Nebi La-sixray?

 

Tijaabinta Xaaladda Nafsad iyo Ruuxi ahaaneed ee Muxammad

Maqaalkan af Ingriisiga ah

David Wood

Jiritaanka Islaamku waxa uu ku xidhanyahay runsheegnimada Muxammad. Taasi waxa weeyi, haddii ay jiraan sababo xooggan oo la odhan karo Muxammad waxa uu ahaa rasuul runa oo Ilaah xaggiisa ka yimid, marka ay taasi dhab noqotana waxaan odhan karnaa Islaamku waa run. Si kastaba ha ahaatee, haddii ay jiraan sababo xooggan oo shaki gelin kara runsheegnimada Muxammad, Islaamku isaga ayaa is burinaya.

Qoraalladda ugu da’da weyn iyo dhaqammada Muslimiintu haystaan, oo uu ka mid yahay Qur’aanka, Siirada Rasuulka Alle ee Ibnu Ishaaq, Saxiix Al-Bukhaari, iyo Saxiix Muslim, waxa ay bixinayaan qoraallo badan oo diidaya in Muxammad uu yahay nebi. Ilaha qoraallada asaasiga ahi waxay tusinayaan in Muxammad uu badanaa ahaa fawdoole si axmaqnimo ah uula dhaqma kuwa isaga aflagaaddeeya, inuu helay waxyi u oggolaanaya inuu ku xad-gudbo waxyiga kale ee ku sugan Qur’aanka, inuu fikir xaqiraadi ku jirto ka qabay haweenka, iyo in mid ka mida dumarkiisa uu qabay ay ahayd gabadh yar oo sagaal jir ah. (Xaqiiqooyinkan oo dheeraad ah, ka eeg "Islam Beheaded."). Intaas waxa dheer, waxa uu sheegay in beenta la oggolyahay haddii loo adeegsado nabadaynta, waxaana weeyi hadal inaga dhigi kara inaan ka yaabno sida Muxammad badanaa uu arrintan uuga faa’idaystay intii uu waday farriintiisa.1

Intaasoo dhan waxa dheer, waxa aynu sabab u haynaa inaan ka shakino iyadoo Muxammad ay dhibaato ka haystay xagga caqliga ama uu jinni maray. Caddaymaha uugu da’da weyn ee wax ka qoraya noloshiisu waxa ay tusinayaan in aanu nafsad ahaan ama ruuxi ahaan degganayn wakhtigii hore, intuu ku guda jiray, iyo kaddib markuu Islaamka noqdayba. Xasillooni darradan marka lagu daro xaqiiqooyinka kale ee la xidhiidha nolosha Muxammad, waxa adag in la fahmo sida ay kuwa difaaca Islaamku uula tacaaleen inay malaayiin taabacsan ku qanciyeen iyadoo Islaamku yahay caqiido caqli-gal ah oo la rumaysto.

Xogo soo jeedinaya in Muxammad aanu dhammaystirnayn ayaa u noqonaya ilaa lagasoo bilaabo yaraantiisii. Waalidkiisu waxa ay dhinteen isagoo yar, sidaas darteedna waxa soo koriyay awowgiis iyo adeerkiis. Muxammad waxa uu lahaa haweenay daryeesha kahor intii hooyadiis aanay dhimannin. Haweenaydaasi waxa ay ka warramaysaa dhacdadan cajiibka leh ee dhacday intii Muxammad uu yaraa:

Bilo kaddib markaan soo laabannay [Muxammad] iyo walaalkiis waxay meel guryaha ka danbaysa la joogeen maqasha, kaddib waxa noo yimid walaalkiis oo rooraya waxaanu nagu yidhi, “Labo nin oo xidhan maryo cadcad ayaa qaatay walaalkaygii Quraysh ka dhashay waanay jiifiyeen oo kaddibna jeexeen laabtiisa, waanay baadhayaan.” Waxaannu usoo orodnay xaggiisa oo waxaannu aragnay isagoo taagan oo wejigiisu aanu caadi ahayn. Waannu qabanay oo weydiinnay waxa dhacay. Wuxuu yidhi, “Labo nin oo dhar cad qaba ayaa yimid waxaanay I dhigeen dhulka oo jeexeen laabtayda iyagoo ka raadiyay wax aanan garanaynin.” Sidaas darteed waxaan dib uugu celinay gurigayagii.

