Waxa Jira Hal Ilaah oo Keliya

Maqaalkan af Ingriis ah

Rafique

Waad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay.
Yacquub 2:19

Kitaabka Quduuska ah oo ah erayga Ilaah ee waxyiga ah oon weligiis la beddelin isla markaasna la beddeli doonini wuxuu ka markhaati kacayaa inuu jiro hal Ilaah oo keli ahi. Waxa xaqiiqo si fiican loo ogyahay ah iyadoo Kitaabka Quduuska ahi uu yahay kitaabka uugu da’da weyn dunida oo dhan. Haddaba, haddii uu jiro kitaab ka marag kacaya inuu Ilaah mid yahay, Kitaabka Quduuska ahi waa kan uugu horreeyay ee arrintaas sheega. Waxyaalahan soo socdaa waxa weeyi xigashooyin ka ahaaday Kitaabka Quduuska ah oo tilmaamaya xaqiiqada ah in Ilaah uu yahay mid keliya.

Axdiga Hore:

  • " Haddaba maanta ogaada oo qalbiga geliya in Rabbigu yahay Ilaah jooga xagga samada sare iyo xagga dhulka hooseba, oo isaga mooyaane uusan mid kale jirin." (Sharciga Kunoqoshadiisa 4:39)

  • " Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro." (Ishacyaah 45:5)

  • " Miyeynaan kulligeen isku aabbe ahayn? Sow isku Ilaah inama uumin?" (Malaakii 2:10)

  • " Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa Rabbi keliya.Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan." (Sharciga Kunoqoshadiisa 6:4,5).

Axdiga Cusub:

  • " Waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isaga keliya u adeegto.’" (Matayos 4:10)

  • " Isagu waa mid keliya, oo mid kalena ma jiro isaga ma ahaane." (Markos 12:32)

  • " Waad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay." (Yacquub 2:19)

  • " Dhexdhexaadiye mid keliyahu ma leh, laakiinse Ilaah waa mid keliya." (Galatiya 3:20)

  • " Waayo, waxaa jira Ilaah keliya iyo dhexdhexaadiye keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo dadka." (1 Timoteyos 2:5).

MACNAHA MIDNIMADA ILAAH

Waxa muuqata oo caddaan ah in midnimada Ilaah ay ka duwantahay midnimada aadanaha. Midnimada dadku waxa weeyi mid kooban oo qofka xadaynaysa. Sidaas darteed, qof keliya suurto gal uuma noqonayso inuu labo meelood isla hal wakhti wada joogo. Laakiinse Ilaah waxa uu joogi karaa carshigiisa samada, isla wakhtigaas laftiisana, waxa uu sidoo kale joogi karaa dhulkan. Tani maaha mid Ilaah ku adag amaba aan suurto-gal xaggiisa ka ahayn. Sidaas marka aan leenahayna uugalama jeedno in Ilaah qayb ka mid ahi ay joogto samada halka qayb kalena ay dhulka ka joogto. Balse waxa aan uugala jeednaa iyadoo Ilaah, isagaa ammaan oo dhan mudanee, uu isla hal wakhti wada joogi karo carshigiisa samada iyo sidoo kale dhulka.

Tani waa isla waxa dhacay markii Masiixu uu yimid dunidan. Kitaabka Quduuska ahi wuxuu si cad u sheegayaa in Masiixa ay “buuxnaanta Ilaahnimada oo dhammu ku jirto isagoo jidh leh” (Kolosay 2:9). Middan waxa aan ku magacownaa jidh-sooqaadashada. Waxa aynu wax ka maqalnay dad waaweyn iyo boqorro ku labistay maryaha dad sabool ah iyagoo markaasna booqday guryaha ay ku noolyihiin dadkaasi wakhti aanay ilaalo wadannin si aanay u cabsi gelinin dadka saboolka ah, ujeeddaduna waxa weeyi iyagoo raba inay baahida dadkaas arkaan oo ay caawiyaan. Waxa aan u qushuucnaa dadka sidaas oo kale ah, waxaynuna ku ammaannaa is-hoosaysiintooda iyo wanaaggooda. Markastoo qofku weynyahay, wanaaggiisu wuxuu kusii weynaadaa is-hoosaysiintiisa.

