammaystiro cadceeddu inta aanay dhicin iyo in aanay soo bixin ka hor. Is beddelkan waxa si kas ah u sameeyay Muxammad si uu meesha uuga saaro cibaadadii jaahiliga ee la xidhiidhay cadceedda, muhiimaddeedana xagga danbe ayaan ku arki doonnaa. Sidoo kale iyana caabudaadda dayaxa waxa lala xisaabin magacyada dadka sida Hilaal, oo ah bil, Qamar, oo ah dayax, iyo waxyaalaha la midka ah.

Houtsma wuxuu soo jeediyay in dhagaxaynta Mina lagu sameeyo asalkeedu uu ahaa mid lagu tuuro jinniga cadceeda. Aragtidani waxay tusinaysaa xaqiiqada ah in jaahiliintu ay xashi jireen asal ahaan marka xilliga dayrta habeenka iyo maalintu sinmaan. Jinniga cadceeda waa la eryay, oo xukunkiisii adkaana wuxuu kusoo gebogeboobayaa dhammaadka xagaaga, waxaana ka danbaynayay caabudaadda xagga Muzdalifa ee ilaaha onkodka oo keena barwaaqada.

Islaamku ereyga “Allaah” wuxuu kasoo qaadanayaa Carabta oo qadaf ku hayay magacan. Waxaan ahaynaa caddaymo badan oo tusinaya inuu dhex galay magacyo shakhsi ahaaneed oo badan xagga Woqooyiga Carabta iyo Nabaatiyaanka dhedoodaba. Wuxuu kusoo dhex aroorayaa Carabtii wakhtiyadii danbe, isagoo iskii u taagan iyo iyadoo lala xidhiidhinayo kuwo kale. Wellhausen wuxuu sidoo kale qoraallo Islaamka hortiis ah kasoo xiganayaa iyadoo Allaah lagu tilmaamay ilaah weyn. Waxaynu sidoo kale haynaa Qur’aanka laftiisa oo ka markhaati kacaya iyadoo isaga loo aqoonsaday inuu yahay kan roobka bixiya, abuuraha, iyo waxyaalaha la hal maala; denbiga reer Maka wuxuu ahaa markaas iyagoo isaga ka daba caabuday ilaahyo kale. UGU DANBAYNTII Allah waxa lagu dabaqay inuu yahay Ilaaha uugu Sarreeya. “Si kastaba ha ahaatee waxa aad muhiim u ah iyadoo Muxammad aanu u arkin in loo baahanyahay ilaahyo kale, laakiinse wuxuu ku raalli noqday inuu meesha ka saaro Allaaha ay dadkiisu ku GAFAYAAN oo uu isaga ka dhigo midaan cidna lagala mid dhigi karin…Miyaanu yaraantiisii caadaysanin fikirka ah Allaah oo ah Ilaaha uugu Sarreeya, gaar ahaan Maka, waxa si fiican looga shakiyi doonay inuu sii wado wacdintiisa ku saabsan Waxdaaniyada.” (Ibn Warraq, Why I Am Not A Muslim [Prometheus Books, Amherst NY, 1995], pp. 39-40, 42; madoobaynta iyo waaweynaynta farta annagaa leh).

Gerhard Nehls wuxuu qorayaa:

Yuu Hubal ahaa?

Cutubka 2 waxaan kusoo tilmaanay Hubal oo ahaa ilaaha Kacbada xilligii Muxammad ka hor. Waa maxay magacan macanihiisu? Luqadda Carabiga laguma sharraxi karo (ENCYCLOPEDIA OF ISLAM by Gibb iyo Kramers). Buuggiisa "Specimen Historicae Arabum" qoraagu (Pocock) wuxuu ku soo jeedinayaa iyadoo laga yaabo in magacan lagasoo kexeeyay ha-Bacal. Fartii Cibraaniga iyo Carabiga ee qadiimiga ahaa may lahayn shaqallo, sidaas darteed tani waxay noqon kartaa mid ka mida beddelitaanno guud (e.g. waxa loo akhriyi karaa Moxamed, Muxamad, Muxammed, Maxomed iwm.).

Waxa xusid mudan magaca HUBAL (qoraallada Carabiga iyo Cibraaniga shaqallada laguma dari jirin). Tani waxay tusinaysaa in aad looga shakiyi karo in lala xidhiidhiyo magaca Cibraaniga ah ee HABAAL (= Bacalka). Sida macruufka ah kani waxa weeyi magac sanam oo lagu sheegay Kitaabka Quduska ah dhexdiisa (Tirintii. 25:3, Yashuuca 9:10, Sharciga Kunoqoshadiisa. 4:3, Yashuuca. 22:17 iyo Sabuurka. 106:28-29). Bacal halkee lagu caabudi jiray? Waxa lagu caabudi jiray Moo’aab! Wuxuu ahaa “ilaaha bacrimiska”. Camr ibnu Luxayi ayaa Hubal Carabta uuga keenay xagga Moo’aab.