Aabbihiis ayaa igu yidhi, “Waxaan ka baqayaa in ilmahan uu ku dhacay xanuun kedis ahi, markaa qoyskiisii dib uugu celi inta aanay natiijadiisu soo muuqannin. ” Kaddib waannu kaxaynay oo waxaannu u geynay hooyadiis oo iyana waxay na weydiisay sababta aan u soo celinay anoo anna ka walaacsanaa xaaladdiisa iyo siduu igula sii joogi lahaa. Aniguna waxaan iyadii ku idhi, “Ilaah wuu ii suurto geliyay inaan wiilkayga hayo intii ay ahayd oo anna waan gutay waajibkaygii. Waxaan ka cabsanayaa in xanuunkaasi uu ku dhaco, sidaas darteedna waxaan isaga idiinku soo celiyay sidaad u rabteen.” Waxay I weydiisay waxa dhacay oo intaan u sheegay kaddibna ammaan imay siinnin. Markii ay I su’aashay inaan ka cabsi qabo iyadoo jinni maray isaga, waxaan uugu jawaabay inaan middaas ka baqayo.”2

Haweenaydii Muxammad daryeelaysay oo keli ahi may ahayn middii ka baqanaysay in Muxammad uu jinni derderay; Nebiga laftiisa ayaa isla sidaas oo kale u qaatay markuu ku bilaabmay waxyiga uuga imanaya malak Jibriil. Markii ugu horreysay ee Muxammad uu la kulmo Jibriil wixii ku dhacay ayaa lagu xusay kitaabka Sirada Rasuulka Alle:

“Markii ay ahayd habeenkii uu Ilaah addoonkiisa ku sharfay risaalada ee uu halkaas uugu muujiyay naxariistiisa, Jibriil ayaa isaga u keenay amarka Eebbe. Rasuulka Alle waxa uu yidhi, “Jibriil ayaa ii yimid,” anigoo hurda, isagoo wata loox ay wax ku qoran yihiin, wuxaanu igu yidhi, ‘Akhri!’ Waxaan idhi, ‘Waxba ma akhriyo ee maxaan akhriyaa?’ Si xooggan ayuu ii qabtay ilaa aan u maleeyay inaan dhimanayo; kaddibna wuu isii daayay oo yidhi, ‘Akhri!’ Waxaan idhi, ‘Waxba ma akhriyo ee maxaan akhriyaa?’ Mar saddexaad ayuu haddana si xooggan ii qabtay ilaan u maleeyan inaan dhimanayo; kaddibna wuu isii daayay oo yidhi ‘Akhri!’ Waxaan idhi, ‘Maxaan haddaba akhriyaa?’ – sidanna waxaan u idhi oo keliya inaan isaga iska fujiyo, oo waxaan ka cabsanayay inuu markale igu sameeyo sidan. Wuxuu yidhi:

‘Wax ku akhri Nebiyow magaca Eebbe ee abuuray (khalqiga).

Dadkana ka abuuray calaq.

Akhri Eebbena waa kan sharafta lehee.

Ee dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.

Dadkana baray waxayna aqoonnin.’

Dabeetana waan akhriyay, oo isna wuu iga tegay. Hurdadii ayaanan ka kacay, waxaanad moodaysay iyadoo ereyadani ay ka dhiganyihiin sidoo oo qalbigayga lagu qoray.”3

Inta kale way wanaagsanayd, marka laga reebo sida fawdadu ku jirto ee Jibriil uu Muxammad farriinta uugu keenay. Laakiin sida Muxammad u fasirayo dhacdada ayaa xoogaa wax muujinaysa. Markii u horreysay ee uu la kulmay wuxuu u qaatay in jinni maray; natiijadii ka dhalatayna waxa ay ahayd iyadoo Muxammad uu ku degdegay inuu is-dilo:

Inta Ilaah abuuray ee khalqigiida ah may jirin cid iga neceb gabayaaga ama qof la maray: xitaa maan eegi kari jirin iyaga. Waxaan u maleeyay, in balaayo gabayaa igu dhacday ama la imaray-Qurayshina sidan weligeed iguma tidhaahdeen! Waxa aan idhi waan tegi doonaa buurta cidhifkeeda ugu sarreeya oo halkaasaan iska soo tuuri doonaa si aan u dhinto oo nasasho u helo.4