Laakiin yaa cidkasta ka weyn? Miyaanu ahayn Ilaaha Qaadirka ah? Yaa cidkasta ka wanaagsan? Miyaanu ahayn kan waxwalba abuuray? Marka la isku wada daro, waxa aan Ilaah ku tilmaannaa, in uu yahay “Ilaah keliya” oon cid u dhigantaa jirin! Laakiin midnimadiisu maaha tan aadanaha oo kale, waayo Ilaah waxba ma xadeeyaan. Maanka aadanuhuna ma fahmi karo waxa ilaahnimadu tahay. Sidaas darteed, aadanaha waxa ku habboon inay istaagaan oo cabsadaan marka ay ka fikirayaan waxyaalaha Ilaah isku muujiyay.

WAXYAALAHA ILAAH MUUJIYAY

Aadanuhu si dhab ah uuma garan karaan waxyaalaha Ilaah ku saabsan marka laga reebo waxyiga ilaahiga ah. Maanka aadanaha ee dhammaanaya suurto-gal uuma aha inay fahmaan dabeecadda Ilaaha aan dhammaadka lahayn. Sidaas la-ajligeed, waxa lagama maarmaan ahayd in Ilaah innaga isugu keen dhex muujiyo qorniinka ah muujinta Ilaah, iyo inuu qorniinkaas waxyiga ah ka ilaaliyo oo ka dhowro in la beddelo erey ama xaraf qudha oo ka mida. Waxa hubaal ah in Ereyga Ilaah uu weligiisba waarayo, sidii uu nebigiiba wakhti dheer hortiis u yidhi, “Rabbiyow, eraygaagu weligiisba Wuxuu taagan yahay samada” (Sabuurka 119:89). Axdiga Cusubina waxa uu sheegayaa in “erayga Ilaah noolyahay oo waarayo weligiis” (1 Butros 1:23).

DABEECADDAA ILAAHA UGU-SARREEYA

Ka hor intii Masiixa aan xagga samada kor loogu qaadin, xertiisa wuxuu ku amray oo ku yidhi, “Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey. Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Qoduuskaa” (Matayos 28:18,19). U fiirso isagoon iyaga ku odhannin, “magacyada Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah.” Laakiinse wuxuu yidhi, “magaca” maxaa yeelay waa magac qudha – magaca ammaanta mudan ee ah Ilaaha nool ee runta ah isla markaasna kelidiis ah.

Laakiin waxa laga yaabaa in dadka qaar ay arrintan kasoo horjeestaan oo yidhaahdaan, “Sidee ayay saddex mid ku noqon karaan?” Diiditaanka arrintani wuxuu ka imanayaa qaladka weyn ee ah iyadoo la isku dayayo in qaanuunnada fiisikiska iyo xisaabaadka lagu dabbiqo Ilaaha Ugu-sarreeya. Halkan ayuu ka imanayaa qaladka iyo jaha-wareerku. Ilaaha Qaadirka ah, oo abuuray dabeecadda isla markaasna keenay qaanuunnada xisaabaadka iyo kuwa kale ee dabiiciga ahi, isagu maaha mid qaannuunnadaas ku hoos jira oo ay qabanayaan. Waxyaalahaas la abuuray kuma dabbiqi karno, mana aha inaan ku dabbiqno arrimaha ruuxiga ah.

AABBAHA, WIILKA, IYO RUUXA QUDUUSKA AH: HAL ILAAH

Haddab, si cad ayuu Kitaabka Quduuska ahi inoo barayaa inuu jiro hal Ilaah oo keli ahi. Bal aynu imikana u fiirsanno sida arrintaasi u waafiqi karto sida Kitaabka Quduuska ah toddobo meelood oo ka mida lagu sheegay oo ah Aabbaha, Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah

  1. " oo ku baabtiisa magaca (maaha magacyada) Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Qoduuskaa" (Matayos 28:19). Waa magac keliya oo Ilaah keliya sida aan soo aragnay.

  2. Rumaystayaasha runta ah, ee Masiixa ka aqbalay qalbiyadooda ee nolosha ruuxiga ahna dib uuga dhashay. Masiixu wuxuu yidhi: “Idahaygu codkaygay maqlaan, waanan garanayaa iyaga, wayna i raacaan. Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda. Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay. Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay” (Yooxanaa 10:27-30).

