Jacaylka Ilaah ee Ku Sugan Kitaabka Quduuska ah iyo Qur'aanka

Maqaalkan af Ingriisiga ah

John Gilchrist

JACAYLKA ILAAH EE KU SUGAN KITAABKA QUDUUSKA AH IYO QUR’AANKA
1. Qaynuunka ugu Horreeya uuguna Weyn
2. Jacaylka Ilaah ee ku Sugan Qur’aanka
3. Aabbonimada Ilaah ee Ku Sugan Kitaabka Quduuska ah
4. Jacaylka Ilaah ee Lagu Muujiyay Ciise Masiix
5. Jacaylka Ilaah oo Lagu Ogaado Ruuxa Quduuska ah

Jacaylka Ilaah ee Ku Sugan Kitaabka Quduuska ah iyo Qur’aanka

" On waa inaad xajisaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah inaad jidadkiisa ku socotaan oo aad isaga ka cabsataan"(Sharciga Kunoqoshadiisa 8:6).

Muuse ayaa ereyadan kula reer bini Israa’iil ka hor intii aanu dhimannin. Uma baahnin in aan iyaga la yaabno maxaa yeelay Ilaaha Khaaliqa ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu makhluuqaadkiisa ka dalbado inay addeecaan sharcigiisa iyo amarradiisa. Waxay haddaba masuuliyad weyni innaga saarantahay inaan dhowrno qaynuunnada Ilaah haddii aynu sidaas yeeli weynana waxaynu nahay kuwo galabsanaya cadhadiisa. Sida addoonka looga rabo inuu sayidkiisa u addeeco oo kale, waxa dadka oo dhan waajib ku ah inay Ilaah ka cabsadaan oo dhowraan amarradiisa (Sharciga Kunoqoshadiisa 12:13). Haddaynu haddaba is weydiin lahayn, waa kee kan uugu weyn amarrada Eebbe, maxay jawaabtu noqon doontaa? Ma waxay si fudud u tahay inaan Ilaah midnimadiisa rumaysanno oo sidoo kalena aan qabanno waajibaadka uu ina faray? Mise waxa la inaga rabaa waajib intaas ka sarreeya? Si aan u aragno haddii uu jiro waajib intaas ka weyn oo Ilaah innaga rabo isla markaasna aan ahayn oo keliya inaan dhowrno sharciyada, aynu markale maqalno Muuse.

" Bal maxaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka doonayaa, inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga jeclaataan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan". Sharciga Kunoqoshadiisa10:12

Markale waxa la inagu amray inaan Ilaah u adeegno laakiinse amarka imika waxa ku darsamay wax kale oo cusub. Waxa laga dhex helayaa saddexdan erey: “aad isaga jeclaataan”. Farqiga waxa haddaba sameeyay saddexdan erey waxaana weeyi iyadoon Ilaah loogu adeegin in la qabto waxyaalaha uu inagu faral yeelay, laakiinse waxa muuqata iyadoo ay tahay sida ay qalbiyadeennu isaga uuga hadlaan. Muuse wuxuu dadkiisa si cad uugu tilmaamay in kaasu yahay adeegitaanka Ilaah dadka uu ka rabo. Waxa uu rabaa ugu horraynta haddaba maaha waajibaadkan. Adeegga keliya ee uu dadka ka aqbalayaana waxa weeyi kan ka imanaya jacaylka kasoo unkamaya xagga qalbiga. Muuse ereyadiisii ugu danbeeyay ee uu reer bini-Israa’iil kula hadlayna wuxuu in badan ku celcelinayaa xaqiiqadan iyada ah:

" Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad jeclaataan Rabbiga Ilaahiinna ah ". Sharciga Kunoqoshadiisa11:1

" Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan ". Sharciga Kunoqoshadiisa 11:13

Haddaba, waxa indhihiisa aad muhiim uugu hor ah in aan Ilaah uugu adeegno jacayl iyo in waxkasta oo la inaga rabo inaan samayno uu ahaado mid lagu saleeyo jacayl isaga loo qabo.

1. Qaynuunka ugu Horreeya uuguna Weyn

Qarniyo dabadood waxa Ciise Masiix u yimid mid ka mida culumada Yuhuudda isagoo markaas weydiinaya su’aal uu ku jarribayo siduu u fasirayo sharciga haddii ay tahay mid waafaqsan fikirrada ay haystaan culimada Yuhuuddu:

" Macallimow. qaynuunkee baa sharciga uga weyn?" Matayos 22:36

Yuhuuddu waxay si aada u barteen sharciyada Ilaah oo ninkani wuxuu damcay inuu Ciise tijaabiyo isagoo rabo inuu eego sida uu su’aashan uuga jawaabo. Marqudha ayaa Ciise wuxuu yidhi:

" Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan. Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya." Matayos 22:37-38

Qaynuunka ah in Ilaah la jeclaado ayaa haddaba ah ka uugu weyn ee ugu sarreeya qaynuunnadiisa oo dhan. Dhammaanba qaynuunnada kale iyo waxbarista nebiyadu waxay isugu wada imanayaan qaynuunkan ah inaan Ilaah qalbiyadeenna oo dhan ka jeclaanno. Ma jiro qaynuun kale oo si daacidnimo leh loo dhowri karo haddii aan lagu dhawrin jacayl.

Si kastaba ha ahaatee, waa maxay jacayl? Ma waxaynu odhan karnaa dadaalkeenna aan ku addeecayno sharciyada Ilaah wuxuu innaga dhigayaa kuwo isaga jecel? Addeecitaankaas qaynuunnadiisa la addeecayaa waxa uu asal ahaanba yahay jacayl isaga loo qabo oo la iskuma khilaafi karo. Maxaa yeelay qof qaynuunnada Ilaah aan addeecin oo isaga jeceli ma jiro. Haddaba, waajibaadka diinta oo la fuliyaa maaha mid caddayn karaya jiritaanka jacayl. Dadka isku daya inay Ilaah u adeegaan waxa laga yaabaa inay sidaas ku sameeyaan cabsi, kibir ama abaalmarin la filayo. Haddaba, jacaylka ujeeddadiisu maaha adeegitaanka sidaas ah. Waxa weeyi inaan Ilaah u adeegno oo addeecno haddii aan isaga jecelnahay, laakiin adeegitaankani waa inuu ku yimaaddo jacayl oo jacaylku jiheeyo. Mid kamida xertii Ciise uugu dhowaa oo ahaa Rasuul Yooxanaa, wuxuu u dhigayaa sidan:

" Tanu waa jacayl inaynu amarradiisa ku soconno. Amarkiina waa kan, waana sidaad tan iyo bilowgii u maqli jirteen inaad ku socotaan." 2 Yooxanaa 6

Waxa jirta arran qoto dheer oo xooggan isla markaasna ku saabsan addeecitaanka kasoo unkamaya jacaylka. Marka aynu baarno waxyaabaha ugu muhiimsan ee jaccaylka, waxaynu helaynaa waxyaabo lagama maarmaan u ah oo looga baahanyahay jacaylka si uu u noqdo mid si dhaba loogu dhaqmo.

Ugu horrayn, jacaylku waa inuu ahaado run (Rooma 12:9). Waa inuu ahaado muujin si dabiici ahaana uuga imanaysa xagga qalbiga. Waa inay jirto xorriyad dhammaystirani sii jacaylkaas dhab ahaan loogu dhaqmo. Haddii ay qalbiga ku jirto wax cabsi ahi, jacaylka si furan loomasoo bandhigi karo. Cabsida laga qabo ciqaabku waxa ay qofka cabsida qaba ka reebaysaa inuu la yimaaddo jacayl dhab ah. Adeegga uu qofkaasi samaynayaana waxa uu noqonayaa uun mid ujeeddadiisa tahay in lagu yareeyo cadhada qofka loo adeegayo. Jacaylka sidaas ahi, haddaba, kama yimaaddo jacayl laakiin wuxuu ka imanayaa ujeeddo shakhsi ahaaneed. Qofka Ilaah uugu adeegaya isagoon Ilaah ka haysanin damaanad qaas cafis ah isagoo markaasna adeeggan ku raadinaya inuu ku helo cafis, waxa uu qalbigiisa ku haystaa waxa isaga u wanaagsan. Hubaashii kaasi maaha mid Ilaah si runa u jecel waayo jacaylku damac ma laha. Jacaylka ka imanaya qalbigu ma laha wax lammaaneeya. Qofka raba inuu si dhaba u muujiyo jacaylku maaha inuu jacaylkaas ku lammaaneeyo waxyaalo kale.

"Jacaylku baqdin ma leh, laakiin jacaylka kaamilka ahi baqdinta dibadduu u saaraa, waayo, baqdintu ciqaab bay leedahay. Oo kii baqaana kaamil kuma noqdo jacaylka". 1 Yooxanaa 4:18

Haddii qofku uu Ilaah u adeego isla markaasna uu qaynuunnadiisa ku dhowro jacayl dhab ah, qofkaas qalbigiisa kuma jirayso cabsi uu ka qabayo cadhada Ilaah. Sidan ayaa jacaylka ka dhigaysa mid muhiim ah, waayo qofka jacayl Ilaah ugu adeega wuxuu aqoon buuxda u yeelanaya cafiska. Denbi-dhaafkuna waa inuu ahaado mid imika la arko, balse maaha inuu ahaado mid ku xidhan wakhti iman doona oon la hubin.