Magaca ‘Allaah’ (ka ahaaday ‘al-Ilaah’ – ilaah ama al-liah = kan la caabudo) wuxuu ahaa mid aad loo adeegsado Islaamka hortiis. Wuxuu ahaa magac naanays oo kale ah, waxaana loo adeegsan jiray ilaahyo kala gedisan. Sidaan gadaal ka arki doonno, sanam loo yaqaanno Hubal ayaa waxa loogu yeedhi jiray Allaah. Waxa la sheegaa in Muxammad awowgiis uu baryi jiray Hubal isla markaasna uugu yeedhi jira Allaah. Ilaahadaha al-Laat, al-Cuzza iyo Manaat waxa loogu yeedhi jiray “hablaha Allaah” (Suuradda 53:19). “Muxammad hortiis,Allaah waxa loo arki jiray Rabbiga Kacbada, halka, inkastoonay hubaal ahayn, laakiin sida ay aadka uugu dhowdahay, meeshan barakaysan waxa lagu caabudi jiray Hubal oo dhex yaallay Kacbada gudeheeda” (RESTE ARABISCHEN HEIDENTHUMS, p. 221 by J. Wellhausen). “Iyadoo cibaadada loo fidin jiray sanamyada la qadarinayo, Allaah hadana waxa loo arkayay abuuraha, aabbaha iyo Rabbiga awoodda sare leh. Laakiinse waxa loo arkaayay si guud ahaaneed, inuu dhex yahay iyo isagoo lagu tilmaamo Rabbi” (ibid p. 219). "Allaah wuxuu noqday magaca ay Islaamku ku bedesheen sanam kasta " (ibid p. 85).

“Muxammad wuxuu Allaah kasoo qaaday inuu yahay Rabbiga Kacbada oo kusii isaga kasoo horjeedayna way ku waafaqeen arrintaas. Ma tahay suurto gal in Allaaha Maki uu yahay Hubal? Si kale marka loo yidhaahdo, Maka dhexdeeda Hubal ma waxa loogu yeedhi jiray Allaah sidii Israa’iil dhexdeedaba Yahweh loogu yeedhi jiray Elohim oo kale?”. Waxa sidan su’aalaya J. Wellhausen (ibid p. 75). Tani waxay sidan aad uugu ekaanaysaa marka aan xaqiiqsano iyadoo mushrikiintii Carabtu ay Allaah u aqoonsanaayeen inuu yahay khaaliqa ama abuuraha (Suuradaha 23:84-89; 29:61), iyagoo isagana ku dhaaran jiray (Surah 6:109). Haddaba magaca Allaah ugu horreyntii wuxuu ahaabaa laga yaabaa naanays. “Ugu horraynta Allaah wuxuu ahaa magac guud oo uu qabiil kastaaba u adeegsan jiray ilaahooda halkii ay uuga adeegsan lahaayeen magaciisa gaar ahaaneed. Dhammaantood waxay wada odhan jireen Allaah, laakiin qabiil kastaaba wuxuu lahaa ilaahooda u gaarka ah ee maanka ay ku haystaan. Magaca ah ‘ilaaha’ (al-ilaah), oo noqday adeegsiga keli ahi, wuxuu noqday mid isku xidha arrinta la xidhiidha ilaah isku mid ah oo qabiilooyinka oo dhammi guud ahaan haystaan (J. Wellhausen, p. 218)". (Source: http://answering-islam.org/Nehls/tt1/tt5.html; madoobaynta farta annagaa leh).

Xigashooyinka soo socdaayi waxay taageerayaan Nehl sheegashadiisa ah in magaca Allaah la adeegsaday isagoo ka dhigan mid lagu magacaabi karo ilaah kasta oo qabiilkastaa caabudo:

Laakiin aragtida mugdigu ku jiro ee Sarraynta (AAN AHAYN KELI) ilaahnimada taasoo u muuqata in Allaah lala xidhiidhinayo diintii Maka waxay NOQONAYSAY mid caalami ah iyo inay xadka dhaafsiisantahay; waxay ahayd in Qur’aanku ka hadlo, isagoo markaas ku xoojinaya oo tilmaamaya Ilaaha Xayiga ah, Kan Korreeya. (Encyclopedia of Islam, 1960, p. 406; waaweynaynta farta annagaa leh).

Laakiin in kastoo magaca Allaah uu isku mid u ahaa reer Maka iyo Muxammadba, fikirka ay dabiici ahaan ka haysteen magacani aad buu u kala duwanaa. (Shorter Encyclopedia of Islam, 1965, p. 34; madoobaynta farta annagaa leh).

Qabiilooyin gaara oo ka mida Xijaaz ayaa iyaguna magacan baryi jiray, sida ka muuqanaysa dhammaadka suuradda 29. Si kastaba ha ahaatee, isla suuraddaasi waxay tusinaysaa in Allaah, oo ah Ilaaha Qur’aanku, aanay JIRIN CID ISAGA ILAAHNIMADA LA WADAAGTAAYI. (Encyclopedia of Religion, 1987, p. 27; madoobaynta iyo waaweynaynta farta annagaa leh).

Labada fikir ee khuseeya Ilaaha uugu Sarreeya iyo Allaaha Carabtu adeegsan jireeni waxa muuqata iyadoo Carabtu ay yaqaanneen wakhtigii Muxammad. Muxammad waxa uu samayeeyna waxay ahayd isagoo fikirkan cusboonaysiiyay oo siiyay macno buuxa, SI LOOGA SAARO WAXYAALAHA LOOLA SHARIIK YEELAYO EE KU KU GADAAMAN. (H.A.R. Gibb, Mohammedanism: An Historical Survey [Oxford University Press, London 1961], p. 54; waaweynaynta farta annagaa leh).

(Fiiro u yeelo: xigashooyinkan aan kor kusoo aragnay waxa lagasoo qaatay Dr. Jamal Badawi dooddiisii uu la yeeshay Dr. Robert Morey markay taariikhdu ahayd November 9, 1996 iyadoo hal ku dhigga dooddaasina ahaa “Allaaha Qur’aanku ma waxa weeyi Ilaaha caalamaka ee runta ah?” Dr. Badawi wuxuu isku dayayaa inuu xigashooyinkan u adeegsado eedaynta Morey ee ah in Allaah uu ahaa ilaah jaahili ah, marka laga tago xaqiiqada ay xigashooyinkani soo jeedinayaan!)