  3. " Filibos baa ku yidhi, Sayidow, Aabbaha na tus, waana nagu filan yahay. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus? Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya" (Yooxanaa 14:8-10).

  4. " laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha"—macneheedu waa, kaas Masiixu ma laha (Rooma 8:9). Sidaas darteed, Ruuxa Quduuska ah ee Ilaah waxa sidoo kale lagu magacaabay Ruuxa Masiixa sababtuna waa midnimada Ilaah.

  5. " laakiin sida qoran. Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin. Oo aan qalbiga dadka gelin, Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel. Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa….Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka. Laakiin waxa Ruuxu baro" (1 Korintos 2:9-13). Haddaba, Ruuxa Quduuska ahi wuxuu si joogto ah inoogaga dhex hadlaa Erayga laah isagoo ah Ruuxa Ilaah.

  6. " laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shayddaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Qoduuska ah been u sheegtid oo aad qiimihii dhulka qaar la hadhid? … Dad been uma aad sheegin, waxaadse u sheegtay Ilaah." (Falimaha Rasuullada 5:3,4). Markaas waxaynu arkaynaa in Ruuxa Quduuska ah oo been loo sheegaa ay tahay iyadoo Ilaah been loo sheegay maxaa yeelay Ruuxa Quduuska ahi waa Ilaah Ilaah waxaan mid la yahay Aabbaha iyo Wiilka.

  7. Ciise wuxuu yidhi, " laakiin haddaan jinniyada ku saaro Ruuxa Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah" (Matayos 12:28). Waxaynu haddaba arkaynaa in Wiilku uu yahay Aabbaha, Aabbuhuna uu yahay Wiilka. Ruuxa Quduuska ahi waa Ruuxa Ilaah sidoo kalena waa Ruuxa Masiixa. Waxa kaloo iyana jira aayado ku bilaabma, “Oo Rabbigu wuxuu leeyahay” oo meelo kale loogusoo xigtay “Oo Ruuxa Quduuska ahi wuxuu leeyahay.”

Waxaynu haddaba arkaynaa iyadoo Kitaabka Quduuska ahi inna barayo in Ilaah mid yahay, iyo in Aabbaha, Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ahi ay isku yihiin Ilaah nool ee midka iyo runtaba ah. Dhibku wuxuu ka imanayaa garaadka aadanaha oo kooban, iyadoo si qaldan la isugu dayo in Ilaah loo lafo-guraana waxa ay la mid tahay isla sida aan u lafo-gurno maaddada – waa marka loo eego qaanuunnada fiisikiska, kimistariga, iyo sayniska kale ee. Qaanuunnadan waxa lagu dabbiqaa maaddada, laakiinse laguma dabbiqi karo mana aha in lagu dabbiqo Ilaah.

MACNAHA LOOGALA JEEDO “AABBAHA IYO WIILKA”

Qof caqli lihi weligiis uma malaynayo in Ilaah uu naag ama saaxiibad samaystay. Fikirka sidaas oo kale ahina waxa weeyi af-lagaaddo xun oo Ilaah loo geystay. Masiixi kastaa wuxuu necebyahay fikirka sidaas ah, waayo Ilaah maaha sideenna oo kale. Kitaabka Quduuska ahi wuxuu leeyahay, “Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta” (Yooxanaa 4:24). Si kale marka loo yidhaahdo, caabudaaddoodu waa inaanay arrimo jidhka uun loo sameeyo ahaannin, ama waa inaanay ahaannin mid goobo iyo meelo gaara loo sameeyo, tanina waxa weeyi sida inooga muuqanaysa ee aan ka fahmi karno Yooxanaa 4:19-26.

Wiilnimada Masiixu waxa weeyi xidhiidh ruuxi ahaaneed, mana aha xidhiidh jidh ahaaneed. Waxa ay tusinaysaa midaysnaanta dabeecadda iyo ruuxa. Waa in la ogaado iyada oo kuwa Masiixa ku magacaabay Wiilka Ilaah aanay ahayn Masiixiyiinta, balse Ilaah laftiisa ayaa Ciise ku magacaabay Wiilkiisa:

  1. Markii Ilaah uu Maryantii Bikrada ahayd usoo diray Malak Jibriil, waxa uu iyada ku yidhi: "Ha baqin. Maryamay. waayo. nimco ayaad Ilaah ka heshay. Bal eeg. waad uuraysan doontaa oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise. Nin weyn buu ahaan doonaa. waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya. Rabbiga llaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud. Weligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub. boqornimadiisuna ma idlaan doonto. Kolkaasaa Maryan Waxay malaa'igtii ku tidhi. Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo. Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi. Ruux. Qoduuska ah ayaa kugu soo degi doona. oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona. sidaa darteed kan qoduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah" (Luukos 1:28-35).