Haddii qofku aanu hubin inuu Ilaah si buuxda u dhaafay denbiyadisa, iyo haddii aanu ku raaxaysanin xaalad ah cafis ma guuraana, Ilaah si dhaba oo jacayl ku jiro uuguma adeegi karo. Inkastoo qofkaasi uu qirto inuu Ilaah jecelyahay, haddana waxa run isagoo adeegitaankiisa ujeeddadiisu tahay inuu ku helo cafis isla markaasna uu ka baxsado cadhada Ilaah. Jacaylka sidaas ahi, sida aan soo aragnay, muhiimaddiisu waxa weeyi damaacinimo waayo waxa ammaanta Ilaah ka door bidayaa naftiisa. Haddaba, haddii ay tahay inaan Ilaah si runa u jeclaanno, waa inaan ugu horreyn qalbiyadeenna ka aqoonsanno cafiskiisa dhammayska tiran. Waayo si jacaylkeennu dhab u noqdo, waxa shuruud u ah iyadoo nabad dhammaystirani ay inala jirto.

Marka labaad, jacaylku waa inuu dareen lahaado. Haddii camallada jacaylku aanay ka ahaanin qalbiga, qofka wax caabudaya qalbigiisa jacayl kuma jiro. Jacaylku waa meel madhan haddii aanu sida laga rabo isu muujinaynin.

"Carruurtaydiiyey, yaynaan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno". 1 Yooxanaa 3:18

Xagga dadka marka laga eego qaabka muuqda ee dareenkani waxa weeyi mid ku imanaya in qaynuunnada Ilaah qalbiga laga addeeco. Tani waa sidii Ciise xertiisa uugu dhigay habeenkii ugu danbaysay ee uu xertiisa la joogay:

" Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel". Yooxanaa 14:21

Ilaah wax jacayl ah inagama helaayo haddii aynaan dhawrin qaynuunnadiisa. Siday doontaba ha ahaatee, haddii ay doonista Ilaah tahay inaynaan addeecin oo keliya qaynuunnadiisa balse laga rabo inuu jacayl la socdo, waxa markaas asaasi ah in dabeecadda Ilaah uu ku dheehanyahay jacaylkani. Jacaylka aadanuhu Ilaah u muujinayaana waa inuu ahaado mid tan ka jawaab celinaya, waana inay taasi ahaato mid lagu qadarinayo jacaylka Ilaah ee loo muujiyay aadanaha. Haddii dadku ay aqoon u leeyihiin sida iyaga Ilaah taariikhda isugu muujiyay, markaas suurto gal oo keliya maaha laakiinse waxa lagama maarmaan ah in dadku xaqiiqada ay ku qadariyaan jacayl ay u qabaan Ilaah.

Mid ka mida kitaabada ugu wanaagsan Kitaabka Quduuska ah, Gabaygii Sulaymaan, ayaa waxa aynu ka helaynaa tusaalaha fikirkan isaga ah. Kitaabku wuxuu tusinayaa jacaylka ugu qotada dheer ee ay isu qabaan nin iyo aroosaddiisu. Mar uu iyada ka fogaa, waa ay raasiday isaga iyadoo aad uugu baahan, waxaanay saaxiibadeheed ku tidhi:

" Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.". Gabaytii Sulaymaan 5:8

Iyagoo ka yaabban hawshan loo faray ninka ay jeceshahay, saaxiibbadeed waxa ay iyada uugu jawaabeen:

"Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay?" Gabaygii Sulaymaan 5:9

Jawaab dheer oo ay siisay iyaga waxay ku faahfaahisay kan ay jeceshahay wanaaggiisa waxaanay muujisay inay isaga tixgelin tin iyo cidhib uuga hayso. Sida ay iyadu u aragto wuxuu isagu uuga soocanyahay toban kun. Wax xoogaa lala yaabo waxa ahaa iyadoo jacaylka qotada dheer ee ay qabtaayi uu noqday mid kasoo dhex baxay saaxiibadeheeda kale jacaylka ay u qabaan lammaanayaashooda. Wanaaggiisa waxa ay kusoo koobtay ereyadan:

"Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga". Gabaygii Sulaymaan 5:16

Maadaama oo uu sharaf ka mudanyahay raga kale ee dadkeeda waxa ay dabiici ahaan isaga uugu qaadday jacayl ka badan midkan aay saaxiibadeheed u qabaan nimankooda. Iyadoo haddaba middan maanka lagu hayo, waa inay dhab noqoto in kuwa arka jacaylka Ilaah u qabo dadku ay iyaguna kaga jawaab celiyaan jacayl ay isaga u qabaan. Kuwa jacaylka Ilaah ka dhex arka shuqullada dabiicada iyo waxyaalaha badan ee uu inoogu nimceeyay, waxa u suurto geli doonta inay isaga arrintaas jacayl uugaga jawaab celiyaan. Laakiin haddii Ilaah doorto inuu jacaylkiisa dadka uugu muujiyo isagoo naftiisa siiyay inuu iyaga denbiga ka badbaadiyo, ma jiro qof dunida korkeeda jooga oo garan kara baaxadda uu leegyahay jacaylka ay Ilaah u muujinayaan kuwa ka qayb qaata badbaadadani. Markasta oo uu qoto-dheeryahay jacaylka Ilaah u muujiyo dadka, waxa sii qoto dheeraanaya jacaylka ay isaga uugu jawaab celinayaan kuwa isaga rumaysan ee qiimeeya saamaynta jacaylkan.

Marka saddexaad, jacaylku waa inuu ahaado wadaag ama wax is-dhaafsi. Ma jirayo nin qalbigiisa jacayl uugu sii haynaya gabadh aan tixgelinaynin jacaylkaas, guurka dhexdiisana jacaylku waxa uu horumar samayn karaa marka ninka iyo naagtuba ay qadariyaan jacaylkooda. Haddii markaas ay tahay inaan jacayl ku xididaysano jacayl aan isu qabno, waxa lagama maarmaan ah in jacaylkaas sida uugu wanaagsan loo wadaago si uu saamayn u yeesho. Jacaylkan wadaagga ahi wuxuu guusha helayaa oo natiijo ku dhalayaa marka jacayl ka yimaaddo dhinaca kale ee jacaylka lala wadaagayo:

"Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii". Gabaygii Sulaymaan 6:3

Jacaylku waa waxyaalaha waara kan uugu weyn (1 Korintos 13:13). Marka Ilaah dadka ku amray inay isaga ka jeclaadaan qalbiyadooda oo dhan, waxa uu tusinayaa waxyaalaha ugu weyn ee amarradiisa lagu addeeci karo. Waxa uu raadinayaa qaabka cibaado ee ugu wanaagsan ee uu iyaga ka rabo. Laakiin si caabudaaddaasi heerkeeda ugu sarreeya u gaadho, sida loo muujinayo jacaylka u dhexeeya aadanaha iyo Ilaah waa inuu ahaado mid ku salaysan wadaagitaan. Ilaah uma baahna oo keliya inuu muujiyo jacayl u muujiyo dadka, laakiin sidoo kale wuxuu dadka u oggolaadaa inay jacaylkaas si buuxda uuga arkaan qalbiyadooda si jacaylkaas wadaagga ah dhab ahaan loogu muujiyo.

Haddaba, aynu haatan gunaanadkeenna ku saabsan “qaynuunka ugu weyn” ka dhigno iyadoo ay tahay in midkastoo innaga mid ahi Ilaah ka jeclaado qalbigiisa iyo maankiisa oo dhan. Qaynuunkani wuxuu tusinayaa doonista Ilaah oo ah in aadanuhu ay Ilaah siiyaan waxa uugu wanaagsan. Ma jiro wax ka yar jacayl dhab ah oon si saxa loo soo bandhigin oo Ilaah aqbalayo. Laakiin si tani dhinaca aadanaha suurtogal uuga noqoto, saddex waxyaalood ayaa dhinaca Ilaah looga baahanyahay. Waxayna yihiin sidan:

1. Kuwa uu jacaylka ka filayo waa inuu ka cafiyo denbiyadooda oo dhan si markaas jacaylku u noqdo mid runa oo aanay soo dhexgalin cabsiyi.

2. Waa inuu jacaylkiisa u muujiyo dadka si ay u awoodaan inay jacaylkaas ka jawaab celiyaan.

3. Waa inuu dadka u oggolaado inay shakhsi ahaan u gartaan jacaylkiisa iyo inay qalbiyadooda kala noolaadaan jacaylkaas, waana wadaagitaan ku salaysan jacayl oo dhexmaraya isaga iyo iyaga.

Dadka qaar marka la eego waxa ay la yaabi karaan ama jaahilnimo lagu tilmaami karaa in la yidhaahdo, Ilaah waxa ku waajiba inuu waxyaalahan sameeyo, laakiin marka waxyaalahan waxa ka iman kara loo fiirsado waxa hubaala in aadanuhu si ay u addeecaan amarka ah Ilaah oo ay jeclaadaan, waxa waajib ah in waxyaalahan la helo. Haddii kale dadku lama imanayaan jacayl dhaba oo ah sidaa Ilaah iyaga ka rabo.

2. Jacaylka Ilaah ee ku Sugan Qur’aanka

Masiixiyadda iyo Islaamku waxa ay aragtiyo kala duwan ka haystaan Ilaah. Kitaabka Quduuska ah iyo Qur’aankuba waxa ay sheegtaan in ay yihiin ereyga Ilaah, laakiinse waxyaalaha Ilaah ku saabsan ee labadan kitaab ku sugani aad ayay u kala duwanyihiin. Haddaba, gaar ahaan waxa aan halkan ku rabnaa, in aan ku ogaanno labada kitaab mikoodee sida uugu wanaagsan aynu uuga heli karnaa muujinta ku saabsan jacaylka Ilaah u muujiyay aadanaha. Aynu haddaba innagoo soo koobayna ku bilowna waxbarista Qur’aanka ee ku saabsan jacaylka Ilaah.