Qoraa ayaa intaas kasii xeel dheeraanaya isagoo magaca Bacal ku dabaqaya Hubal. Barnaby Rogerson, isagoo ka hadlaya waxyaalaha ku saabsan Kacbada wuxuu qorayaa:

Meeshan uugu quduusan gudeheeda waxa ku kaydsanaa dhammaanba muuqaallada la qadariyo ee la caabudo. Waxa la sheegay in waxyaalahan ay ka mid ahaayeen Maryantii Bikrada ahayd iyo Masiixa oo ilmo yar ah iyo sidoo kale sawirka nebi Ibraahim. Laakiinse meesha dhexdeeda waxa ku badnaa waxyaalaha metelaya ilaaha dagaalka ee Bacal Hubal, kaasoo dhowri jiray qadarka siyaasadda magaalada. Marka ay dhibaatooyinku jiraan duqaytida magaaladu waxay la tashan jireen isaga iyagoo sanamka hortiisa ku qori tuuran jiray isla markaasna halkaas ka akhrisan jiray waxa ay jawaabta mustaqbalku noqon doonto. (Rogerson, The Prophet Muhammad - A Biography [HiddenSpring, An Imprint of Pauline Press, Mahwah, NJ 2003], p. 15; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Iyo:

Muuqaalka Hubal oo ahaa ilaaha dagaalka ee Suuriyaanka loo kaashan jiray oo kale, ayaa Qurayshina ay sanamkan hortiisa uugu hor qorituuran jireen. (Ibid., p. 190; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Difaacaha Masiixiyadda ee John Gilchrist wuxuu sheegayaa:

Qarnigii lixaad Masiixa dabadiis, Maka (afka Carabiga waxa loogu dhawaaqaa Makkah) waxay ay ahayd meel ay adagtahay in dunida dibaddu aqoonsato laakiinse waxay Carabta u ahayd xarun diimeed iyo mid gancasiba. Inkastoo Carabtu ay ahaayeen dad kala qaybsan, oo u kala jajaban qabiilooyin hadiyo goor dagaallama, magaaladu waxay kulmin jirtay dad badan oo waxkastaaba ha jiraane dadka waxa farxad gelin jirtay isu imaatinkaas sannadkiiba hal ka mar ah. Waxa diiradda la saari jiray Kacbada, iyadoo ahayd meel muqaddas ah oo magaalada dhexdeeda ah isla markaasna ay yaallaan in ka badan saddex boqol oo sanam, ka uugu sarreeyay sanamyadaasina wuxuu ahaa Hubal (laga yaabaa in lagasoo kexeeyay ilaaha sare ee Bacal, oo Baybalka dhexdiisa badanaa lagu sheego inuu ahaa ilaaha ay caabudi jireen ummadaha ku hareeraysnaa Israa’iil). Qabiilooyinka kala duwani waxay isugu iman jireen Maka si ay u caabudaan ilaahyadooda oo ay isugu yimaaddaan munaasabadahaas siyaarada ah. Carabtu wakhtiyadii hore waxay xiisayn jireen gabayada iyadoo markaasna shucara badan oo Carab ahi ay ku tartami jireen munaasabadahaas. (John Gilchrist, Muhammad and the Religion of Islam, p. 11; online edition)

Marka xigta waxaan ku laabanaynaa Kitaabka Quduuska ah si aan u tusino in quruumaha lagu xusay Sabuurka 83, iyo sidoo kale ilaha Muslimka, sida reer Edoom, Suuriyaanka, reer Camaalaq, reer Moo’aab iyo reer Midyan, dhammaantood inay caabudi jireen Bacal:

“Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab, waayo, dadkii bay ugu yeedheen allabaryadii ilaahyadooda, markaasay dadkii wax cuneen, oo waxay u sujuudeen ilaahyadoodii. Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil. Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Dadka madaxdiisa oo dhan soo wado oo maalin cad ku deldel Rabbiga hortiisa in cadhadii kululayd oo Rabbigu ay ka soo noqoto reer binu Israa'iil. Kolkaasaa Muuse wuxuu xaakinnadii reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinka mid waluba ha dilo nimankiisii Bacal Fecoor isku daray.” Tirintii 25:1-5.

“Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah. Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood. Oo markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil u kiciyey badbaadiye, kaasoo badbaadiyey, oo wuxuu ahaa Cotnii'eel ina Qenas oo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa. Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaalna buu u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.” (Xaakinnadii 3:7-10).

“Markaasaa reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliim, iyo Cashtarot, iyo ilaahyadii Suuriya, iyo ilaahyadii Siidoon, iyo ilaahyadii Moo'aab, iyo ilaahyadii reer Cammoon, iyo ilaahyadii reer Falastiin, oo Rabbiga way ka tageen, umana ay adeegin.” Xaakinnadii 10:6.

“Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba… Suuriya, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq, iyo dhicii uu boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser ina Rexob ka helay.” 2 Samuu’eel 8:6, 12

“Oo waagaas Rabbigu wuxuu bilaabay inuu dalka Yahuudah ku soo diro Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah…sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah. Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman. Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. Oo isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba. Markaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen. Oo waagaas Resiin oo ahaa boqorkii reer Suuriya wuxuu Suuriya u soo celiyey Eelat, oo Yuhuuddiina wuu ka eryay Eelat, markaasay reer Suuriya Eelat yimaadeen, oo ilaa maantana way deggan yihiin. Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglat Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay. Oo Aaxaas wuxuu qaaday lacagtii iyo dahabkii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorkaba, oo wuxuu hadiyad ahaan ugu diray boqorkii Ashuur. Oo boqorkii Ashuurna wuu maqlay; markaasaa boqorkii Ashuur Dimishaq ku kacay oo qabsaday, oo dadkiina maxaabiis ahaan buu Qiir ugu kaxaystay, oo Resiinna wuu dilay.” 2 Boqorradii 15:37, 16:1-9

" Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah. oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen. Oo waxaa reer Daa'uud loo soo sheegay war leh, Suuriya waxay xidhiidh la yeelatay reer Efrayim. Markaasaa qalbigiisii iyo qalbigii dadkiisuba waxay u ruxmadeen sida geedaha duurka dabayshu u ruxdo oo kale. Markaasaa Rabbigu wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Adiga iyo wiilkaaga She'aar Yaashuubba taga oo waxaad Aaxaas uga hor tagtaan meeshuu biyomareenka balliga sare ku dhammaado kaasoo ku dhex yaal waddada berrinka dharmaydhaha, Oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Digtoonow oo xasilloonow, ha cabsan, hana qalbi jabin labadan qori ee dabka ah ee qiiqaya aawadood, ha ka welwelin cadhada kulul oo Resiin iyo Suuriya, iyo tan ina Remalyaah toona. Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena aynu dalka Yahuudah ku kacnee oo dhibnee, aynuna jabsanno, oo dhexdiisa boqor fadhiisiinno, kaasoo ah ina Taabeel, taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto. Waayo, Suuriya madaxeedu waa Dimishaq, oo Dimishaq madaxeeduna waa Resiin, oo reer Efrayimna waxay ku kala jajabi doonaan muddo ah shan iyo lixdan sannadood si aanay innaba dad u sii ahaan, Oo reer Efrayim madaxoodu waa Samaariya, oo Samaariya madaxeeduna waa ina Remalyaah." Ishacyaah 7:1-9

Aayadahani iyana sidoo kale waxay tusinayaan in farcankii Ceesaw, reer Edoom, ay degeen Suuriya. Reer Camaalaq sidoo kale iyana waxay ahaayeen farcanka Ceesaw:

“Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd…Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas, ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah…Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii. Kuwanuna waa wiilashii Seciir, kii reer Xor, oo ahaa kuwii dhulka degganaa, Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. Kuwanu waa ugaasyadii reer Xor, oo ahaa ilma Seciir oo degganaa dhulkii Edom.” Bilowgii 36:12, 15-16, 19-21.

" Oo kuwan magacyadooda la qoray waxay dalka soo galeen waagii boqorkii reer Yahuudah, oo Xisqiyaah ahaa, oo waxay dumiyeen teendhooyinkoodii oo laayeen reer Mecuuniimkii halkaas laga helay, dhammaantoodna way wada baabi'iyeen, ilaa maantadan la joogo, oo meeshoodii bay degeen, maxaa yeelay, meeshaasu waxay lahayd daaq ay idahoodu daaqaan. Oo iyaga qaarkood oo ahaa reer Simecoon oo tiradoodu ahayd shan boqol oo nin waxay tageen Buur Seciir, oo waxaa saraakiil u ahaa Felatyaah, iyo Necaryaah, iyo Refaayaah, iyo Cusii'eel oo wada ahaa wiilashii Yishcii. Oo waxay soo laayeen kuwii reer Camaaleq ka hadhay oo baxsaday, oo halkaasay deggan yihiin ilaa maantadan la joogo.." 1 Taariikhdii 4:41-43

Middani waxay ka dhigantahay iyadoo dhammaan quruumahani ay caabudi jireen ilaahii beenta ahaa ee Bacal.

Imikana aynu soo koobno xogta:

    • Sida Kitaabka Quduuska ahi sheegayo, ilma Ismaaciil may caabudi jirin Ilaaha ah Yahweh.

    • Quruumaha ay is bahaysiga la lahaayeen ee caabudi jiray Bacal waxay tusinaysaa inay iyana caabudi jireen ilaaha beenta ah ee Bacal.

    • Tixraacyada Muslimka iyo kuwa aan Muslimka ahayniba waxay sheegayaan in Hubal loo aqaansanaa ilaaha uugu sarreeya ee Kacbada.

  1. Muxammad awowgiis wuxuu caabudi jiray Hubal, sidoo kalena wuxuu Allaah baryay isagoo u jeedsanaya xagga sanamka Hubal.

  2. Ilaha Muslimku waxay tilmaamayaan in Hubal Maka looga keenay xagga Suuriya iyadoo sababtuna ahayd saamaynta reer Moo’aab iyo reer Camaalaq.

  3. Quruumahani waxay caabudi jireen Bacal taasoo ka tarjumaysa in Hubal uu yahay Ha Baal ama Bacal oo Cibraani ah isla markaasna la Carabiyeeyay.