  2. Markii Masiixa uu baabtiisay Yooxanaa Baabtiisuhu (Carabta badankoodu waxay u yaqaanniin Yaxye Ibnu Zakariya), samooyinka ayaa furmay waxaana samada ka yimid cod leh, "Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay; ee waan kugu faraxsanahay" (Luukos 3:22; Markos 1:11; Matayos 3:17).

  3. Yooxanaa Baabtiisaha ayaa dhacdadan kor ku xusan wuxuu ka yidhi, "Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka llaah" (Yooxanaa 1:34).

  4. Markii Masiixu saddex ka mida xertiisa u kexeeyay buurta dusheeda, labo nebi oo ahaa Muuse iyo Eliyaas ayaa iyaga u muuqday: " Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay. oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga. Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen. Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina. " (Matayos 17:1-8; Markos 9:7; Luukos 9:35).

Waxa jira haddaba aayado tiro badan oo ku sugan Kitaabka Quduuska ah isla markaasna caddaynaya in Ciise Masiix uu yahay Wiilka Ilaah, waana Wiilnimo tilmaamaysa xidhiidh ilaahnimo oo ka sarreysa fahanka aadanaha. Tani waa sababka Kitaabka Quduuska ahi u leeyahay, “qarsoodiga cibaadadu waa weyn yahay. Isaga jidh baa lagu muujiyey” (1 Timoteyos 3:16). Waxa aynu markaas arkaynaa in Aabbuhu yahay Ilaah, Wiilkuna yahay Ilaah, Ruuxa Quduuska ahina yahay Ilaah. Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah, mararka qaarkood waxa lagu tilmaamaa Ilaaha saddexmidnimada, dhammaantoodna waa isku hal Ilaah. Tani waa xaqiiqo ilaahi ah, kii diidaana Ilaah ayuu beenaale ka dhigayaa. Laakiin kii rumaystaa wuxuu ku dhex helayaa farxad iyo barako, sida aynu imikaba arki doonno.

BADBAADADA AADANAHA IYO ILAAHA SADDEXMIDNIMADA

Waxa muuqata in alla inta aadanuhu daneeyo, waxa ugu muhiimsan ee ay rabaan inay helaani waa cafiska denbiyada, si ay u galaan jannada oon cadaabta loogu dirin. Ilaah wuxuu isku sheegay, isagoo ah “Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah” (Ishacyaah 45:21). Laakiin sidee Ilaah xaq ku noqon karaa – taasi ma waxa weeyi isagoo ah, quduus iyo xaq isla markaasna ciqaaba denbiga – sidoo kalena isagu waa Badbaadiye dadka ka samata-bixin kara denbiyadooda iyo ciqaabkooda? Si kale marka loo yidhaahdo, sidee ayuu isagu si buuxda xaq uugu noqon karaa, oo sidoo kalena u noqon karaa mid naxariistiisu dhammaystirantahay?

Halkan marka la joogo maanka ama garaadka aadanuhu ma fahmi karo, jawaabna arrintaas uuma hayo. Ilaah miyuu ii denbi-dhaafi doonaa oo noqon doonaa mid ii naxariista, mise wuu I ciqaabi doonaa oo wuxuu noqon doonaa naxariis-laawe? Aadanaha iyo malaa’igta toona haddaba suurto gal uuma aha inay xal u helaan arrintan. Laakiin jawaabta Ilaahbaa haya, jawaabtiisana waxaan ka dhex arkaynaa xikmaddiisa iyo awooddiisa. Waxaynu arkaynaa jacaylkiisa iyo naxariistiisa kaamilka ah, sidoo kalena waxaan arkaynaa xaqnimadiisa ama caddaaladdiisa dhammayska tiran iyo quduusnaantiisa.