Ugu horrayn, Qur’aanka waxa ku sugan iyadoo dadka lagu boorrinayo inay Ilaah jeclaadaan. Laga yaabaa haddaba aayadda uugu wanaagsan ee arrintan ka hadlaysaa inay tahay:

"Waxaad dhahdaa haddaad tihiin kuwo jecel Eebbe I raaca haydin jeclaado Eebbee hana idiin dhaafo denbigiinnee, Eebbena waa denbi dhaafe naxariista". Suuradda 3:31

Haddaba, waxa muhiim ah, in qofna aanu aayaddan ka helaynin (amaba Qur’aanka kale) qaynuunka ah in Ilaah laga jeclaado “qalbigaaga, naftaada iyo maankaaga”. Sababtu waxa ay ku caddahay isla aayadda lafteeda. Waxa qofka maqlaya loo sheegay inuu Ilaah jeclaado si markaas Ilaah isaga u jeclaado uuguna denbi dhaafo. Haddaba, waxa asaasiga u ah jacaylkani waa iyadoo Ilaah uu ansixiyo ama oggolaado rumaystaha. Marka la eego jacaylka sidaas ahi waa mid wanaag iyo raaxo ujeeddadiisu tahay. Qur’aanka dhexdiisa laguma sheegin in jacaylka noocaas ahi uu noqdo mid ka madhan damaacinimo iyo danaysinimo hoggaamisa maanka rumaystaha oo lagu ladho ammaanta Ilaah. Waxa taas kasoo horjeedda iyadoo mafcuulka jacaylka noocaas ahi uu yahay isla rumaystaha. Waxa uu rumaystuhu jacaylkiisa ku raadinayaa inuu iskaga fogeeyo cadhada Ilaah iyo inuu ku helo raalli ahaanshihiisa. Tani haddaba maaha midhaha jacaylka dhabta ah. Jacaylka sidaas ahi, sidaan soo aragnay, wuxuu ku koobanyahay doonista qalbiga- jacaylka sidan oo kale ah ee ujeeddada leh sidan kan ujeeddadiisu tahay in lagu helo denbi dhaafka Ilaah, laguma tilmaami karo jacayl run ah.

Sababtan aawadeed, muhiimadda halkan ku jirta ayaa ah iyadoo Qur’aanku aanu rumaystaha ku boorrinin inuu Ilaah ka jeclaado qalbigiisa oo dhan. Dabiici ahaan jacaylka ka imanaya qalbigu waxa weeyi mid ka fog damac. Jacaylka raadinaya siduu ammaan ku heli lahaa maaha mid ka imanaya qalbiga. Mana aha muujinta jacaylka qotada dheer ee ka iman kara qalbiga aadanaha. Jacaylkan danbe een ka hadlaynaa wuxuu muhiimadda siinayaa ammaanta mafcuulkiisa – laakiin waxa u dadaalaya ansixita Ilaah ee ugu horreyntaba ka fikiraya denbidhaafkiisu waxa weeyi mid danaysinimo ku jirto. Laguma tilaami karo jacayl run ah, waxaana hubaala qofka Ilaah u jecel inuu helo denbidhaafkiisu inaanu oofinaynin qaynuunka ugu weyn – dabcan kaasina waa kan uu Ciise uugu yeedhay “qaynuunka ugu horreeya ee ugu weyn” oo ah inuu Ilaah ka jeclaado qalbigiisa, naftiisa iyo maankiisa oo dhan. Sidaan hore usoo aragnay, cadhada Ilaah oo laga cabsadaayi waxa ay meesha ka saaraysaa inuu jacayl run ahi yimaaddo qalbiga.

Qur’aanku rumaystaha muu siinin wax dammaanad qaada oo ah dhaafitaanka denbiyadiisa. Sida uu sheegayana waxa la yaab leh iyadoo denbi dhaafka la isku abaal marin doono aakhiro. Xitaa halkaas lafteeda ma jiro dammaanad qaad ah in rumaystaha gebi ahaanba la cafiyi doono, rumaystuhuna wuxuu ku dhiman karaa isagoo rajaynaya naxariista Ilaah (Suuradda 17:57). Haddaba, markale waxa laga walaacsanyahay in adeegga sidaas ah si wanaagsan oo jacayl ku dheehanyahay loo qabtay. Marka haddaba rumaystuhu uu si buuxda u ogaado denbidhaafka Ilaah, waxa uu Ilaah uugu adeegi karaa jacayl dhab ah. Hase ahaatee inta uu ka cabsanayo cadhada Ilaah uuma suurto galayso inuu si dhaba u jeclaado Ilaah isagoo ammaantiisa qalbigiisa kaga fikiraya.

Haddaba sida Qur’aanka marka loo eego waxa uu barayaayi maaha mid oofin karta shuruudaha looga baahanyahay jacaylka dhabta ah. Xaqiiqada denbi dhaafka waxa uu Qur’aanku ku dhaafayaa iyadoon go’aan laga gaadhin, sidoo kalena jacaylka uu ku boorrinayo dadku waxa weeyi kuwo ay ku xidhantahay shuruud iyo aqbalitaan. Xaaladaha sidaas ahna dadku ma awoodi karayaan inay Ilaah ka jeclaadaan qalbigooda oo dhan. Ma muujin karayo jacaylkaas isagoon maankiisa ku haynin aqbalitaanka Ilaah oo ay ku hoggaaminayso naftiisa iyo maankiisu.

Marka labaad, waxaynu arkaynaa in Qur’aanku uu wax aad u yar ka sheegayo sida Ilaah u jecelyahay dadka. Badanaa Qur’aanku waxa uu jacaylkan uuga hadlayaa isagoo ah aqbalitaanka loo muujin doono kuwa camal wanaagsan sameeya. Aayaddan soo socota ayaa xaqiiqadan iyada ah tusaale ahaan loogu soo qaadan karaa (kuwo kale oo sidan oo kale tilmaamayaana way jiraan):

"Ku bixiya wax jidka Eebbe, hana ku tuurina gacmihiinna halaag (wax bixin la’aan) wanaagna fala”. Suuradda 2:195

Qur’aanka oo dhan waxa aan ka dhex heli karnaa in Ilaah uu jecelyahay kuwa camalka suubban sameeya oo sidoo kalena aanu jeclayn kuwa sharka fala. Tani waxa ay ka dhigantahay inuu Ilaah aqbalayo kuwa wanaagga fala oo sidoo kalena aanu oggolayn kuwa sharka fala. Meel kasta oo Qur’aanka dhexdiisa laga heli karo ka hadalka arrintan waxa si fudud loogu tarjumi karaa “aqbalaa” halkii laga odhan lahaa “jecelyahay” iyadoon wax beddelitaan ah lagu samaynin macnaha gebi ahaantiisba. Garashada aqbalitaankanina sidoo kale waxa uu yahay mid la ogaan doono Maalinta Aakhiro oo keliya. Qur’aanku waxa uu ka sheegayo jacaylka Ilaah u qabo aadanuhu sidan ayuu u badan yahay.

Sidaan u aragno tani maaha mid ku filan inay aadanaha ku sababto inuu jacayl laabta ka yimaadda Ilaah u qaado. Ma jiro muujinta jacayl xagga Ilaah ka yimid oo sababi kara inuu kiciyo qalbiga aadanaha oo ku sababo inay isaga jacayl u qaadaan. Waxa hubaala in Qur’aanku uu ku baaqayo iyada oo waxyaalaha dabiiciga ah ee la arki karaa ay yihiin kuwo cadayn u ah jiritaanka Ilaah. Laakiin sida ay dabeecaddu u shaqayso laf ahaanteeda ayaa waxa ay tahay midda muujin karta jiritaanka Ilaah awoodda badani inuu yahay Ilaaha keliya ee runta ah (Rooma 1:20). Qur’aanku xaqiiqadan iyada ah muu muujinin, ugu horrayntana wuxuu ku andacoonayaa muujinta dabiicadda ku sugan. Waxa tan dheer iyadoo Qur’aanku aanu waxba inooga sheegaynin jacaylka Ilaah u qabo dadka oo ah mid ka baxsan waxa lagu garan karo dabiicadda. Ma soo bandhigayo ficil weyn oo taariikhda ku sugan isla markaasna muujinaya jacaylka Ilaah ee ku waajahan dadka kaasoo ah mid sababi kara in lala yimaaddo jacayl ka yimaadda qalbiga oo ay aadanuhu uugu jawaab celiyaan Ilaah. Si kale markaan u nidhaahno, Qur’aanku ma sheegayo jacayl ka yimaadda xagga Ilaah oo uu isugu muujinao dadka. Maxabbo qoto dheer oo aadanaha loo qabo marnaba laguma sheegin Qur’aanka.