Waxyaalaha aan kor kusoo xusnay waxay dhaawacaysaa waxyaalaha ay Muslimku sheeganayaan ee ah in Allaahii Islaamka hortiis uu ahaa Ilaahii Ibraahim. Sheegashada ah iyadoo Islaamka hortiis reer Ismaaciil ay caabudi jireen isla Ilaahaas maaha mid waafiqi karta waxa uu Sabuurka sida cad u sheegayo oo ah, in iyaga iyo quruumaha kalee jaahilka ahiba, ay ahaayeen kuwo neceb Ilaaha ah Yahweh iyo axdigiisa uu la dhigtay reer bani Israa’iil. Caddaynta Allaah ku xidhiidhinaysa Hubal iyana sidan ayay ka markhaati kacaysaa. Haddaba, haddii waxyaalaha Islaamkku sheeganayaan ee ah in Carabtii Maka ay yihiin ilma Ismaaciil aanay sax ahayn, markaas ilaaha Maka, oo ah Allaahii Carabta ee Islaamka hortiis, waxa weeyi hubaashii uu yahay ilaaha beenta ah ee Bacal.

Waxa arrintan xiiso usii yeelayaayi waa iyadoo mid ka mida culimada danbe ee Islaamku uu barayo in Hubal uu ahaa magaca ilaaha dayaxa:

Sanamyada badan ee Carabtu ay ku caabudi jireen Kacbada iyo hareereheeda waxa ka mid ahaa Hubal iyo saddexda ilaahadood Al-laat, al-Cuzza, iyo Manaat. Hubal asal ahaan wuxuu ahaa ilaah dayax, waxa kaloo laga yaabaa inuu ahaa ilaah roobaad, sida hubal oo ka dhigan “uumi.” Al-lat isna waxa laga yaabaa inuu ahaa Allaah oo dheddig ah, taasoo macneheedu yahay ilaahadda…

Iyagoo Carabtu qiri jiray Allaah, oo afka Carabiga ku ah “Ilaaha,” inuu yahay ilaah sarreeya, haddana isaga may caabudi jirin, sidoo kalena noloshooda door wax ku oola kumuu lahayn… (Mahmoud M. Ayoub, Islam: Faith and History [Oneworld Publications, Oxford England, 2004], p. 15)

Faallada Ayoub ee ah in Carabtu aanay caabudi jirin Allaah waxay tusinaysaa iyadoo ay u arkayeen in Allaah uu yahay mid iyaga ka fog oo markaasna aanu nolol maalmeedkooda wax xiisaha u haynin iskuna mashquulinaynin. Hase ahaatee, sidoo kale iyana waxa la fahmi karaa in Carabtuna xaggooda aanay wax xiiso ah u haynin Allaah, marka la barbar dhigo sida ay u caabudaan Hubal, taasoo ka dhigan inuu Allaah ka muhiimad yaraa Hubal. Tani waxay ka dhigantahay in Allaah aan loo qadarin jirin ilaaha uugu sarreeya, waxay liddi ku tahay waxyaalaha Ayoub sheeganayo. Waxa kaloo iyana muhiim ah, haddii Allaah uu ahaa magac uu Hubal leeyahay markaas tani waxay la macno tahay in Allaah uu dabcan ahaa magac uu lahaa ilaaha dayaxu Islaamka hortiis.

Xaalku sidoo doonaba ha ahaadee, xogtu waxay ina tusinaysaa gunaanad aan laga baxsan karin oo ah in reer Ismaaciil iyo Carabtii Makiba aanay caabudi jirin Yahweh, taasina waxay beeninaysaa Qur’aanku waxyaalaha uu sheegayo oo ah in farcankii Ismaaciil ay caabudi jireen Ilaaha runta ah, inkastoo ay ahaayeen kuwo caabuda ilaahyo kaloo sanamyo ah. Waxa laga yaabaa inay dhici kartay iyagoo wakhtiyadii hore ee taariikhda ay ilma Ismaaciil caabudi jireen Yahweh, laakiin wakhti danbe ay Ilaahii runta ahaa uuga tegeen ilaah beena awgiis.

Falaqaynta Caddaynta Tusinaysa in Hubal uu ahaa ilaah ka duwan Allaah

Aayadahan ka midka ah Qur’aanku waxay u muuqataa inay su’aalayaan haddii Hubal uu yahyay Allaah.

Ma waxaad baryeysaan Bacli (sanam) ood ka tegaysaan Eebbaha abuurka wanaajiya. Ee ah Eebihiinna iyo Eebaha aabbayaalkiinii hore. Suuradda 37-125-126.

Sida halkan ka muuqata, Qur’aanku wuxuu Allaah ka gaar yeelayaa Bacal iyadoo u muuqata inaanay ahayn kuwo isku mid ah. Labo jawaabood ayaa kala danbeeya. Ugu horreyn, inkastoo nasku uu Bacal ka soocayo Allaah, waxba kama odhanayo Hubal. Run ahaantiina, ereyga Hubal marnaba Qur’aanka kama dhex muuqanayo. Waxay markaas u muuqataa iyadoo cidda Qur’aanka lihi aanay ku baraarugsanayn in Hubal iyo Bacal ay ahaayeen kuwo isku mid ah. Macnaha ku hareeraysan ayaad mooddaa inuu arrintan taageerayo:

Ilyaasna wuxuu ka mid ahaa rasuullada. Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhowrsaneyn (Eebbe ka yaabayn). Ma waxaad baryeysaan Bacli (sanam) ood ka tegaysaan Eebbaha abuurka wanaajiya. Ee ah Eebihiinna iyo Eebaha aabbayaalkiinii hore. Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (cadaab). Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay la kulmi khayr). Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah). Nabad gelyo ha ahaato Ilyaas korkiisa. Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala. Wuxuu ka midyahay adoomadanada mu’miniinta ah. Suuradda 37: 123-132. Tarjumaadda Qur’aanka ee afka Soomaaliga.