Muxammad wuxuu isku dayay inuu buur cidhifkeeda sare iskasoo tuuro, laakiin waxa ka qabtay malak Jibriil. Mar kale oo wakhti danbe ahna wuxuu isku dayay inuu is-dilo markii uu waxyi dheeraad ahi u iman waayay. Mararka qaarkoodna waxa uu ahaa mid aad u cabsada marka uu Jibriil la hadlayo, waxa loo muujinayaana waxa ay u muuqanayeen kuwo dhibaato badan:

[Muxammad wuxuu yidhi]: “Waxyigu wuu kala go’ayay laakiinse si kedis ah, anigoo socda, waxaan maqlay cod samada ka yeedhaya, markii aan eegay samadana, waxaan la yaabay, malaggii iigu yimid Godka Xira ayaa waxa uu kursi ku fadhiyay samada iyo dhulka dhexdooda. Aad ayuu isagu ii cabsi geliyay dabeetana dhulkaan ku dhacay, waxaan markaas u imid qoyskayga oon ku idhi, I deda!, I deda!”5

Markii Kacbada dib loo dhisayay, Nebiga (naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) iyo Cabbaas ayaa tegay inay dhagxaan soo qaadaan. Cabbaas ayaa Nebiga ku yidhi (n.n.k.h.): “Guntigaaga garabka isaga dhig si aanay dhagxaantu kuu wax-yeellayn.” (laakiin isla markuu guntigii iska furay) wuu miyir-doorsoomay oo dhulkuu ku dhacay isagoo indho-caddaynaya. Markii dareenkiisu usoo noqday, wuxuu yidhi: “Guntigaygii! Guntigaygii!” kaddibna guntigiisii ayuu xidhay.6

Rasuulka Alle (n.n.k.h) marka waxyigu kusoo degayo xitaa wakhtiga qabooobaha ah ayuu dhididi jiray.7

Caa’isha ayaa laga wariyay: Marka waxyigu kusoo degayo Rasuulka Alle (n.n.k.h) xitaa maalmaha qabowga ah, dhafoorkuu ka dhididi jiray.8

Caa’isha ayaa laga wariyay in Xaaris bin Hishaam uu Rasuulka Alle weydiiyay (n.n.k.h): Sidee waxyigu kuugu soo degaa? Waxa uu yidhi: mararka qaarkood wuxuu iigu yimaaddaa isagoo u sanqadhaya sida jaraska waana ka iigu daran oo marka uu dhammaadana waan qabtaa (wixii aan waxyiga ku helay), mararka qaarkoodna malag bani aadmi iskasoo dhigay ayaa ii yimaadda (waanu ila hadlaa) waxa uu yidhaahdo oo dhanna waan xafidaa.9

Cubada bin Saamit ayaa lagasoo wariyay in marka waxyigu uu kusoo degayo Rasuulka Alle (n.n.k.h), wuxuu dareemi jiray culays iyadoo midabka wejigiisuna uu is-beddeli jiray.10

Iyadoo taariikh ahaan waxyaalahani isla sidii ay u dhici jireen aan dabiici ahaan la garan karin, caddaymuhu waxa ay tusinayaan in Muxammad hadiyo goor aanu kala saari jirin waxyiga ka imanaya Ilaah iyo kan ka imanaya Shaydaanka. Tusaalaha uugu caansan ee loo soo qaadan karo Muxammad oon awood u lahayn inuu kala sooco runta iyo beentu waxa weeyi fadeexadda la yaabka leh ee “Aayadaha Shaydaanka”:

Rasuulku wuxuu ka welwalaayay waxa dadkiisu xiisaynayaan, isaga oo rabaa inuu iyaga inta karaankiisa ka ah soo jiito…Markii rasuulku arkay in dadku ay isaga dhabarka u jeediyeen ee uu ka damqaday sida ay uuga fogaanayaan waxa uu xagga Ilaah ka keenay, waxa uu doonay in xagga Eebbe ay uuga timaaddo farriin isaga iyo dadkiisa heshiis dhex keenta. Jacaylkuu u qabo dadkiisa iyo siduu iyaga uuga warwarsanyahay awgoodna, waxa isaga farxad gelin lahayd haddii caqabaddan shaqadiisa adkaysay meesha laga saari lahaa…Kaddibna Ilaahbaa soo dejiyay “Wuxuu ku dhaartay (Eebbe) Xiddiggu markuu hoobto. Ee saaxiibkiin (Nebigu) ma dhumin, xaqana kama leexan. Kumana hadlo hawadiisa.” Oo markii uu gaadhay ereyadiisa ah “Ka warrama (sanamyada) Laata iyo Cuza iyo Manaatadii saddexaad ee kale,” Shaydaanka ayaa isagoo dadkiisa u akhrinaya afkiisa ku riday “kuwani waa Qaraaniiqda sarreysa kuwaasoo shafeecadooda la aqbalayo.” Markii Qurayshi middaas maqashay, aad bay uugu farxeen sida uu ilaahyadooda uuga hadlay waanay dhegeysteen; muminiintuna waxa ay u haysteen in waxa nebigoodu xagga Alle uuga keenay inay run yihiin, kamanay shakiyin khalad ama doonis waxba kama jiraan ah ama siibasho, oo markii rasuulku gaadhay sujuudda dhammaadka Suuradda oo uu sujuudayna, Muslimiintuna way sujuudeen maadaama oo nebigoodu sujuuday iyagoo markaasna ansixinaya waxa uu keenay oo addeecaya amarkiisa, mushrikiintii reer Quraysh iyo kuwii kale ee masaajidka joogayna way sujuudeen markii ay maqleen ilaahyadooda oo lasoo hadal qaaday, sidaas darteed cidkasta oo goobtaas joogay mu’miniin iyo gaaloba way wada sujuudeen…Kaddib dadkii way kala tegeen, oo Qurayshina way tegeen iyagoo ku faraxsan waxa laga sheegay ilaahyadooda, iyagoo leh, “Muxammad ilaahyadayada si wanaagsan buu uuga hadlay. Akhritaankiisii wuxuu ku sheegay in iyagu ay yihiin kuwo la korraysiiyay oo shafeecadoodana la aqbalayo. ”

Warku wuxuu gaadhay asxaabtii nebiga ee joogay dhulka Xabashida, waxaana loo sheegay in Qurayshi ay aqbaleen Islaamka, sidaas aawadeedna qaar iyaga ka mida ayaa bilaabay inay dib usoo noqdaan halka qaar kalena ay sii negaadeen. Dabeetana Jibriil ayaa u yimid rasuulka waxaanu ku yidhi, “Muxammadow, Maxaad samaysay ? Waxaad dadkan u akhriday wax aanan anigu xagga Eebbe kaaga keenin oo adiguna waxaad tidhi wax aanu isagu kugu odhannin.” Rasuulku aadbuu u murugooday oo si aadana Ilaahbuu uuga cabsaday. Ilaahbaa markaas waxyi soo dejiyay, oo isaga wuu u naxariistay isagoo markaasna arrintaas uuga qalbi qaboojinaya una sheegaya in nebi kasta iyo rasuul kastaaba uu wax u doonay sida isagu u doonay oo kale, iyadoo Shaydaankuna uu markaas wixii uu rabay uu wax soo dhex-geliyay sidii isagaba uu afkiisa wax uugu tuuray. Ilaahbaa markaas wixii Shaydaanku sheegay nasakhay ama meesha ka saaray isaga oo markaasna Ilaah aayadihiisa dib u habeeyay, rasuulkana waxa loo sheegay inuu la mid yahay nebiyada iyo rasuullada kale oo dhan. Ilaah waxa uu soo dejiyay: “Rasuulkastoon dirnay ama Nabi hortaa markuu wax akhrin waxbuu ku tuuraa Shaydaanku akhriskiisa markaasuu baabi’iyaa Eebbe wuxuu tuuri Shaydanaku wuxuuna sugaa aayaadkiisa, Eebbena waa ogaade fal-san.”11





Aayadahani waxa ay muujinayaan:

  1. Muxammad helitaankiisa waxyiga waxa saamayn ku lahaa doonistiisa shakhsi ahaaneed;

  2. Waxa uu waxyi ka helay Shaydaanka;

  3. 3. Waxa uu waxyigaas u faafiyay sidii isagoo ah farriin ka timid xagga Eebbe;

  4. Isaga iyo asxaabtiisuba waa ay suujudeen iyagoo tixgelinaya helitaanka waxyigaas; iyo

  5. Jawaabta Ilaah oo noqotay, “Muxammadow arrintaas ha ka walwalin. Nebiyada oo dhammi waxa ay wakhtiyo badan ku dhawaaqeen farriin ka timid xagga Shaydaanka.”