Marka loo yimaaddo xallinta su’aashan aadanaha oo dhammi waxay noqonayaan xaqiiqo-raadiyayaal oo waxa ay horseedayaan xukunka aadanaha, maxaa yeelay denbigu Ilaah hortiisa aadbuu halis uugu yahay. Denbigu wuxuu af-lagaaddo ku yahay Ilaah waayo waxa weeyi iyadoo isaga la caasiyo. Haddaad af-lagaaddeeyso qof caadiya, waxa laga yaabaa in si fudud laguu ciqaabo. Laakiin haddaad caydo boqor ama madaxweyne, ciqaabkaagu wuxuu noqonayaa mid halis ah. Haddii markaas aad Ilaah caasido, ha noqoto qalbiga ood ka caasido ama ereyo addeecis-darro ah kay doontaba ee, sidee ayay taasina uugasii xuntahay? Aragtida ah in Ilaah isu miisaami doono cammallada wanaagsan iyo kuwo xun si loo garto kooda wayn ayaa waxa ay haddaba tahay fikrad gebi ahaanteeduba xun oo liidata. Ugu horrayn, waxay ku qaldantahay waa iyadoo camalka wanaagsan ay dadku u baahanyihiin, laakiinse Ilaah uuma baahna wax dan ahna kama laha. Camalka wanaagsani ma tirtiro xad-gudubyada, marka la eego qaynuunnada dadka iyo kuwa Ilaah intaba. Marka labaad, fikirkan noocan ahi, haddii uu run yahay, wuxuu u baahnaan lahaa inaan ogaanno miisaanka denbigu Ilaah hortiisa ku leeyahay. Waxaynu u baahnaan lahayn inta uu yahay miisaanka beenta, inta uu yahay miisaanka fikir kasta oo shar ah, inta uu yahay miisaanka kibirka, iyo ugu danbayn inta ay yahiin miisaanka dhammaanba denbiyadeenna aan lasoo koobi karayni. Kii talo saarta in camalkiisa suubbani uu tirtiri doono denbiyadiisa waxa keliyoo ugu danbaynta uu ogaan doonaa inuu yahay mid abidkiis khasaaray. Waa maxay haddaba xalka dhibaatadani, sidee se Ilaah ku noqon karaa “Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah” isla marqudha? Jawaabtu waxay ku sugantahay Masiixa oo soo qaatay jidh aadane.

MASIIXA OO SOO QAATAY JIDH AADANE

Waxa aan soo aragnay in Kitaabka Quduuska ahi ka marag-kacayo iyadoo Masiixu yahay Wiilka Ilaah, waxaynuna soo sharraxnay in wiilnimadaasi aanay ahayn mid jidh ahanaeed, kuna imannin taran ka yimid lab iyo dheddig, waayo Ilaah waa Ruux. Balse waxa weeyi xidhiidh ruuxi ahaaneed iyo mid ilaahnimo oo ka sarreeya garaadka aadanaha. laakiinse sidoo kale waa inaan xasuusanno iyadoo Masiixu uu yahay aadane buuxa, waxaanu isku magacaabay, “Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo” (Matayos 20:28). Haddaba, waxaynu arkaynaa in Masiixu aanu ugu horreynta u imanin inuu waxbaro oo calaamooyin sameeyo, inkastoo ay run tahay inuu labadaba sameeyay. Muhiimadduu u yimid waxay ahayd inuu innaga inna-furto isagoo beddelkeena dhimanaya. Tanina waxa ay u baahnayd inuu ahaado Nin, si uu innaga daraaddeen uugu dhinto. Tani waa sababta uu Ciise Masiix u soo qaatay jidhka aadanaha.