Maadaama oo ay arrintani ku saabsan tahay wakhtigii Eliyaas, waxay u muuqataa inay ahayd markuu nebiyadii Bacal kula dul murmaayay buurta guudkeeda (1 Boqorrada 18), waxa laga yaabaa in Qur’aanka cidda lihi aanay ku baraarugsanayn in Bacalka wakhtigii Eliyaas aanu ahayn mid ka gedisan Hubalka lagu caabudi jiray Maka. Marka labaad, waxaan diiradda saaraynaa cidda uu ahaa Allaahii Islaamka hortiis, kan ay jaahiliintu caabudi jireen Islaamka hortiis. Haddaba, waxa xoogaa suurto gal ah in saamayntii Muxammad awgeed Allaah laga bedelay ilaaha jaahilka ee ugu sarreeya isla markaasna laga dhigay Ilaah caalamka ee runta ah oo ay caabudayeen Yuhuudda iyo Masiixiyiintu. Si kale haddaan u nidhaahno, Muxammad wuxuu isku dayay inuu Allaah ku kobo mid ka duwan sanamyada ay ka midka yihiin Hubal/Bacal, iyadoo markaasna Allaaha Islaamka hortiisa laga nadiifinayo dhammaanba waxyaalaha ku tacaluqa jaahiliga. Eeg xigashooyinka kor aan kusoo dhaafnay ee lagasoo qaatay Dr. Jamaal Badawi oo isla sidan oo kale odhanaysa.

Muxammad isla sidan oo kale wuxuu ku sameeyay ereyga Raxmaan. Reer Maka waxa dib looga celiyay adeegsiga magacan waxaanay u maleeyeen in Muxammad uu ka hadlaayay ilaah ka gooni ah Allaah:

Saasaan kuugu dirray ummad ay tageen ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu waxyoonay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebaha Raxmaana, waxaad dhahdaa Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, isagaana tala saartay xaggiisana u noqon. Suuradda 13:30. Tarjumaadda Qur’aanka ee afka Soomaaliga.

Markay ku arkaan kuwii gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi ilaahyihiinna iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebbaha Raxmaana… waxaad dhahdaa yaa idinka ilaalin habeen iyo dharaarba Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan xusidda Eebehood. Suuradda 21:36, 42. Tarjumaadda Qur’aanka ee afka Soomaaliga.

Waana Eebaha ku abuuray samooyinka iyo dhulka wax u dhexeeya lix maalmood, kuna istawooday carshiga (si u cuntanta), ee warso cid wax og. Marka la dhaho u sujuuda (Eebaha) Raxmaan ah waxay dhahaan muxuu yahay Raxmaan, ma waxaan u sujuudeynaa waxaad na farayso, wuxuuna u kordhiyay carar. Suuradda 25:59-60. Tarjumaadda Qur’aanka ee afka Soomaaliga.

Ibn Kathir wuxuu leeyahay:

Intaas dabadeed Allaah wuxuu canaananayaa mushrikiinta u sujuuda sanamyada halkii ay Allaah uuga sujuudi lahaayeen…

(Markii iyaga lagu yidhi: “U sujuuda Eebaha Raxmaana!” waxay dhahaan: “muxuu yahay Raxmaan?”).

Macneheedu waa: ma garanayno Raxmaanka. May rabin inay Allaah uugu yeedhaan magaciisa ar-Raxmaan (Kan Naxariista), sidii ay u diideen maalintii Xudaybiya oo kale, markii Nebigu u sheegay karraanigii…

((Qor: "Bismillaahi (magaca Eebe), Ar-Raxmaani (Kan si guud u naxariista), Ar-Raxiim (Kan sida gaara u naxariista)."))

Waxay dhaheen, "Garan mayno Ar-Raxmaan iyo Ar-Raxiim toona. Qor waxaad qori jirtay: ‘Bismika Allahumma (magacaaga, Eebbow).’" Sidaas darteed Allaah wuxuu soo dejiyay…

<Waxaad dhahdaa: "ku barya llaah ama ku barya Raxmaan, wax kasta ood ku baridaan (waa isku mid), wuxuu leeyahay magacyo fiican"> (suuradda 17:110).

Macneheedu waxa weeyi, isagu waa Allaah waana Raxmaanka naxariista guud leh. Aayaddan dhexdeedana Allaah wuxuu ku yidhi….

<Marka la dhaho: "u sujuuda Eebaha Raxmaana!" waxay dhahaan: "Muxuu yahay Raxmaan?">

Macneheedu wuxuu yahay: ma garanayno ama ma qirsanin magacan. (Tafsir Ibn Kathir (Abridged) Volume 7 (Surat An-Nur to Surat Al-Ahzab, Verse 50), waxa soo koobay koox culimo ah oo uu kormeere u yahay Shaykh Safiur-Rahman Al-Mubarakpuri [Darussalam Publishers & Distributors, Riyadh, Houston, New York, London, Lahore; First Edition: August 2000], p. 192)

Isagoo fasiraya aayadda 17:110, Ibnu Kathir wuxuu qorayaa:

Allaah wuxuu leeyahay...

<Say> O Muhammad, to these idolators who deny that Allah possesses the attribute of mercy and refuse to call Him Ar-Rahman ...

ku dheh Muxammadow, mushrikiintan diidaya inuu Ilaah ku sifoobay raxmadda ama diidaya inay uugu yeedhaan isaga Ar-raxmaan.