Hubaashii, jawaabta Ilaah uu Muxammad siiyay waxa lagu daray Qur’aanka:

“Rasuulkastoon dirnay ama Nabi hortaa markuu wax akhrin waxbuu ku tuuraa Shaydaanku akhriskiisa markaasuu baabi’iyaa Eebbe wuxuu tuuri Shaydanaku wuxuuna sugaa aayaadkiisa, Eebbena waa ogaade fal-san.”12

Haddaba, Shaydaanku wuxuu awood u lahaa inuu saameeyn ku yeesho Muxammad iyo, sida la sheegay, dhammaanba nebiyadii isaga ka horreeyay. Laakiin Shaydaanka oo keli ahi saamayn kuma lahayn Muxammad. Sixiroole Yuhuudi ah oo la odhan jiray Labiid ayaa isna sidoo kale wuxuu awood u lahaa inuu ka gacan sarreeyo nebiga “Khaatimu al-Anbiyaa.”

Caa’isha (Ilaahay raalli ha ka noqdee) waxa lagasoo wariyay inay tidhi: “Markii Nebiga (n.n.k.h.) la sixray wuxuu bilaabay is-moodsiinta inuu wax sameeyay isagoo xaqiiqo ahaantiina, aan waxaas samaynin.”13

Caa’isha (Ilaahay raalli ha ka noqdee) waxa lagasoo wariyay: Waxa la sixray Rasuulka Alle (n.n.k.h) dabeetana wuxuu u malayn jiray inuu haweenkiisa u tegay isagoon run ahaantii u tegin iyaga. Maalin ayaa dabadeedna wuxuu yidhi, “Caa’ishay, ma ogtahay sida Eebbe iigu tilmaamay arrintii aan isaga wax ka weydiiyay? Labo nin ayaa ii yimid oo midkood wuxuu fadhiistay madaxayga agtiisa halka kii kalena uu ka fadhiistay lugahayga agtooda. Kii madaxayga fadhiyay ayaa ka kale weydiiyay: ‘Maxaa ninkan ku dhacay?’ Waxa kii kalana uu ugu jawaabay, ‘Waa la sixray.’ Kii hore ayaa haddana yidhi, ‘Oo yaa sixray isaga?’ Kii kalena wuxuu ku jawaabay, ‘Labiid bin Al-Acsam, oo ah reer Bani Zurayq isla markaasna Yuhuudda la saaxiib ah oo munaafiqna ah.’ Kii hore ayaa haddana su’aalay, ‘Muxuu sixirkaas u isticmaalay?’ Kii kalena wuxuu ku jawaabay, ‘shanlo iyo timo ku guntan.’”14

Ibnu Ishaaq sidoo kale wuxuu warinayaa, “Labiid bin Acsam …ayaa sixray rasuulka Eebbe isagoon markaas u tegi kari jirin haweenkiisa.”15 Guillaume ayaa wuxuu intaas ku darsanayaa, sida la sheegayo, “Sixirku wuxuu daa’imay muddo sanad ah.”16

Qiimayn

Sida ay sheegayaan qoraallada loogu kalsoonida badanyahay ee Islaamka iyo dhaqanku, Muxammad fikirkuu ka qaatay la kulmitaanka Ilaah waxa uu ahaa isagoo u maleeyay in jinni derdaray. Arrintani waxa ay Muxammad ku keentay dhibaato badan isagoo markaasna ku fikiray inuu is-dilo. Waxa intaas dheer, waxa aan haynaa qiso ku sugan Ibnu Ishaaq, oo ah ciddii ugu horreysay ee siirada Muxammad qorta, waana isagoo xusaya in gabadhii Muxammad daryeelaysay markii uu carruurta ahaa ay u malaysay in isaga jinni maray. Kuwo ka mida Muxammad wuxuu la kulmay oo faahfaahsanina waxa ay u muuqdaan inay taageersan yihiin aragtidan iyada ah. Mararka qaar waxa cabsi-gelin jiray waxyaalaha loo muujinayo, wuuna qaylin jiray isagoo dalbanaya in la dedo. Wuu dhididi jiray xitaa xilliga qabowgu jiro, sidoo kalena wejigiisu wuu midab-doorsoomi jiray. Waxa intaas dheer, Muxammad oon waxyiga dhabta ah aan awoodi karin inuu ka sooco waxyiga Shaydaanka, sidoo kalena waxa loo qabtay sixir uu la dhibaataysnaa muddo dhan hal sanno.