Qur’aanka dhexdiisa lagama helayo jacayl la mida kan aabbuhu u qabo carruurtiisa iyo muujinta jacaylkaas ku salaysan xidhiidhka u dhexeeya aadanaha iyo Ilaah. Fikirka ah aabbonimada Ilaah sida Kitaabka Quduuska ah dhexdiisa Ilaah loogu tilmaamay “Aabbaha” magaca sidaasoo kale loo sarreysiiyay lagama dhex helayo Qur’aanka. Waxa intaas dheer iyadoon muujinta jacaylka Ilaah u qabo aadanaha oon la tilmaamin iyadoo kaasina yahay jacaylka qaabkiisa uugu weyn- waana jacayl ku salaysan is-hoosaysiin iyo naf-huritaan. Qur’aanka dhexdiis lagumasoo bandhigin jacayl ka yimaadda xagga Ilaah oo aadanaha isugu muujinaya iyadoo Ilaah doonistiisu tahay inuu naftiisa bixiyo si uu jacaylkaas u muujiyo. Xitaa inagoo qadarinayna waxbarista ah inuu jecelyahay kuwa camalka wanaagsan suubiya, ma arkayno in jacaylkaasi uu yahay dareen kasoo baxaya qalbiga Ilaah iyo jacaylkuu u qabo rumaystayaasha. Macnaha xadiiskan oo aad uuga dhabsheegaya waxbarista Qur’aanka ee ku saabsan fikirka Ilaah aadanaha ka haysto (Suuradda 5:18), waxaynu si cad uuga dhex arki karnaa jacaylkan dareenka aan lahayn:

"Ilaah markuu abuuray Aadan dhabarkiisa ayuu gacanta geliyay oo wuxuu kasoo saaray farcankii ku jiray waxaanu yidhi: kuwan waxaan u abuuray jannada waxaanay qaban doonaan camalka ahlu Jannaha. Haddana dhabarka Aadan ayuu markale gacanta geliyay waxaanu kasoo saaray kuwo kale oo yidhi: kuwan waxaan u abuuray Naarta waxaanay fali doonaan camalka ahulu naarka." (Mishkaat Al-Masaabiix, Vol.3, p. 107)

Waxa aan ku qasbanahay inaan nidhaahno in Qur’aanka dhexdiisa aan laga helaynin jacayl ka imanaya qalbiga Ilaah oo aadanaha u suurto gelin kara inay addeecaan waxa uu ku amray ee ah inay isaga ka jeclaadaan qalbigooda, naftooda iyo maankooda oo dhan. Haddii Ilaah laftiisu aanu laabta jacayl uuga muujinin dadka, waxa aan suurto gal ahayn in dadka laga filo jacayl kal iyo laaba oo ay isaga uugu jawaab celinayaan.

Ugu danbayn waxaan arkaynaa, in Qur’aanka ay ku sugantahay iyadoo aanu jirin jacayl wadaagitaan ah oo u dhexeeya Ilaah iyo aadanaha oo la mida sida jacaylka u dhexeeya ninka iyo naagta is qaba sida aynu ka helayno Gabaygii Sulaymaan. Qur’aanku sida uu leeyahay, suurto gal maaha in aadanuhu ay jacaylka Ilaah ka dareemaan qalbiyadooda sida carruurtu u dareemaan jacaylka aabbohood oo kale ama naagta iyo ninka is qabaa jacayl u dareemaan oo kale. Dabcan Qur’aanka dhexdiisa Ilaah waxa lagu magacaabay “Ilaah Jacayl ah” (al-Waduud) iyadoo labo meelood oo keliya lagu dhex tilmaamay (Suuradaha 11.90, 85.14). Haddaba, tani uuma tusinayo xeeldheerida jacaylka Ilaah ee dabiicaddiisa ku sugan sida ku sugan Kitaabka Quduuska ah oo kale “Ilaah waa jacayl” (1 Yooxanaa 4:8). Taas beddelkeeda, mid kamida culimada uugu waaweyn ee Islaamka, al- Qazaalli, wuxuu fasiraad ka bixinayaa marka la leeyahay “Ilaah waa jacayl” in ay aad uuga yartahay sida loo arki karo. Kitaabkiisa ku saabsan magacyada Eebbe ee la yidhaahdo Al-Maqsad Al-Asna, wuxuu ku sheegayaa in magacani uu Qur’aanka dhexdiisa ku yahay mid yar, tusaale ahaan, wuxuu ka yaryahay magaca ah “Kan naxariista” (ar-Raxiim)-tanina waa mid aan ku qasbanay inaan waafaqno, maxaa yeelay waxa Qur’aanka dhexdiisa Ilaah lagu tilmaamay “Kan naxariista ” in ka badan labo boqol oo jeer, laakiin “Ilaah waa jacayl” waxa lagu dhex sheegay labo jeer oo keliya. Al-Qazaalli wuxuu jacaylkan ku fasirayaa mid ku kooban ficillo naxariis ah iyo muujinta aqbalitaan. Wuxuu diidayaa in jacaylka Ilaah lagu tilmaami karo mid ficil ahaan kusoo fuli kara oo ah in Ilaah lagu tilmaamo inuu aadanaha laabta ka jecelyahay.

"Isagu wuxuu ka korreeya dareemitaanka jacaylka". (Al-Maqsad Al-Asna, p.91).

Sida cidi uuga sarrayn karto dareenka jacaylku maaha mid la garan karo. Jacayku waxyaalaha waaraya waa kan uugu weyn ku kasta oon jacayl dareeminina wuxuu hubaashii ka hooseeyaa nimcadan aadka u wanaagsan. Laakiin haddii ay run tahay iyadoo Ilaah aanu jacaylkaas u qabin aadanaha, markaas aadanuhu laabtooda Ilaah uuguma qaban karaan jacayl gaar ahaan marka la leeyahay waa inay isag ka jeclaadaan qalbiyadooda, naftooda iyo maankooda oo dhan. Al-Qazaalli wuxuu ansixinayaa xaqiiqadan nasiib darrada ah isagoo jacaylka Ilaah ka odhanaya:

" Jacaylka iyo naxariista waxa u baahan cidda loo muujiyo oo keliya sababtuna waa iyagoo faa’iido ku helaya balse maaha dareen aawadiis ". (Al-Maqsad Al-Asna, p.91).

Sida aynu arkayno, dadku haddaba ma heli karaan faa’idada ah inay ogaadaan jacaylka Ilaah. Dadku Ilaah waxa ay ka heli karaan oo qudha naxariis iyo aqbalitaan xaggiisa ka yimaadda laakiin Ilaah lama ogaan karo. Ma jirto suurto galnimada jacayl ay wadaagaan Ilaah iyo dadku oo kobci kara isla markaasna noqon kara is-weheshi u dhexeeya Ilaah iyo rumaystaha.

Xaaladda sidan ah waxa aan haddaba ku fahmi karnaa sababta Qur’aanku uuga tegayo qaynuunka Kitaabiga ah ee ah in Ilaah laga jeclaado qalbiga, nafta iyo maanka oo dhan. Haddii dadku aanay heli karin dammaanad qaadka cafiska denbiyadooda, iyaga jacayl dhab ahi uuma suurto galayo. Haddii jacaylku aanu ka mid ahayn jiritaanka Ilaah oo lagu garan karo oo qudha waxa uu dadka u fidiyo; haddaanu sinnaba u muujinnin jacayl qoto dheeroo uu dadka u hayo; iyo hadduu dadka ka ilaalinayo inay shakhsi ahaan jacaylkiisa u dareemaan, markaas ma jirayso cid isaga uugu jawaabaysa jacayl ka yimaadda qalbiga. Mana jiro wax isaga ka yimaadda oo qalbiga aadanaha ku kallifaya inuu arrintaas jacayl kaga jawaabo.

Haddaba, Muuse iyo Ciise, labaduba waxay sheegeen in waxa ugu muhiimsan ee Ilaah dadka uu ka rabaayi ay tahay jacaylkaas laabta ka imanaya. Iyagu haddaba dadka ma waxay ku boorrinayeen qaynuun aan suurto gal ahayn – mise waxa ay aqoon qotodheer oo ka weyn midda aan ka helayno Qur’aanka u lahaayeen dabeecadda Ilaah ee runta ah? Aragtidiisa kooban ee ku saabsan jacaylka Ilaah awgiis, Qur’aanku wuxuu si xikmadaysan dadka uuga reebayaa cibaadada uugu weyn uguna macquulsan ee Ilaah loo fidin karo- kaasina waa jacayl aan laga daalaynin oo ka imanaya qalbiga. Hadduu Ilaah yahay mid ka weyn sida uu Qur’aanku ku tilmaamayo, jacaylka sidaas oo kale ah ayaa aadanaha laga filan karaa. Ilaah waa korreeye daa’im ah, jacaylkiisuna waa mid aad u badan hadday aadanuhu ku guulaystaan inay isaga qalbigooda oo dhan ka jeclaadaan.

Ilaah wuxuu sheegashadaas sarreysa si caddaalada uugu samayn karaa hadduu imika diyaar u yahay inuu dadka ka cafiyo denbiyadooda, muujiyo ficil jacayl ku dheehanyahay oo jacaylkaas u qalma, iyo inuu si naxariisi ku jirto dadka uugu fidiyo aqoonsiga shakhsi ahaaneed ee jacaylkaas. Hadduu dadka ka filayo cibaadada ugu sarreysa ee ugu macquulsan oo ah jacayl ka yimaadda laabta, waa inuu ahaado Ilaah u qalma jacaylkaas. Aynu haddaba u nimaadno Kitaabka Quduuska ah si aan u aragno haddii Ilaaha Muuse iyo Ciise uu yahay Ilaaha sidaas ah.