<Waxaad dhahdaa: "ku barya llaah ama ku barya Raxmaan, wax kasta ood ku baridaan (waa isku mid), wuxuu leeyahay magacyo fiican">

Macneheedu waxa weeyi, ma jiro farqi u dhexeeya in isaga loogu yeedho Allaah ama ar-Raxmaan, maxaa yeelay isagu wuxuu leeyahay magacyada uugu fiican…

Makhul wuxuu warinayaa in mid ka mida mushrikiintu uu maqlay Nebigoo isagoo sujuudsan leh: “Ilaaha Raxmaanka ahow, Ilaaha Raxiimka ahow.” Mushriggii markaas wuxuu yidhi, wuxuu sheegtaa inuu Ilaah qudha baryo, laakiin wuxuu baryayaa labo! Dabeetana Ilaah wuxuu soo dejiyay aayaddan. Waxa iyana sidan warinaya Ibnu Cabbaas, oo kasoo warinaya Ibnu Jariir. (Tafsir Ibn Kathir (Abridged) Volume 6 (Surat Al-Isra’, aayadda 39 ilaa iyo dhammaadka Surat Al-Mu’minun), First edition, July 2000, pp. 104-105; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Arrinta ku saabsan heshiiskii Xudaybiyah, Ibnu Kathiir wuxuu leeyahay:

<Qor: Bismillaahi, Ar-Raxmaan, Ar-Raxiim.> Suhayl binu Camr ayaa yidhi, ‘Ar-Raxmaan, Ilaahbaan ku dhaartee, GARAN MAAYO WAXA AY UTAAGANTAHAY. Markaa qor: Magacaaga Eebbow, sidaad horeba uugu qori jirtay.’ Muslimiintii waxay yidhaahdeen, ‘Ilaahbaan ku dhaaranee, qori mayno waxaan ka ahayn: Bimillaahi, , Ar-Raxmaan, Ar-Raxiim.’ Nebiguna wuxuu yidhi, <Qor: "Magacaaga Eebbow.''’ (Tafsir Ibn Kathir (Abridged) Volume 9 (Surat Al-Jathiyah ilaa dhammaadka Surat Al-Munafiqun), First edition, September, 2000, p. 163; online edition; madoobaynta farta annagaa leh).

Sida ilaha qaar ay sheegayaan Raxmaan waxa loo adeegsaday magac ah ilaah jaahili ah:

Nöldeke wuxuu u malaynayaa in Muxammad uu ka shaki qabay magaca uu u dooran lahaa kan uugu sarreeya isagoo markaasna ku fikiray in Ar-Raxmaan, Ilaaha naxariista badan, uu yahay magaca ku habboon Ilaah ee bedeli kara Allaah, waayo magacani wuxuu noqday mid lagu gafo. Raxmaana waxa uu ahaa magaca ay Cibraaniyuuntu door bidi jireen inay uugu yeedhaan Ilaah xilligii Talmuudka, waxaana adeegsan jiray Yuhuuddii ku dhex noolayd Carabta. Allaah waxa sidoo kale lagu sheega dhismayaasha taariikhiga ah ee Masiixiyiinta isla markaasna uu Dr. Edward Glaser ka helay waddanka Yemen. Qorniinka Sirwaah (C.D. 542) wuxuu ku bilaabmayaa ereyada ah: “Awoodda Kan naxariista badan iyo Masiixiisa iyo Ruuxa Quduuska ah,” taasoo tusinaysa, in ugu yaraan Yemen dhexdeeda, Carabtii Masiixiyiinta ahaa wax qalad ahi kamuu gali jirin shakhsiyaadka Saddexmidnimada. Erey kale oo badanaa loo adeegsaday Allaah dib ayaan ku diraasayn doonnaa. Waxa weeyi ereyga As-Samad (Daa’imka), waxaanu u muuqda mid asalkiisu uu la mid yahay Samuud, oo ahaa magaca sanam ay lahaayeen qabiilka Caad sida lagu sheegay gabayga Yaziid bin Sacad. Hubal, oo ahaa sanamka uuga sarreeya Kacbada (kan uu Dozy ku tilmaamayo Bacal), waxa lala yaabi karaa, isaga oon Qur’aanka lagu dhex xusin. Waxa laga yaabaa wakhtigaas isaga ah in reer Maka ay ku magacaabi jireen Allaah. Waxay tani noqonaysaa sharraxaadda mawduucan uu Muxammad ka aamusay. (Samuel Zwemer, The Moslem Doctrine of God, pp. 27-28; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Sanamyada kale ee laga helayay jasiirad-lamoodda Carabta waxa ka mid ahaa al-Raxmaan iyo al-Xajar al-Aswad. Al-Raxmaan wuxuu ahaa magaca sanam qadiimi ah laga helayay koonfurta Carabta. Muxammad wuxuu Qur’aanka dhexdiisa ku dhex deegsaday magaca ilaahan, oo macnihiisu yahay “naxariistaha,” tiro dhan 169 jeer. Marka laga reebo ereyga Allaah, waxa uu magacani Qur’aanka dhexdiisa kaga badanyahay magacyada kalee lagu sifeeyo Allaah oo dhan. (George Braswell, Islam, p. 44; hoos ka xarriiqista annagaa leh).