Waxa jira labo sababoob oon cid kale innoo-furan karteen. Midda koobaadi waxa weeyi, kan waxsoo-furanayaayi waa inuu yahay midaan weligiis denbaabin, haddii kale waxa weeyi inuu ciqaabka denbigiisa uun masuuliyaddiisa qaado. Masiixuna waxa weeyi kan keliya een weligiis denbaabin. Nebiyada runta ah oo dhan waxa laga ilaaliyay inay khaladaad ku sameeyaan waxbaristooda diinta iyo waxsii sheegyada, laakiinse khaladka lagama ilaalinin noloshooda shakhsi ahaaneed. Dhammaantoodna waa ay denbaabeen. Nebi Daa’uud waxa uu yidhi: “Anigu waan ogahay xadgudubyadayda, Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.Adiga keliya ayaan kugu dembaabay, Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun” (Sabuurka 51:3,4). Laakiin Masiixa, Kitaabka Quduuska ahi wuxuu sheegayaa inuu isagu yahay “mid qoduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn. oo dembiilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey” (Cibraaniyada 7:26). Sidoo kale wuxuu leeyahay “Isagu ma uu dembaabin. khiyaanona afkiisa lagama helin” (1 Butros 2:22). Haddana wuxuu Kitaabku leeyahay “isaga oo aan dembi aqoonin” (2 Korintos 5:21), iyo in “isagu u muuqday inuu dembiyadeenna inaga qaado, oo isagu dembi ma leh” (1 Yooxanaa 3:5). Isagu haddaba waa Badbaadiyaha keliya; dadka kale oo dhammina waxa ay u baahdeen in la badbaadiyo.

Marka labaad, Masiixu maaha nebi iyo rasuul oo keliya. Isagu waa “Ilaah oo jidh isku muujiyay” – waxaanu isugu jiraa Ilaah iyo aadane. Isagu waa Wiilka Ilaah, sidoo kalena waa Wiilka Aadanaha. Qiimaha ay markaas dhimashadiisu leedahay waa mid aan lasoo koobi karin. Dhimashadiisana waxa uu ku badbaadin karaa ku kasta oo isaga rumaysta: “Oo isaguna wuxuu dembiyadeenna u yahay kafaarogudka; oo kuweenna oo keliya uma aha ee weliba wuxuu u yahay dembiyada dunida oo dhan” (1 Yooxanaa 2:2). Masiixu wuxuu isugu jiraa Ilaah iyo Aadane. Dabcanna, Ilaah ma dhiman karo. Kan dhintay waxa weeyi Ninkii baarriga ahaa, Ciise Masiix oo Ilaah ku raalli geliyay waxkasta, waxaana weeyi kan sheegay inuu u yimid, “inuu naftiisa ku furto kuwo badan.”

Dhimashada Masiixu innaga awgeen u dhintay waxa weeyi xaqiiqo hubaashii ugu yaraan leh afar caddaymood oon la diidi karin. Ugu horrayn, nebiyada ayaa kasii hadlay boqollaal sano ka hor imaatinkii Masiixa. Waxsii sheegyadani waxa ay ilaa hadda ku suganyihiin Axdiga Hore, oo ah Kitaabka Quduuska ah ee Yuhuuddu haystaan. Kitaabkaasna waxba kumay darin hal ereyna kamay jarin. Marka labaad, Masiixu dhimashadiisa hore ayuu xertiisa uugu sii sheegay, waxaanu u sheegay in isaga ay Yuhuuddu dili doonaan oo saddex cisho dabadeedna uu sarakici doono. Marka saddexaad, waxa dhimashada Masiixa inoo diiwaan geliyay markhaatiyaal goob joog ahaa. Ugu danbaynta, Kitaabka Quduuska ah, Axdiga Hore iyo Axdiga Cusub labaduba, waxa ay si cad u sheegayaan in dhimashada Masiixu ay tahay jidka keliya ee aadanuhu ku heli karaan badbaadada.

Imikana waxaan u imanaynaa doorka ay Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ahi ku leeyihiin badbaadada aadanaha. Kitaabka Quduuska ahi wuxuu sheegayaa “Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah” (Yooxanaa 3:16). Waxaynu markaas arkaynaa in Aabbuhu uu jecelyahay aadanaha isla markaasna uu rabo inay badbaadaan, Wiilkuna isagoo doonistiisa ay tahay wuxuu bixiyay qiimihii lagu heli lahaa badbaadadaas. Ruuxa Quduuska ahi isna wuxuu isagoo jecel kiciyaa dareenka aadanaha waxaanu garadsiiyaa denbiyadooda (Yooxanaa 16:7-8), si ay u aqbalaan in Masiixu yahay Badbaadiyohooda. Haddaba, Ilaah wuxuu dadka ku badbaadiyaa jacaylkiisa, laakiinse maaha qiimaha ay leedahay quduusnaantiisa iyo xaqnimadiisu. Ma jirto jid kale oo lagu helayo badbaadada oon ka ahayn middaas uu bixiyay Ilaah ah – Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah – waana Ilaaha keliya ee nool isla markaasna runta ah.