Xagga reer Galbeedka, kuwa Muxammed kasoo horjeedaa waxa ay ku degdegaan iyagoo sheega in isaga uu jinni derderay. Inkastoo haddaba aan hayno xoogaa caddaymo ah oo arrintan taageeraya, arrintani waxa ay noqon kartaa mid lagu degdego. Waxa aan hubaashii ognahay in ay Muxammad wax ka qaldanaayeen, laakiinse ma hayno caddaymo ku filan inaan xukunka sidaas u adag ku baaqno. Si kastaba ha ahaatee, waa caddayn qofka wax is weydiinaya uuga filan inuu ka shakiyo in Muxammad uu yahay nebi run ah. Ninka ku baaqay ee qirtay inuu aayado xagga Shaydaanka ka helay oo sidoo kalena la sixray isagoo weliba sheeganaya inuu yahay rasuulka Ilaah ee ugu weyn, waa mid aan lagu kalsoonaan karin haddii aanay jirin caddaymo wanaagsan oo taageeraya sheegashadiisu. Maadaama oo caddayntaas aan Islaamka laga helayna, waxa aan cudurdaar u haysannaa inaan ka shakinno inuu yahay rasuulka Eebbe.

Haddaba, marka aan tijaabinno nolosha Ciisihii reer Naaseret, oo ah nebi kale oo Ilaah soo diray, waxa aynu helaynaa in gebi ahaanba Muxammad la diido. Bal u fiirso mid ka mida Ciise la kulmitaankiisii badnaa ee jinniyada:

“Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba Sabtida wuxuu galay sunagogga oo dadka wax baray. Waxayna la yaabeen wax bariddiisa, waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh, oo uma uu baraynin sida culimada. Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi, Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaretow? Ma waxaad u timid inaad na baabi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay Kan Qoduuska ah ee Ilaah. Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay. Kulligoodba ayay la wada yaabeen, sidaa aawadeed iyaga dhexdooda way isweydiiyeen oo yidhaahdeen, Waa maxay waxani? Ma wax barid cusub baa? Xataa jinniyadii wasakhda lahayd amar buu ku amraa, wayna yeelaan.”17

 

Iyadoo liddi ku ah waxa Qur’aanku sheegayo, nebiyada Ilaah oo dhammi may ahayn kuwo mararka qaarkood Shaydaanku wax u yeedhiyo. Ugu yaraanna waxa aan garanaynaa mid gebi ahaanba ka awood sarreeya jinniyada. Haddii ay tahan inaan dooranno rasuulka ay tahay in wax laga dhegeysto (tanina waa go’aan ay tahay in Masiixiyiinta iyo Muslimiintuba qaataan), miyaanay caqli-gal ahayn inaan rumaysanno kan joogitaankiisu uu cabsi geliyay jinniyada? Intaas waxa dheer, Ciise wuxuu xertiisa uuga digay “Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.”18 Siday doontaba ha noqotee, nebiyada beenta ah oo dhammi si ola-kac ah uumay khiyaanaynin kuwa iyaga raacay. Balse qaarkood waxa duufsaday oo inay sidaas yeelaan ku hoggaamiyay Shaydaan, caddaymuhuna waxa ay si xooggan u tusinayaan in Muxammad uu kuwaas ka mid yahay. Xitaa asxaabtiisuna waxa ay sheegeen in isaga la sixray. 

Footnotes

1 In Sahih Al-Bukhari [Dr. Muhammad Matraji, tr. (New Delhi: Islamic Book Service, 2002), Number 2692], Muxammad wuxuu yidhi “Qofka dadka heshiisiiya ee dhexdooda nabadda dhiga isagoo been abuuranayo waxyaalo wanaagsan ama warbixin wanaagsan, qofkaasi maaha beenaale.”

2 Ibn Ishaq, Sirat Rasul Allah (The Life of Muhammad), A. Guillaume, tr. (New York: Oxford University Press, 1980), p. 71-72.

3 Ibid., p. 106.

4 Ibid., p. 106.

5 Sahih Al-Bukhari , Number 3238.

6 Sahih Al-Bukhari , Number 3829.

7 Sahih Muslim, Abdul Hamid Siddiqi, tr., Number 5763.

8 Ibid., Number 5764.

9 Ibid., Number 5765.

10 Ibid., Number 5766.

11 Ibn Ishaq, 165-166.

12 Qur’an 22:52, Tarjumaadda Afka Soomaaliga.

13 Sahih Al-Bukhari , Number 3175.

14 Ibid., Number 5765.

15 Ibn Ishaq, p. 240.

16 Ibid., p. 240.

17 Maarkos 1:21-27.

18 Matayos 24:11.