Al-Raxmaan
Wuxuu ahaa magaca sanam qadiimi ah oo laga helayay koonfurta Carabta. Waxa la sheegaa in Muxammad uu magacan u doortay inuu u adeegsado “Allaah.” Wuxuu Qur’aanka dhexdiisa ku adeegsanayaa 169 jeer. Marka laga reebo magaca “Allaah”, wuxuu magaca “Al-Raxmaan” si ka badan magacyada kale uuga muuqanayaa Qur’aanka maxaa yeelay Yuhuudda iyo Masiixiyiintuba waxay magacan u aqbaleen magaca loogu yeedhi karo ee ku habboon Allaah. Raxmaana wuxuu ahaa magaca ay Cibraaniyiintu Talmuudka dhexdiisa uugu yeedhaan Ilaah isla markaasna waxa adeegsan jiray Yuhuuddii Carabta. Sidoo kale Masiixiyiintii ku sugnaa dhulka Carabtu waxay magaca “Raxmaan” u adeegsadeen tilmaamitaanka Ilaaha Kitaabka Quduuska ah. Qoraal qadiimi ah oo ahaa Islaamka hortiis isla markaasna laga helay Yeman C.D. 542 wuxuu ku bilaabmayaa ereyada ah: “Awoodda Kan naxariista badan iyo Masiixiisa iyo Ruuxa Quduuska ah.” Matxafka ama carwada Qibdiga ee ku taalla Masar, waxa iyana laga helayaa qoraallo sidaas oo kale. (Reach Out to the Muslim World, Vol. 6, No. 3&4 [Horizons International, Box 18478, Boulder, Co. 80308-1478; 1993], p. 8)

Sanamyada kale ee laga helayay jasiirad-lamoodda Carabta waxa ka mid ahaa al-Raxmaan iyo al-Xajar al-Aswad. Al-Raxmaan wuxuu ahaa magaca sanam qadiimi ah laga helayay koonfurta Carabta. Muxammad wuxuu Qur’aanka dhexdiisa ku dhex deegsaday magaca ilaahan, oo macnihiisu yahay “naxariistaha,” tiro dhan 169 jeer. (Islam and Christianity - Part 4)

Ereyga Raxman-an muhiimad gaara ayuu leehay sababtuna waa isagoo dhiggiisa woqooyiga, al-Raxmaan, wuxuu noqday sifo lagu tilmaamo Allaah iyo mid kamida magacyadiisa ku dhex xusan Qur’aanka iyo sidoo kale fiqiga Islaamka. Suuradda 19 waxa aad uugu badan adeegsiga magaca Al-Raxmaan. Inkastoo qoraallada loogu adeegsaday magaca Ilaaha Masiixiyiinta, hadana magacan waxa lagasoo ammaanaystay sanamyo wakhtiyadii hore ku sugnaa Koonfurta Carabta. Al-Raxiim (Kan sida gaarka ah u naxariista) sidoo kale isna wuxuu kusoo aroorayaa qoraalladii reer Saba’ ee Islaamka hortiis isagoo ah magac ilaah (RHM). Qorniin kale oo ka ahaaday xagga Koonfurta Carabta ayaa isna adeegsanaya ereyga kufr wuxuuna tusinayaa macnaha u shariik yeelista. Sidoo kale isla qoraalkan oo xagga woqooyiga Carabta ah ayaa isna adeegsanaya macnahan oo kale KFR oo ka dhigan iimaan darro. (Hitti, History of Islam, p. 105)

Xaqiiqadu waxay tahay in magaca uugu badan ee loo adeegsado Allaah, oo ah ar-Raxmaan (kan naxariista), wuxuu ahaa mid Koonfurta Carabta si fiican looga yaqaannay imaatinkii Islaamka hortiis, macnihiisuna wuxuu ka dhignaa ilaah-dayaxeed. Magacani wuxuu ahaa mid uu Muxammad ku wareeray marar badan una adeegsaday beddelka magaca ‘Allaah’. Qur’aanku wuxuu marar badan adeegsanayaa magaca ar-Raxmaan, tusaale ahaan suuradda 43:19, tarjumayaashu waxay dib uugu magacaabeen Ilaah ama Allaah, maxaa yeelay, sidii Muxammad oo kale, waxay u arkeen inaanu jirin farqi u dhexeeya labadan magac ee Koonfurta Carabta ka ahaa ilaah-dayaxeedyo.

Magaca ar-Raxmaan waxa hore u isticmaalay nebiyo dhowra oo Carab ah Muxammad hortiis, waxayna u muuqataa in ilaahan muhiimad is shabahda lahaa, haddii aanay isku mid ahaynba, si la mida Allaah maqaamka uu tagnaa Maka oo kale. Sidaas darteed ma aqbali karno in Allaah laga dhigo isagoo ah Ilaaha Sarreeya ee kitaabiga ah, mana aha wax ka sarreeya ilaaha sare ee Aasiyaanka ee Ahura Mazda ama Norse Odin. (The Nature of Islam: The Beginning)

Qur’aanku siduu sheegayo, ‘Allaah’ waa mid keliya mana jiro ilaah kale oo isaga lala xidhiidhin karo. Fikirka noocan oo kale ah waxa badanaa laga dhaqan geliyay ilaah-dayaxii Koonfurta Carabta ar-Raxmaan (Kan naxariista), kaasoo mar danbe ay magaciisa adeegsadeen Muslimku isagoo ah ka dhigan magaca loo adeegsanayo ‘Allaah’. C. C. Torrey wuxuu leeyahay:

Qoraallada Koonfurta Carabtu waxay iftiimiyeen arrin middan la mid ah. Meelo badan waxa lagu sheegay Ilaah, oo lagu magacaabay ‘Raxmaanka’ (Naxariista). Xusuusaha taariikhiga ah ee laga helayo Matxafka Ingiriiska…gaar ahaan kuwo cajiib leh. Waxa aan si cad uuga arkaynaa caqiidooyinka ilaahiga ah ee denbi dhaafka, aqbalitaanka qurbaanka, farqiga u dhexeeya dunidan iyo aakhiro, iyo inay shar tahay haddii ilaahyo kalae lala lammaaneeyo Raxmaanka. (What is Islam? Part III.)