3. Aabbonimada Ilaah ee Ku Sugan Kitaabka Quduuska ah

Waxyaabaha gaarka u ah Kitaabka Quduuska ah ee Masiixiyiintu waa iyadoo Ilaah lagu magacaabo “Aabbe”. Qorniinka Masiixiyiinta Ilaah laguma tilmaamin magac kale (diimaha kale oo dhammi sida ku sugan kitaabadooda Ilaah magac ayay u bixiyaan) laakiin hadiyo goor isaga waxa loogu yeedhaa magacan – isagoo ah mid ahaan “Aabbaha” ama “Aabbahayaga” ama “Ilaaha Aabbaha ah”. Marka qof u fiirsado xidhiidhka dhow ee u dhexeeya aabbaha iyo carruurtiisa, waxa fudud fahanka sababta aynaan magac uugu haynin Ilaah. Ninka waxa magaciisa loogu yeedhaa marka ay dadka kale la hadlayaan laakiin ilmihiisu hadiyo goor wuxuu isaga uugu yeedhaa “aabbe”. Uuguma yeedho kunyadiisa waayo isaga laftiisa ayaa xanbaarsan magaca aabbihiis. Qofka waxa magaca loogu bixiyaa si looga sooco dadka kale, ilmuhuna wuxuu qaataa magaca aabbihiis sababtuna waa xidhiidhka dhowaanshaha ah ee u dhexeeya iyaga. Laakiin, xidhiidhkaas dhow awgiis, maaha muhiim in aabbaha iyo wiilku ay isugu yeedhaan magacaas guud ahaaneed.

Haddaba, hadduu Ilaah raalli ka yahay inuu dadkiisa aabbe u ahaado, tan ujeeddadeedu waa isagoo raba inuu xidhiidh shakhsi ahaaneed la yeesho iyaga iyadoon markaas sinnaba loogu baahnayn magac kala saara isaga iyo iyaga. Intaasoo keliya maaha, balse qaynuunka ah inaan isaga ka jeclaanno qalbiyadayada, naftayada, iyo maankayagu sidan ayuu ku dhammaystirmayaa, haddii Ilaah jacayl dhaba inoo hayana, waxa doonistiisu ay tahay inuu Aabbeheen noqdo. Waa kee ilmaha aanu aabbihiis jeclayni? Sida Yooxanaa u dhigay:

" Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabbuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah, oo saasaynu nahay ". 1 Yooxanaa 3:1

Tani loogalama jeedo inuu Ilaah carruur xagga jidhka ah yeeshay laakiin taas beddelkeeda wuxuu diyaar u yahay inuu inala yeesho xidhiidh dhowaanshiiyo ah oo ka imanaya jacaylkan u dhexeeya isaga iyo rumaystayaasha dhabta ah, jacaylkaasna waxa la barbar dhigi karaa oo qudha midka u dhexeeya aabbaha iyo carruurtiisa.

Waxaynu ogsoonahay in Ilaah xukumi doono dunida iyo inuu la tacaali doono denbiyada dadka marka ay timaaddo Maalinta Cadhadu ee xukunkiisa xaqa ah la muujin doono. Haddaynu ognahay oo qudha in Ilaah uu waxkasta xukumi doono marka ay timaaddo maalinta xukunku iyadoo qof walba camalladiisii xumaa lagu xukumi doono ma filan karno wax naxariis ah. Laakiin aabbaha xukunkiisu sidaas wuu ka duwanyahay. Isagoo jecel, waxa uu rabaa inuu carruurtiisa saxo oo wuu edbiyaa, taasina waxa weeyi cafis ka tarjumaya xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo iyaga. Waxa ay iyagu weligoodba ahaan doonaan carruurtiisa, oo halka adeegaha ay shaqadiisu ka tahay inuu u shaqeeyo si uu booskiisa guriga uuga dhex helo iyadoo markastana isaga la eryi karo, inanku ama wiilku guriga aabbihiis wuxuu ku dhex haystaa xorriyad buuxda. Isagu uuma baahan inuu u shaqaysto si uu guriga u joogo, sidoo kalena ma dego meel guriga dibaddiisa ah. Lama eryi karo isaga balse wuxuu noqonayaa kan dhaxlaya waxkastoo dhexyaalla guriga aabbihiis, taasina waa isagoo waxa aabbihiis leeyahay isna leh. Waxa aynu dhammaanteen naqaannaa murtida ah “wiilkaygiiyoow, maalin maalmaha ka mida waxanoo dhan adaa u hadhi doona”, iyadoo ka dhigan in wiilku uu dhaxli doono wixii aabbihiis intuu noolaa oo dhan soo dhisayay. Wada sheekaysigan kooban ee u dhexeeya Ciise iyo xerowgiisii Butros ayaa xaqiiqadan caddaynaysa:

"Maxay kula tahay, Simoonow? Boqorrada dhulku yay ka qaadaan cashuurta iyo baadda? Wiilashooda ama shisheeyaha? Goortuu yidhi, Shisheeyaha, Ciise ayaa ku yidhi, Haddaba wiilashu waa ka reebban yihiin. ". Matayos 17:25-26.

Macnaha halkan ku jira waa in waxbarista Kitaabka Quduuska ah kasoo qaadno iyadoo Ilaah uu yahay Aabbaha Masiixiga dhabta ah. Hadday sidaas tahay, waxa ay ka dhigantahay in boqortooyada jannadu ay tahay guriga uu xaqa u leeyahay rumayste waliba. Maadaama oo ka midyahay carruurta Ilaah, waa in isla hadda loo aqoonsado isagoo ah xubin sharciyaysan oo ka mida guriga Ilaah (Efesos 2:19). Maaha inuu u shaqaysto siduu ku heli lahaa meel, sidoo kalena weligiis lagama eryi doono boqortooyadan. Dabcan sidoo kalena weligiis kuma noolaan doono meel dibadda ka ah. Wuxuu xaq u leeyahay inuu meel ku yeeshu boqortooyada Ilaah sida wiilkuba meel uugu leeyahay guriga aabbihiis. Haddii markaas Ilaah doonayo inuu nimcada sidaas ah la wadaago carruurtiisa runta ah, markaas “jacayl sidee ah” ayuu innaga ina siiyay. Ciise haddaba wuxuu si cad u sheegay iyadoo Ilaah rabo inuu xidhiidhka dhow ee sidaas ah la yeesho rumaystaha dhabta ah.

"Ha baqina, ido yahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin si iyo". Luukos 12:32

Ballanqaadkan qalbi-diiriska ahi wuxuu innagu hoggaaminayaa arrinta gaar ahaan khusaysa jacaylka dhabta ah ee laga rabo inay aadanuhu u hayaan Ilaah. Waxaan soo aragnay in cabsida laga qabo cadhada Ilaah iyo denbi dhaafkiisa aan la hubini ay yihiin kuwo baabi’iya tamarta jacaylka runta ah. Haddii markaas Ilaah diyaar imika u yahay inuu ahaado Aabbeheen, dhibaatadan isla hadda ayaa la xallinayaa. Waxa uu noqonayaa Aabbeheen oo carruurtiisana wuuu inaga dhigay, sidaas darteed wuxuu inaga xoreeyay cabsida aan ka qabno cadhada Ilaah maxaa yeelay imika waxaan hubnaa in jannadu ay tahay oo weligeedna ahaan doonto gurigeenna runta ah.

Hadiyo goor aabbuhu si gaara ayuu u jecelyahay ubadkiisa iyadoo sida uu doonaba ha uuga fogaadaanee, markastaba carruurtiisa wuu ka jecelyahay dadka kale. Sababtu waxa weeyi isagoo ubadkiisa iska ka dhex arkaya balse kuwa kale aan iska dhex arki karin. Inkastoo uu leeyahay wiilal badan oon aragoodu isu ekayn, haddana markastuu iyaga eegaba wuu iska dhex arkayaa, waxaanu awoodayaa inuu yidhaahdo, “kaasi waa aniga”. Sidaasoo kale, haddii Ilaah uu noqdo Aabbeheen, waxa aan garan karnaa inuu si qoto dheer inoo jecelyahay, taasina waa si gaara oo isagu uu inaga isaga keen dhex arki karo, sababtaas awgeedna isagu hubaashii weligeen inama inkiri doono.

Layaab kuma jiro in Ciise yidhi “Ha baqina”. Ka cabsashada ciqaabka dhinac ayaa la iska dhigay. Hadda ka dib ma filayno xukun aynu kursiga ku hor istaagi doonno oo denbiyadeenna awgeen la inoogu halaagi doono. Waxa aan eegaynaa aabbe boqortooyadiisu ay gurigeenna tahay waxaynuna ku farxaynaa rajadeenna, inagoo ah carruurta Ilaah, in aan wadaagno oon dhaxalno ammaantiisa la muujin doono dhammaadka wakhtiga. Labo kun oo sanadood ka hor Ciise wuxuu xertiisa baray, iyagoo Ilaah baryaya, in ay isaga uugu yeedhaan “Aabbahayaga” (Matayos 6:9). Waxa ay tani tusinaysaa, maaha xaalad la sugayo wakhti kaloo iman doona, laakiinse waa mid hadda joogto oo uu ku raaxaysanayo mid kastoo xertiisa ka mid ahi. Sida ay u dhigeen labo ka mida xerta Ciise, dabcan waxay ahaayee labo ka mida rasuulladiisii ugu caansanaa:

"Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla". Rooma 8:17

"Imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah" . 1 Yooxanaa 3:2

Xaaladdan iyada ah Ilaah waxa hadda loogu yeedhi karaa Aabbe kii carruurta Ilaah ka mid ahina uuma baahna inuu ka cabsada wakhtiga iman doona. Xaakinnadu waxay cadhada ku fuliyaan kuwa khaladka sameeya waxaanay ka soocaan bulshada; sayiddadu waxay ciqaabaan oo eryaan addoommada aan addeecin amarkooda; laakiin aabbayaashu waxay jecelyihiin carruurtooda oo weligoodna way jeclaan doonaan. Haddaba Masiixiyiintu kama cabsanayaan cadhada Ilaah laakiin aqoonsashada jacaylkiisa oo qudha. Ciise wuxuu xertiisa ku yidhi:

" Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay". Yooxanaa 16:27

Sida halkan ku xusan Masiixigu wuxuu si buuxda isugu hallayn karaya Ilaah isagoo markaasna ogsoon in xidhiidhkiisa uu Ilaah la wadaagaayi aanu weligiis jabi doonin. Maxaa yeelay waa Aabbihiis oo isna wuxuu ka midyahay carruurtiisa. Haddaba, Ilaaha Kitaabka Quduuska ahi wuxuu la kulmayaa waxa uugu horreeya ee laga rabo jacaylka dhabta ah ee ka imanaya qalbiga. Maadaama oo uu yahay aabbaha rumaystayaasha oo dhanna uuma baahna in isaga laga cabsado. Maalinta Qiyaamuhuna waxa ay Masiixiyiinta dhabta ah u noqon doontaa maalin farxadeed. Marka ay sidan tahayna, Ilaah wuxuu xaq u leeyahay inuu kuwa isaga rumaysta ka filo inay si dhaba isaga qalbiyadooda uuga jeclaadaan.

Waxa jirta soo bandhigis aan toos ahayn oo ah jacaylka Ilaah marka Ilaah la inoogu tilmaamay Aabbe, sida aabbaha loogu garan karo carruurtiisa oo kale, waxa halkan ka muuqanaya jacaylka wadaagga ah. Aynu haddaba si dheeraada u aragno waxa Ilaah sameeyay inuu jacaylkiisa inoo soo bandhigo si aan markaas u garanno inuu yahay Aabbeheen iyo siduu u suurto geliyay inuu jacaylkaasi u ahaado mid ay is-weydaarsadaan isaga iyo carruurtiisu.

4. Jacaylka Ilaah ee Lagu Muujiyay Ciise Masiix

Waxaan hore usoo aragnay iyadoo jacaylka looga baahanyahay in lasoo bandhigo, gaar ahaan, waa in Ilaah jacaylkiisa inoo muujiyo si aan innaguna isaga qalbigeenna oo dhan jacayl uugaga jawaab celino. Kitaabka Quduuska ah ee Masiixiyiintu haddaba wuxuu bixinayaa muujinta iyo soo bandhigista jacaylkaas Ilaah, hubaashiina waxa weeyi soo bandhigista ugu macquulsan ee aadunuhu weligiis isaga ka filaan tii uugu weynayd. Aayadahan soo socda ayaa si buuxda looga daalacan karaa jacaylka Ilaah ee la muujiyay:

" Gacaliyayaalow, aynu isjeclaanno; waayo, Ilaah baa leh jacaylka; oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah, Ilaah buuna yaqaan. Oo ka aan jeclaynina Ilaah ma yaqaan; waayo, Ilaah waa jacayl. Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey. Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaarogudka dembiyadeenna u noqdo. Gacaliyayaalow, haddii Ilaah sidaa inoo jeclaaday, waa inaynu isjeclaanno". 1 Yooxanaa 4:7-11.

Muuqaalka cajiibka leh ee ka muuqanaya aayadahan isla markaasna lagusoo celcelinayo waxa weeyi “Ilaah” iyo “jacayl”. Qoraagu wuxuu aad uugu qanacsanyahay isku xidhnaanshaha aan la kala sooci ee labada erey oo wadajirkoodu yahay: Ilaah waa jacayl (1 Yooxanaa 4:8). Tani waxa ay ka dhigantahay in Ilaah qalbigiisa uu si aada uuga jecelyahay dadka. Jacaylka Ilaah ee halkan ku suganina maaha mid Ilaah ka baxsan oo ku salaysan “faa’iido iyo midho” sida al-Qazaalli sheegayo. Taas kasoo horjeedkeeda waxa weeyi jacayl ku jira dabeecadda Ilaah waxaana weeyi jacaylka Ilaah uu dadka isugu muujiyay Injiilka dhexdiisa. Waxaana la odhan karaa in jacaylka Ilaah ee lagu dhex tilmaaamay aayadahan ka midka ah Kitaabka Quduuska ahi waxa ay ka badanyihiin jacaylka Ilaah ee lagu sheegay Qur’aanka oo dhan. Muxuu ahaa haddaba wixii Rasuul Yooxanaa ku qanciyay xoogganaanta jacaylka Ilaah u qabo aadanaha? Maxay tahay danta uu ka leeyahay inuu caddeeyo jacaylkan Ilaah u qabo dadka ee uu ka hadlayo? Muxuu Ilaah sameeyay inuu jacaylkiisa ku muujiyo ee kallifay inuu sidan oo dhan Yooxanaa uuga hadlo? Jawaabta oo fududi waxa weeyi sidan

"Mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaarogudka dembiyadeenna u noqdo". 1 Yooxanaa 4:10

Halkan ayaa waxa ka muuqanaya caddaynta jacaylka qotada dheer ee Ilaah innaga inoo qabo. Isagu wuxuu sameeyay waxa uugu weyn uuguna macquulsan ee uu ku muujin karo jacaylkuu innaga inoo qabo – wuxuu si doonisi ku jirto u bixiyay Wiilkiisa Ciise Masiix si uu kafaarogudka denbiyadeenna u noqdo. Ma jiro wax middan ka weyn oo inoo caddayn kara jacyalka Ilaah u qabo aadanaha. layaabna kuma jiro in Yooxanaa uu caddeeyo muhiimaddda ku jirta arrintan iyada ah. Waxa uu bixiyay caddaynta uugu macquulsan ee lagu tusin karayo jacaylka Ilaah u qabo aadanaha.

Sideen haddaba ku fahmi karnaa inta jacaylkani leegyahay? Aan dib uugu laabano taariikhda innagoo eegayna nebi Ibraahim oo Ilaah ku amray inuu qurbaan ahaan u bixiyo wiilkiisii kelida ahaa. Haddaynu is weydiinno sababta Ilaah isaga uuga dalbaday wiilkiisa oonu u weydiinin xoolihiisa, waxyaalaha wanaagsan ama dhulkiisa uu haysto, jawaabtu waxay noqonaysaa iyadoo ninka wiilkiisa uu dhalay uu ka qaalisanyahay waxa kale oo dhan maxaa yeelay waa dhiiggiisii iyo laxamkiisa. Qalbiga aabbihiis waxkasta isaga ayaa wiilku kaga qaalisan. Haddaba sida ugu wanaagsan ee Ilaah ku tijaabin karayay Ibraahim jacaylkuu isaga u qabo, waxay ahayd inuu isaga ku amro inuu Ilaah dartiis wiilkiisa u gawraco. Waxaana hubaala, haddii Ibraahim wiilkiisa dar Ilaah u bixiyo, sidoo kalena wuxuu awoodi doonaa inuu waxkasta oo kalena Ilaahay dartiis u bixiyo. Tani haddaba waa midda aadanuhu ku garan karaan jacaylka Ilaah u qabo aadanaha, maxaa yeelay wuxuu iyaga dartood u bixiyay Wiilkiisa Ciise Masiix si uu u noqdo kafaarogudka denbiyadeenna.

"Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?" Rooma 8:32

Waxa intaas dheer oon is weydiin karnaa in Ilaah weligiis uu qof weydiisanayo inuu jacaylkiisa si weyn uugu muujiyo, iyadoo taasi ah mid ka weyn sida Ilaah jacaylkiisa uugu muujiyay aadanaha. Markuu Ilaah ka dalbaday Ibraahim inuu wiilkiisa isaga dartiis u bixiyo, miyaanay tani calaamad u ahayn jacaylka Ilaah oo iman doona isagoo hadiyad ahaan inoo siin doona Wiilkiisa? Haddaanay sidaas ahayn waxaynu odhan lahayn nin qudha ayaa muujiyay jacaylkuu u qabo Ilaah iyadoo Ilaahna taas beddelkeeda aanu waxba aadanaha u siinnin. Hase yeeshee tani waa mid aan lagu fikiri karin. Waayo Ilaah dadka kama dalbado wax ka weyn waxa uu isaga qudhiisu iyaga la rabo inuu siiyo. Haddaba muujinta layaabka leh ee Ilaah jacaylkiisa ku muujiyay waxa weeyi mid ka muuqanaysa dhimashada iyo sarakicista Ciise Masiix oo ah daliil ku filan inuu arrintan caddeeyo.

Daliilka caddaynaya jacaylka Ilaah een u baahannay oo midkan ka wanaagsani muxuu yahay? Wuxuu innaga ina siiyay Wiilkiisa ka yimid xaggiisa, waxaana hubaala inuu waxa kaloo dhanna ina siin doono. Hadduu jacaylkiisa qotada dheer aawadiis inagu siiyay hadiyadda uugu qaalisan, waa inaan ogsoonaanno isagoo waxa kalee hooseeyana ina siin doona. Haddaba, waxaan arkaynaa iyadoo Ibraahim, oo ah makhluuq hoose, wuxuu diyaar u ahaa inuu wiilkiisa u bixiyo Ilaah weyn ee dunida abuuray aawadiis. Waxa waajib isaga ka saarnaa inuu addeeco waajib kastoo Ilaah isaga ku faral yeelay. Laakiin waajib noocee ah ayuu Ilaah keenay markuu bixiyay Wiilkiisa ee uu siiyay aadanaha dunida jooga? Ficilka noocaas ah maxaa keenay inuu yimaaddo oon ka ahayn jacayl waaraya?

"Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah". Yooxanaa 3:16

Aabbuhu wiilkiisa oo dadku si xun u dilayo kamuu aamuseen, sidoo kalena fal axmaqnimo ah laguma dileen qof aan wax denbiile ahayn. Aabbaha iyo Wiilkuba, iyagoo isku mid ah waxay soo bandhigayaan jacayl ilaahiya oo la yaab leh isla markaasna loo qabo aadanaha, iyadoo ujeedaduna tahay in dad badani ka badbaadaan ciqaabka abidka ah oo ay is-weheshi la yeeshaan Ilaah. Waxaan jacayl ka ahayni inagamuu qaadeen cabsida iskutallaabta ee weligeed daa’imi lahayd. Halkanna waxaan ku arkaynaa jacaylka Ilaah oo innaga si muuqata la inoogu muujiyay. Hadiyadda ah wiilkiisa uu bixiyay wuxuu ku muujiyay xeeldheerida jacaylkiisa uu inaga inoo qabo:

" Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembiilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey". Rooma 5:8

"Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey" . 1 Yooxanaa 4:9

Haddaba imika dadku waxa ay awoodi karaan inay Ilaah uugu jawaab celiyaan jacayl kal iyo laab ah. Tanina waxa weeyi muujinta jacaylka Ilaah ee ku sugan Kitaabka Quduuska ah oo ku timid Ciise Masiix. Waxa aad loola yaabi karaa iyadoo Qur’aanku uu waxyaruun ka leeyahay jacaylka Ilaah isagoo sidoo kalena diidaya inuu Wiilkiisa u bixiyay inuu noqdo kafaarogudka denbiyadeenna. Waxa uu Qur’aanku diidayaa muujinta uugu weyn ee jacaylka Ilaah uu siiyay aadanaha. Ciise wuxuu yidhi:

"Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis". Yooxanaa 15:13

Kani waa qaabka jacaylka uugu weyn ee weligiis waaraya – jacaylkuna wuxuu u xoog weyn yahay sida geerida oo kale (Gabaygii Sulaymaan 8:6). Jacaylka sidaas ah waxa lagu dhex muujiyay Ciise Masiix kaddib markuu si doonisi ku jirto u bixiyay naftiisa:

" Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka". Yooxanaa 13:1

Halkan waxaan ku caddayn karnaa, maaha jacaylka Ilaah een la qiyaasi karin oo qudha, balse waa xaqiiqada ah in aan weligeen ku tiirsanaankarno jacaylkaas. Masiixiga dhabta ahi weligiis ma garan doono waxa ay tahay cadhada Ilaah waayo wuxuu haystaa jacaylka Ilaah een la qiyaasi karin. Hadiyad ahaantuu u bixiyay wiilkiisu waxay daliil buuxa u tahay xaqiiqada ku jirta ballanqaadkan:

"Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah". Yeremyaah 31:3

Iskutallaabta Ciise Masiix waxay caddayn cajiib leh u tahay jacaylka abidka ah ee Aabbaha iyo Wiilku u qabaan aadanaha. Mid kastaa wuxuu diyaar u ahaa inuu samata bixiyo aadanaha si aynaan mardanbe u lumin. Intaas oo keliya maaha, waxa iyana xoogaa lala yaabi karaa kaddib markuu Ciise saddex cisho dabadood dhimashada ka sarakacay, Ilaah waxa lagu aqoonsaday Aabbaha ku sugan Qorniinka Quduuska ah. Hadiyaddan aan la cabiri karini waxay ina tusinaysaa in Ilaah doonistiisu ahayd inuu Aabbe inoo ahaado. Iskutallaabta aawadeed rumaystayaasha oo dhan waxa uugu suurto galaya in denbigooda laga dhaaafo si la inooga beddelo carruurta cadhada, oo aynu dabiici ahaan nahay, isla markaasna u noqono carruurta Ilaah.

Ilaah Aabbeheen kumuu noqonin oo keliya wixii Ciise inaga awgeen u sameeyay, laakiinse isagoo ah Wiilka ka yimid xagga Aabbaha, isagu Ilaah qudhiisa ayuu sidoo kale inoo muujiyay:

"Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha". Yooxanaa 14:9

Haddaba, maahan inaan jacaylka Ilaah ku aragnay oo qudha Wiilkiisa Ciise Masiix ee uu hadiyad ahaanta inoo siiyay, balse waxa aan haysanaa faa’idada ah inaan aragno shakhsinimada jacaylka Ilaah oo ka dhex muuqanaysa Ciise. Waxyaalaha Ciise yidhi ee uu sameeyay, waxa aan ku awoodi karnaa garashada jacaylka Ilaah inoo qabo. Isagu weligiis kamuu aarsanin cadaawayaashiisa laakiinse wuu jeclaaday iyaga, oo xitaa markuu iskutallaabta saarnaa wuxuu iyaga uugu duceeyay ereyadan:

"Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan". Luukos 23:34

Wuxuu xertiisa siiyay muujin jacayl ah oo la yaab leh iyagoo arkay saddexdii sannadood ee uu la joogay iyaga isagoo habeenkii ugu danbaysayna u sheegay:

"Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan". Yooxanaa 13:34

Wuxuu iyaga ku amray inay isu jeclaadaan siduu isaguba u jeclaaday iyaga. Dunidu weligeed sida ay ninkan jacaylka qotada dheer uuga aragtay weligood hore uugumay arkin. Sidaas darteed, markuu xertiisa ku amray inay isu jeclaadaan siduu isaguba iyaga u jeclaaday, waxa uu dabcan ahaa amar cusub maxaa yeelay heerka jacaylkani maaha mid ay dunidu hore u aragtay. Xitaa kuwo kale oon xertiisa ka mid ahayni, markay arkeen isagoo u murugoonaya mid ka mida kuwa isaga raacay oo dhintay, waxa ay yidhaahdeen:

"Bal eega, siduu u jeclaa!" Yooxanaa 11:36

Nolosha Ciise Masiix ee cajiibka leh, waxa aynu haddaba ku arkaynaa iyadoo tusaale u ah jacaylka Ilaah innoo qabo innaga. Ramsey, oo hore u ahaan jiray Wadaadka ugu sarreeya Canterbury, sida uu mar u dhigay: Ilaah wuxuu la midyahay Masiixa, oo isagana gebi ahaanba kuma jiraan waxaan ahayn la midnimada Masiixu. Waa hadal cajiib leh. Haddana ma jirto si kale oo jacaylka Ilaah ee la yaabka leh loo muujin karo oon ka ahayn sidan. Aabbaha samada ku jiraayi waxa weeyi kan uu muuqaalkiisa xanbaarsanyahay Wiilku – sidaas darteed jacaylka uu Wiilku si buuxda uugu muujiyay noloshiisa iyo dhimashadiisu maaha waxaan ka ahayn jacaylka uu Aabbuhu inoo qabo. Intaasoo qudha maaha, balse Wiilku wuxuu ku dhex noolaaday dadka oo iyaguna way garteen isaga. Sidaas darteed, waxa hubaala haddii ay dadku garteen Wiilka, markaas ku kastoo isaga si dhaba u aqoonsaday sidoo kalena wuxuu aqoonsanahay Aabbihiis (Yooxanaa 14:7). Tan macneheedu maaha inaan haysano jacaylka Ilaah ee la inoogu muujiyay Wiilkiisa - oo ah xaqiiqo u baahan in aadanuhu ay kaga jawaab celiyaan jacayl ay Ilaah qalbiyadooda uugu qabtaan – laakiinse waxa weeyi innagoo jaanis u haysanna inaan jacaylka Ilaah ka garanno qalbiyadeenna. Ilaah wuxuu isugu keen muujiyay Ciise Masiix, oo middanina calaamad uuma noqon karto oo keliya jacaylkiisa uu inoo muujiyay, laakiinse waxay sidoo kale tahay jaanis aan jacaylkaas gudeheenna kaga dareemi karno. Sidani waxay inagu sababaysaa inaan ka fikirno jacaylka Ilaah oo noqday mid ay wadaagaan isaga iyo aadanuhu. Waxa weeyi arrin aan inoo hoggaaminayn inaan Ilaah jacayl qalbiga ah u muujinno oo qudha, laakiinse waxa weeyi iyadoo gaadhsiisan heer aan jacaylka Ilaah ka dareenno qalbiyadeenna.

5. Jacaylka Ilaah oo Lagu Ogaado Ruuxa Quduuska ah

Maadaama oo Ilaah yahay Aabbeheen, waxa aan awoodi karnaa inaan isaga jacayl dhaba qalbiga uugu hayno. Marka aynu eegno waxyaalaha waaweyn ee uu sameeyay isagoo adeegsanaya Ciise Masiix, waxaynu arkaynaa qiimaha uu leeyahay jacylkaasi. Laakiin imika, Ruuxa Quduuska ah (oo la siiyay ku kastoo Ciise Masiix ku jira) waxaynu awoodi karnaa inaan jacaylkiisa ka dareenno ama ka ogaanno qalbiyadeenna. Sida Rasuul Bawlos u dhigay:

" rajaduna inama ceebayso, maxaa yeelay, jacaylka Ilaah baa qalbiyadeenna ku dhex shubmay, oo waxaa ku shubay Ruuxa Qoduuska ah oo layna siiyey ". Rooma 5:5

Waa hadal runtii layaab leh. Jacaylka Ilaah ayaa lagu shubi qalbiyadeenna Ruuxa Quduuska ah awgiis, oo Ruuxaasna waxa la siiyaaa ku kasta oo rumaysta isla markaasna talo saarto Ciise Masiix inuu yahay badbaadiyihiisa. Jacaylka Ilaah kuma arki karno oo qudha Wiilka hadiyad ahaanta la inoogu siiyay, balse Ruuxa Quduuska ah ee la ina siiyay awgiis waxa inoo suurto galaysaa inaan jacaylka Ilaah ka dareenno qalbiyadeenna. Arrintan ah inagoo Ciise Masiix awgiis ku noqonay carruurta Ilaah iyo innagoo helayna Ruuxa Quduuska ah, Rasuul Bawlos ayaa ereyadan kusoo koobay:

" Laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay, inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo. Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow!'" Galatiya 4:4-6

Halkan waxa sidii uugu heer sarreeysay loogu muujiyay jacaylka Ilaah innaga inoo qabo. Waxaynu carruurta Ilaah ku ahaanay shaqada Ciise Masiix qabtay awgeed isagoo ah kan Ilaah dunida usoo diray si uu denbiyadooda uuga badbaadiyo. Laakiin imika, isagoo Ruuxa Wiilkiisa usoo diray qalbiyadeenna, isagoo markaasna inaga dhigay kuwo isaga hortiisa xaq ku ah. Mana aha inagoo ah carruur oo keliya, waayo waan ognahay inaan carruurtiisa nahay. Waxa la inoo keenay is weheshiga iyo wadaagista ay Aabbaha iyo Wiilku weligoodba wada lahaayeen. Sidii Ciiseba uu Aabbaha uugu yeedhay “Aabbe” (Markos 14:36), ayaa innagana waxa la inoo suurto geliyay inaan Ilaah uugu yeedho aabbe iyadoo taasi tusinaysa xidhiidh dhow. Macallimiinta Suufiyadu waxay sheegaan inay yaqaannaan boqolka magac ee Ilaah (waxa jira sagaal iyo sagaashan magac oo la yidhaahdo – asmaa’ullaah al-xusnaa, “magacyada Ilaah ee wanaagga badan” marka la eego Islaamka) laakiin, innagu sidaan u aragno, hadduu jiro magac Ilaah leeyahay oo ka maqan sagaal iyo sagaashanka magac, isagoon ahayn midka boqolaad balse ah ka uugu horreeya, magacaasi waxa weeyi: Aabbaha.

Qalbiyadeenna dhexdooda ayuu Ilaah inaga garadsiiyay xidhiidhka aan isaga la leenahay. Sida Bawlos u dhigayo:

" kan aynu ku qaylinno Aabbow. Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah ". Rooma 8:15-26.

Masiixiyiintu, Ruuxa Quduuska ah awgiis, waxay awoodi karaan inay Ilaah uugu yeedhaan Aabbe, waxaana weeyi magac u taagan xidhiidhka ay Ilaah la leeyihiin oo aanay cid kale awoodin.

Ruuxa Quduuska ah ee inagu jiraayi wuxuu inaga dhigay kuwo ku baraarugsan in Ilaah yahay Aabbeheen oo inaguna isaga waxa aan uugu yeedhnaa sidaas maadaama oon ogsoonahay jacaylka qotada dheer ee uu inoo qabo. Isagu waa Aabbeheena oo Ruuxiisuna waxa uu inagu qanciyaa arrintan iyada ah. Waxyaalahan oodhan waxa lagu sameeyay kafaarogudka lagu dhammaystiray Wiilkiisa Ciise Masiix. Maadaama oo Ciise u dhintay inuu denbiyadeenna inaga nadiifiyana isagu wuxuu inoo suurto geliyay in aan si buuxda uugu raaxaysano xidhiidhkan.

" Labadeennaba isagaynu Ruux keliya ugu galnaa Aabbaha". Efesos 2:18

Isaga aawadiis Masiixiyiinta waxa u suurto gashay inay galaan nimcadiisa. Jacaylka Aabbaha, ee lagu muujiyay Wiilku, imika wuxuu noqday kan shakhsiyaddeena ku maamulaya Ruuxa Quduuska ah ee uu ina siiyay awgiis. Ciise qudhiisa ayaa xertiisa u sheegay inuu jacaylkan ku xoojin doono kuna korin doono qalbiyadooda:

" Siduu Aabbuhu ii jeclaaday, ayaan anna idiin jeclaaday. Jacaylkayga ku sii jira". John 15:9

Ma sheegi karno sida Aabbuhu isagoo adeegsanaya Wiilka u doonayo inaan jacaylkan qalbiyadeenna uuga garanno. Markii Ciise habeenkii ugu danbeeyay uu baryay Aabbihiisa samada ku jira, waxa uu wakhtigaas la joogay xertiisa isagoo markaasna caddeeyay in ujeedada uu u yimid ay ahayd inuu jacaylkan dunida u xaqiijiyo:

"Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro". Yooxanaa 17:26

Toban cisho kaddib markii Ciise samada sare loogu qaaday xertiisu waxa ay heleen Ruua Quduuska ah. Maalintaas lagasoo bilaabana garashada shakhsi ahaaneed ee jacaylka Ilaah waxa loo diyaar gareeyay dadka oo dhan. Ku kasta oo ku rumaysta Ciise Masiix kuma guuldarraysan doono inuu garan waayo farxadda badbaadada ee la socota jacaylkan oo aan ka ogaanno qalbiyadeenna. Waa sida Ciise uu xertiisa ku yidhi habeenkii ugu danbaysay markuu iyaga la joogay:

" Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay. waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid". Yooxanaa 16:27

Haddaba, halkan waxa aynu ka helaynaa caddaynta uugu danbaysa ee jacaylka Ilaah u qabo aadanaha. Maadaama uu noqday Aabbeheen wuxuu inoo suurto geliyay inaan jacaylkan si kal iyo laab ah uuga muujino qalbiyadeenna inagoo aan ka cabsanaynin cadhadiisa. Wuxuu jacalkiisa inoogu muujiyay si layaab leh isagoo ina siiyay Wiilkiisa Ciise Masiix inuu inaga badbaadiyo denbiyadeenna. Ruuxiisa oo ina siiyay awgiisna waxa uu inoo suurto geliyay in jacaylkaas aynu wadaagno isaga iyo innagu. Inagoo taas ka jawaab bixinaynana waxa aan imika awoodi karnaa inaan isaga ka jeclaano qalbigeenna, nafteenna iyo maankeenna oo dhan. Isagu wuu u qalmaa jacaylkaas oo innagana wuxuu inoo suuro geliyay inaan jacaylkan si buuxna u muujinno.

Muxuu aadanuhu Ilaah uugu deeqi karaa isagoo ka jawaab celinayaa jacaylka sidaas ah? Miyay bixin karaan wax arrintaas la barbar dhigo? Waxaas oo dhan oo Ilaah inoo sameeyay, miyaan si daacadnimo ku jirto u rumaysan karnaa inaan isaga ku mutaysan karno kartida aan ku samayno diinta iyo waxa qalbigeenna ku jira?

"Biyo badanu jacayl ma demin karaan, Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan. Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan, Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa". Gabaygii Sulaymaan 8:7

Ilaah denbiilayaasha kama rabo xajitaankooda, tukashadooda iyo ducooyinkooda ee ay ku dhex qaldayaan sharkooda ay maalin walba sameeyaan. Ilaah uuma dulqaadan karo xumaan iyo shir la isugu yimaaddo (Ishacyaah 1:13). Haddaan u malayno inaan farxaddiisa wanaagsan ku helayno waxa innagu iskeen aan u qabano, innaga oo welibana ku iska indho tirna denbiyada aan hadiyo goorba galno, waxa aan tixgelin la’aan u muujinaynaa jacaylka uu inoo muujiyay.

Aabbuhu ma rabo dadaalkaaga iyo waxyaalaha aad qabato, balse wuxuu rabaa adiga. Wuxuu doonayaa inaad ka jawaab celiso jacaylkiisan uu muujiyay. Muujintan layaabka leh ee ah jacaylka Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah waxa la siiyay dunida si Ilaah innooga helo waxa keliya ee xaggiisa uu ka ogolyahay. Wuxuu rabaa inaan carruurtiisa ahaanno oon isaga ka jeclaano qalbigeenna, nafteenna iyo maankeenna oo dhan. Camalkasta oo wanaagsan oo nimco ah ama diini ah oo ka imanaya jacaylkaasina waxa weeyi mid xaggiisa laga aqbalayo. Laakiin camal aan ka ahayn kan oo xagggiisa laga aqbalayaayi ma jiro.

In badani, iyadoon la hubin denbi dhaaf hubaala, waxa ay fuliyaan waajibaadka diinta iyadoo la rajaynayo in la helo aqbalitaanka Ilaah iyo denbi dhaafkiisa. Laakiin sidee iyadoo camalkeenna uu ku dhexqasanyahay denbiyada aan maalin walba samaynaa ay u suurto gelinaysaa aqbalitaankiisa?

Ilaah waxa uu ina siiyay si wanaagsan oo hubaala isla markaasna lagu helayo sharaf iyo ammaan. Kan iska dhaafa camalladiisa iyo waxa uu iskii u samaynayo ee isku halleeya Ciise Masiix wuxuu helayaa cafiska denbiyada iyo nolosha dib loo cusboonaysiinayo. Masiixiga dhabta ahina wuxuu dhimanayaa isagoo huba aqoontuu u leeyahay jacaylka Ilaah. Miyaanad markaas u laabanaynin xaga kan badbaadin kara naftaada? Ilaah wuxuu gacantiisa kuugu fidinayaa si jacayl abid ahi ku jiro, miyaanad markaas aqbalaynin badbaadaha Ilaah uu kuugu deeqayo? Miyaanad rumaysan doonin Wiilkiisa adiga dartaa u dhintay si aad uuga mid noqoto carruurta Ilaah? Miyaanad aqbali doonin Ruuxa Quduuska ah si aad u dareento aqbalitaankiisa diirran ood ka aragto qalbigaaga ood ogaato in Ilaah uu yahay Aabbaha?

"Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah. ". 1 Yooxanaa 1:3